MAXAA INOO DAN AH?. W/Q Garyaqaan Cabdiraxmaan Hirad

0

MAXAA INOO DAN AH?. W/Q Garyaqaan Cabdiraxmaan Hirad

Geeska Afrika hawlo waaweyn oo saamayn weyn ku yeelan kara guud ahaan Qaaradda Afrika ayaa ka socda, waxaa caado ahayd in Dawladda Maraykanku Dawladaha Geeska Afrika ahmiyadda iyo danaha uga muuqdaa ahayd arrimaha nabadgelyada, haddase arrintu sidaa ma aha wuxuu beddelay qorshhiisii hore, wuxuu ku soo biiray dawladaha loollanka ugu jira sidii ay saamayn dhaqaale ugu yeelan lahaayeen Geeska Afrika isaga oo ujeedkiisu yahay in uu carqaladeeyo hawlaha ay Dawladda Shiinuhu ka waddo Geeska iyo dabcan Turkey, iyo arrinta la xidhiidha istaraatiijiyadda Badda Cas, waxaana arrintan hoggankeeda leh Ambassador Yamamato oo ah Safiirka Dawladda Maraykanka u fadhiya Addis Ababa oo xogo badan ka haya sida geesku u yahay meel istraatiiji u ah danaha nabadgelyada Maraykanka isaga oo dadaal ugu jira sidii loo heli lahaa Xulafo ku teedsan Badda Cas oo Maraykanku ku lug leeyahay (Red Sea Alliance).

Waxaa intaa dheer doorka hoggaamineed ee uu la yimid Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Dr Abig Ahmed oo keentay arrin saamayn ku yeelatay Geeska, arrimo badan oo aan lagu dhiirran jirinna iftiimiyay.

Haddaba, inaga su’aasha u muhiimsan ee u baahan in aynu jawaabta u helnaa waxa weeye, MAXAA INOO DAN AH? si yanu jawaabta u helno waxaa habboon in aynaan badweyn isku dhex tuurin, waa in aynu garannaa halka danteennu ku jirto inagga oo ka duulayna ahmiyadda aynu leennahay istaraatiji ahaan, waana muhiim in aynu niyadda ku hayno siyaaaddu way is beddelaysaa laakiin istaraatiijiyaddu isma beddelayso.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.