MAXA KA JIRA IN LA SAMEEYEY TALAALKA CUDURKA HIV/AIDS-KA?

0
MAXA KA JIRA IN LA SAMEEYEY TALAALKA CUDURKA HIV/AIDS-KA?

MAXA KA JIRA IN LA SAMEEYEY TALAALKA CUDURKA HIV/AIDS-KA?
Maqalka iyo ogaalka cudurka HIV/AIDS ma aha mid inagu cusub, waa mid soo jireen ahaa tan iyo horaantii siddeetamaadki. HIV/AIDS-ku waa cudur taariikh dheer ku leh dunida oo soo maray heerar iyo sooyaalo kala daran iyo marxalado kala duwan.
Haddi aynu fiirino deegaanada soomalida waa cudur ku cusub oo aan ku jirin cuduraddii koobnaa ee ay yaqaaneen dadkeeni inaga horeeyey. Maqalka iyo ogaalka cudurka HIV/AIDS ee deegaanada soomaalida kama badna ku dhawaad qiyaasteyda soddomeeyo sanno haddi aanu ka yarayn.
Kahor inta aynaan haddaba u galin deddaalada iyo dagaalka lagula jiro cudukra HIV/AIDS-ka waxa si kooban aynu u milicsaneynaa guud ahaan dunida halka uu ka marayo, tirada dadka la nool, tirada dadka ku cusub cudurkan ee kusoo kordheysa sanad walbe iyo sidoo kale sida qaaradaha aduunku ugu kala duwan yahiin tiro ahaan.
HIV/AIDS-ku waa cudur aad u khatar badan oo lagu tiriyo in uu kamid yahay cuduradda dunida ku fidsan kuna baahsan. Haddi aynu si guud u milicsano dunnida maanta tirada dadka la nool cudurka HIV/AIDS inagoo ka qiyaas qaadanayna sanadkii 2017-ka waxay ku dhawdahay 39.9 Milyan oo qof (UNAIDS).
Tirrada dadkaas iyana ku dhawaad 1.8 milyan qof kamid ahi waa caruur ama dadka da’ ahaan ka yar da’da 15 jirka (UNAIDS). Dhanka kale marka laga eego ku dhawaad 75% (Boqolkiiba todobaatan iyo shan) dadka la noolaa HIV/AIDS sanadkii 2017-ki waxa ay ahaayeen kuwo ka war qaba in ay la nool yihiin cudurkan halka 25% (Boqolkiiba labaatan iyo shan)-ta kale ee soo hadhay oo kor u dhaafaysa tiro ahaan sagaal milyan oo qof aanay ka war qabin in ay yahiin kuwo qaba cudurkan iyo inkale. Dhamaan dadkaasi waxay u baahan yahiin in ay helaan goobo dadku isaga baadho cudurkan (UNAIDS).
Marka laga yimaad tirada dadka la noolayd cudurkan sanadkii tagay, waxa jira dhinaca kale tiro kusoo kordheysa sanad walbe oo qaada cudurkan tusaale ahaan haaddii aynu ka qiyaas qaadano sanadkii 2017-ka, tirada dadka uu asiibay cudurkan waxa lagu qiyaasay in ay ahaayeen 1.8 (Hal dhibic siddeed) milyan oo qof; taasi oo marka hoos loo sii dhexgalo ka dhigeysa in ku dhawaad 5,000 (Shan kun) oo qof ay qaadayeen cudurkan maalintiiba (UNAIDS). Tiradaas kusoo kordheysa cudurka, waxa sidoo kale ku jira oo ay tahay in aynu dul istaagno 180,000 (Boqol iyo Siddeetan kun) oo kamid ahi ay ahaayeen caruur ay da’doodu ka yar tahay da’-da 15 jirka (UNAIDS).
Tiradda dadka dunida la nool cudurkan badankooda waxa lagu sheegaa in ay ku nool wadamada dhaqaalahoogu aadka u hooseeyo iyo kuwa inyar dhaama kuwan oo ah dhex dhexaad dhaqaale ahaan walaw aanay ahayn kuwo dhaqaale wanaagsan.
Marka aynu milicsano kala duwanaanshaha qaaradaha: waxa lagu qiyaasaa in 19.6 (Toban iyo Sagaal dhibic lix) milyan oo qof oo u dhiganta 53% (Boqolkiiba konton iyo saddex) dadka la nool cudurkan ay yihiin wadamada bariga iyo koonfurta Afrika halka 6.1 (Lix dhibic hal) milyan oo u dhiganta 16% (boqolkiiba toban iyo lix) dadka la nool cudurkan ay yahiin wadamada galbeedka iyo badhtamaha Afrika halka 5.2 (Shan dhibic labo) milyan oo u dhiganta 14% (boqolkiiba toban iyo afar) waa wadamada qaarada Aasiya iyo Baasifiga sidoo kale iyana 2.2 (Labo dhibic labo) milyan oo dhiganta 6% (boqolkiiba lix) ay yahiin wadamada galbeedka iyo badhtamaha Yurub iyo Waqooyiga Ameerika (UNAIDS).
