Maxa Kala Haysta Warbaahinta Madaxtooyada & Wasaaradda Warfaafinta?

0
Maxa Kala Haysta Warbaahinta Madaxtooyada & Wasaaradda Warfaafinta?

Maxa Kala Haysta Warbaahinta Madaxtooyada & Wasaaradda Warfaafinta?
Warbaahinta Somalilandchronicle ayaa daristay sida hay’ado ama xafiisyo xukumadda madaxweyne Biixi ahi u hayaan shaqooyin isku mid ah, islamarkaana ugu hirdamaan ilaha dhaqaalaha.

Waxa ay warbaahintu baadhitaankeeda ku soo qaadatay Wasaaradda warfaafinta iyo wacyi gelinta iyo waaxda warfaafinta ee Madaxtooyada oo isku shaqo haya, islamarkaana isku murugsan. Waxa fadhiid ah shaqada warfaafinta dawladda iyada oo xukumaddu halkii ay warbaahinta dawladda ka adeegsan lahayd isticmaasha warbaahinta gaarka ah siiba telefishannada iyo warbaahintda kale.

Xukumadda ayaa leh telefishanka Qaranka, Idaacadda Radio Hargeysa, wargeyska Dawan iyo qaybo Internet-ka ah. Hase ahaatee SomalilandChronicle waxay sheegtay in wasaaradda warfaafinta oo dhaqaale badan ku baxa kaliya ay ka warranto arrimo ku saabsan wararka madaxweynaha ama xafiisyada dawladda halka isla shaqooyin kuwaas la mid ah ay hayso waaxda warfaafinta ee madaxtooyadu leedahay.

Halkan ka akhri warbixinta Somalilandchronicle oo xoogga lagu saaray hirdanka u dhexeeya waaxda warfaafinta madaxtooyada iyo warbaahinta dawladda oo isku shaqo haya

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.