Maxaa Ka Khaldan Jawaabta Madaxtooyadu Siisay Cirro & Faysal?

0
Cirro Oo Wada Hadal Ugu Baaqay Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi, Faysal iyo Cirro

Maxaa Ka Khaldan Jawaabta Madaxtooyadu Siisay Cirro & Faysal?

Madaxtooyada Somaliland ayaa xalay soo saartay warsaxaadeed xambaarsan jawaabo dhawr ah oo ku kala socday hoggaamiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe, hoggaamiyaha Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo siyaasiyiin Muxaafad iyo mucaaradba isugu jira. Arrimaha xukumaddu dhibsatay ee xilliga habeenimada ah ka jawaabtay ayaa daaran heshiiska DP World iyo eedo loo jeediyay dawladda Jabuuti.

Jawaabta u horaysa waxa loo diray guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo xisbigiisu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi raalli geliyay guddoomiye Faysal kadib markii uu uga dacwooday safiirka Somaliland ee Jabuuti.

Guddoomiye Faysal ayaa hore u dhalliilay dawladda Jabuuti laakiin, safiirka Somaliland ee Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed ayaa u jawaabay kuna eedeeyay in uu dhuuni doon yahay. Faysal ayaa Madaxweyne Muuse u diray warqad nuxurkeedu yahay in uu danjiraha Jabuuti difaacaya tallaabo ka qaado ama caddeeyo in uu mawqifka ku raacsan yahay. Faysal warqaddiisa waa looga soo jawaabay waxaanu u fahmay raalli gelin la siiyay.

Madaxtooyadu waxay sheegtay in aanu Madaxweynuhu raalli gelin Faysal, islamarkaana Danjire Cabdifataax odhan wax raalli gelin laga bixiyo. Hase ahaatee warqadda madaxtooyadu soo dirtay iyo warsaxaafadeedkeeda waxa ku cad in Madaxweyne Muuse helay dacwadda Eng Faysal kadibna arrintaas kulan kala yeeshay Amb Cabdifataax taasna ay ka dhalatay in warqad raalli gelin ah uu qoro Danjire Cabdifataax, islamarkaana ay madaxtooyadu Faysal u soo dirtay warqadda raalli gelinta iyo mahadcelin ku saabsan sida odaynimada leh ee uu arrintan sida qoraalka ah ugu soo gudbiyay madaxweynaha.

“Aniga oo fulinaya Amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan si sharaf iyo qaddarin leh kuula socodsiinayaa in uu Madaxweynuhu helay qoraalka summaddiisu tahay REF/UCID/XDH/428/2018, kuna taariikhaysnnaa 01/03/2018, ujeeddadiisuna ahayd dacwad ka dhan ah Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Jabbuuti.

Waxa uu Madaxweynuhu kulan gaar ah oo arrintaa ku saabsan la yeeshay Wakiilka, waxaana uu kaaga mahadcelinayaa sida waayeelnimada leh ee aad ugu soo gudbisay dareenkaaga ku aadanaa hadalladii Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Jabbuuti,” Sidaas ayaa lagu yidhi warqadda Faysal loo diray laguna dhex qoray warsaxaafadeedka jawaabta ah.

Waxa la yaab ah in madaxtooyada oo raalli gelinta ka leexinaysa Madaxweynuhu ay sheegtay in Xoghayaha madaxweynuhu warqadda u soo qoray Eng Faysal laakiin, waxa uu qoraalka xoghayuhu ku bilaamaya “Aniga oo fulinaya amarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,” taas oo caddaynaysa in uu idanka madaxweynaha haystay.

Madaxtooyada ayaa u muuqata mid falcelini arrintan kaga soo noqotay dhanka Jabuuti waxaana difaacan is burinaya lagu ladhay digniin loo jeediyay Eng Faysal Cali Waraabe, Maxamed Ibraahin Qabo iyo siyaasiyiin kale oo dhalliilo u jeedinayay todobaadadii u dambeeyay dawladda Jabuuti waxaanay sheegtay in aanay aragtidaas ku metelin Somaliland.

Madaxtooyadu waxa kale oo ay Dr Cabdiraxmaan Cirro ku eedaysay in uu dhalliilayo heshiiska Dp World oo golihiisii wakiillada ee uu hoggaaminayay ansixiyay laakiin, waxa soo baxaya in wax badan laga bedelay heshiiskii goluhu ansixiyay, islamarkaana isbedellada waaweyn ay ka mid tahay Itoobiya oo saamilayda ka mid noqotay.

Madaxtooyada cusub oo uu afhayeen u yahay siyaasi da’a yar, ayaa baraha bulshada lagu arkayay laaxinno ku jira dhinaca qaab dhismeedka iyo nuxurka uu xambaarsan yahay warsaxaafadeedka. Hase ahaatee waa markii u horaysay ee xukumaddu hoggaanka xisbiyada mucaaradka ah si cad ugu wada jawaabto loona arko mucaarad iyo muxaafad kala xadaysan maaddaama hore loo dhalliili jiray xisbiyada mucaaradka doorkooda.

Sayruuqnews/Faallo

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.