Tirada dhimashada guud ahaan dunida ee cudurkan waxa ay noqotay sanadkii 2017-ka mid si weyn hoos ugu dhacdey marka loo eego waqtiyadii hore. Waxa sannadkii 2017-ka u geeeriyooday dhimasho la xidhiidha cudurkan ku dhawaad 940,000 (Sagaal boqol iyo afartan kun) oo qof (UNAIDS).
Khatarta uu leeyahay cudurkan waa mid baahsan kuna fidsan oo ay ka wada siman tahay dhamaan dunidu. Marka laga yimaad dhimashada iyo dhibaatooyinka kale ee cudurkan leeyahay waxa sidoo kale uu saamayn hor leh ku leeyahay dhamaan bulshawaynta dunida, waxa cudurkan uu saamayn ku leeyahay dhamaan dhaqdhaqaaqyada kala duwan ee nolosha sida caafimaadka, dhaqaalaha, amniga, ganacsiga, horumarka, isu socodka bulshada, xidhiidhka iyo wada socodka ka dhexeeya dadka, bulshada iyo wadamada kala duwan.
Dedeaalka loogu jiro in la xakameeyo cudurkan waa mid soo jireen ahaa tan iyo waqtigii uu cudurkan soo if baxay. Daawaynta, la dagaalanka iyo ka hor tagida cudurkan waa mid joogto ah oo hadh iyo habeen heegan loogu jiro. Waxa xoogeedu saaran yahay sidii loo cidhib tiri lahaa oo dawlad kasta oo maanta dunida ka jirta dhankeega kaga jirto dedaalka iyo degaalka ku aadan cudurkan waayo waxa uu kamid yahay caqabadaha ugu waawayn ee maanta dunida hor yaala.
Dedaalka loogu jiro in cudurkan wax laga qabto ma yara waana mid lagu kala duwan yahay laguna kala karti iyo awood badan yahay oo bulshabe halkii ay taagteeda iyo tamarteedu dhigto weeye waase masiibo loo siman yahay oo dhinac looga soo wada jeedo.
Daryeelka, xanaanaynta iyo ilaalinta dadka la nool cudurkan waxay kamid noqonayaan dedaaladaas aynu kor kusoo xusney. Helida daawayn joogto ah, ka war hayn iyo daryeel xoogan oo la siiyo dadka la nool cudurkan waa lagama maarmaan waana mid loo baahan yahay in dawlad kasta ay xooga saarto intii taagteed ah sidii ay dadkaas u heli lahaayeen dhamaan adeegyada ay u baahan yahiin. Taas waxa looga qiyaas qaaadan kara hadba tirada dadka hesha adeega ay u baahan yahiin oo soo hoos galaysa dedaalka iyo dagaalka lagula jiro cudurkan. Tusaale haddii aynu usoo qaadano guud ahaan dunida tirada dadka la nool cudurkan ee heshey daawayntiisa waxa lagu qiyaasy in ay ahaayeen 59% (Boqolkiiba konton iyo sagaal) oo u dhiganta 21.7 (Labaatan iyo kow dhibic todobo) milyan (UNAIDS). Runtii waa dedaal aad u xoogan oo la galiyey sidii wax loogu qaban dadkaas, taasi waxay keentay in sanadkii ina dhaafay (2017-ki) uu noqdo mid tirada u dhimata cudurkan hoos u dhac aad u weyni ku yimaad.
Sida aynu kor kusoo xusney ee ahayd in boqolkiiba konton iyo kow hoos loo dhigey dhimashada cudurkan, haddi aynu is bar-bar dhig ku samayno dhimashada cudurkan sanadkii 2017-ka iyo kuwii ka horeeyey; cudurkan tirrada u dhimatay sanadkii 2017-ka waxa lagu qiyaasay in ay ahayd 940,000 (Sagaal boqol iyo afartankun) oo qof halka sanadkii 2010-kiine ay ahayd dhimashadu 1.4 (hal dhibic afar) milyan oo qof sidoo kale sanadkii 2004-kiine ay ahayd dhimashadu 1.9 (hal dhibic sagaal) milyan (UNAIDS). Halkas waxa inoogu muuqanaysa in dedaalka iyo dagaalka lagula jiro cudurkan uu saamayn taban ku yeelanayo tirada dhimashada cudurkan. Daawaynta, daryeelka, xanaanaynta iyo adeegyada ay helaan dadka la nool cudurkan iyo hadba dedaalka iyo xooga la galiyo waxay keeneysaa in laga hor tago la xakameeyo lana yareeyo in uu fido cudurkani.
