Maxaa Ka Khaldan Hambalyo Madaxweyne Siilaanyo U Diray Madaxweynaha La Doortay Ee Kenya?

0

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Salaasadii dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha shalay xilka loo dhaariyay ee dalka Kenya Mr Uhuru Kenyata hase ahaatee qaab qoraalka warqadda hambalyada ah iyo erayada la isticmaalay ayaa la mid ah Dhambaal hambalyo ah oo Madaxweynihii 37-aad ee Maraykanka Mr Richard Nixon uu u diray 16 June 1969-kii Madaxweynihii waqtigaas ay doorteen dadka faransiisku Mr. Georges Pompidou.

Warqadda Mr Richard Nixon u diray dhiggiisii Faransiiska ayaa ka kooban saddex Qaybood(Paragraph) halka warqadda Madaxweyne Siilaanyo shalay dirayna ka kooban tahay isla saddexdaasi. Laba qaybood oo ka mid ah ayaa qoraal ahaan la mid ah qoraalka Madaxweynaha hore ee Maraykanka taas oo muujinaysa in la soo minguuriyay warqadda Mr Nixon. Arrintan oo lagu faaqiday baraha bulshada waxa loo arka in waaxda qoraalka ee Madaxweyne Siilaanyo aanay dhawrin xuquuqda maskaxeed islamarkaana ay arrinta ku fashilan yihiin.

 

Image may contain: 1 person, text

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.