Cudurka HIV/AIDS-ka waxa dunida ugu horeysey sanaddadi horaantii siddeetamaadki taasi oo taariikhdiisa, meesha uu kasoo jeedo iyo sida uu aadamaha kusoo gaadhay hadba dhinac lagu aadiyo. Lagasoo bilaabo waqtigaas ilaa maanta hadba dedaalka loogu jiro in la dabar jaro ma aha mid laga joogsaday waxaase hadba isa soo taraysa isku dayga iyo tijaabinta hadba qorshe cusub oo loogu talo galay in lagu joojiyo ama lagu yareeyo cudurkan.
Cudurada faafa intooda ugu khatarta iyo waxyeelada badan gaar ahaan kuwa uu keeno faayrasku malaha daawo daa’in ah oo qofka ka kaxeneysa hadba cudurka asiibay waxaase lagu dedaalaa in la yareeyo khatarta kale ee ka dhalan karta kana faa’ideysan karta cudurkan. Cuduradaas badankooda gaar ahaan intooda ugu khatarta badan oo uu kamid yahay cudurkan HIV/AIDS-ku waxa lala hor joogaa oo intooda badan lagu xakeemeeyaa ama lagu yareeyaa waa talaalka. Talaaladu waxa ay kamid yahiin waxyaabaha ugu waawayn ee ay culimada saynisku ku guuleysteen in ay ku dabar jaraan cuduro badan oo dunidan soo gumaaday. Talaalku ma aha daawo waase ka wanaagsan yahay daawada marka laga eego dhanka faa’idada iyo khatarta ka dhalan karta cudurka haddi uu qofka asiibo. Talaalku waa ka hor tag u wanaagsan qofka, qoyska, bulshada iyo dhamaan dunida. Talaalku waa guulaha ugu waawayn ee kuso kordhay culuumta caafimaadka tan iyo waqtigii ugu horeeyey ee la sameeyo. Talaalku waxa uu sahlaa in cudurku istaago oo ay yaraato dhimashadiisa ama dhibtiisa kale. Talaalku waxa sidoo kale uu faa’ido u leeyahay qofka, qoyska iyo quruumaha kala duwan ee dunida ku kala nool. Waxa uu sidoo kale talaalku ka qayb qaata in ay yaraato ama uu istaago in cudurku bulshada dhexdeeda u kala fido, waxa uu cidhib tiraa cudurkaas waa haddi bulshadu fahamto oo dhamideed wada qaadato.
Waxa haddaba in dhawayd baraha bulshada dib ugusoo laabtay sawiro, qoraalo iyo maqaalo sheegaya in la sameeyey talaalkii cudurka HIV/AIDS-ka kaasi oo hadba qofka sheegeyaa uu kaso xiganayo goobo kala duwan sidoo kale uu u sugayo wadan, ama qof ama haayad hadba magac leh.
Maqaalkeenan qaybtiisan dambe waxaynu ku eegeynaa arrimahan hoos ku xusan:-
• Ma jiraa talaal loo sameeyey oo loogu talo galay cudurka HIV/ADIS-ka?
• Haddi uu jiro mala isticmaalay ama maanta dunida malaga isticmaalaa talaalka cudurka HIV/AIDS-ka?
Tallaalka cudurka HIV/AIDS-ka tiraba waxa la isku dayay afar jeer soddonkii sanno ee ugu dambeeyey si loo helo talaal waxtar leh oo aan waxyeelo u lahayn aadamaha. Dhamaan afartaas jeer ee la isku dayay midna ma guuleysan oo ma noqon kii loo qaadan lahaa talaalka cudurkan. Afartaas isku day waxa xusid mudan saddex kamid ah oo kala ah sidan:-
AIDSVAX waxa uu ahaa talaalkii ugu horeeyey ee loogu talo galay cudurka HIV/AIDS-ka waana tijaabadii ugu horeysey ee talaalka cudurkan la sameeyo waxaana hirgalineysey shirkad daawooyinka samaysa oo la dhaho VaxGen oo laga leeyahay dalka Maraykanka. Ugu horeyn waxa la isku dayay tijaabadan loogu talo galay talaal lagaga hortago cudurkan HIV/AIDS-ka sanadadii shagaashameeyadii, qiyaastii 1991-kii ilaa 1995-kii. Tijaabadda talaalkan laguma guuleysan gaar ahaan markii uu soo gaadhay marxaladii saddexaad ee tijaabada, sababtuna ahayd waxa uu talaalku awoodi waayay in uu ka hortago caabuqii cudurka HIV/AIDS-ka taasi oo ay ugu wacneyd in ay timaad in jidhkii uu awood dufaac oo xoogan uu yeelan kari waayo cudur dhaliyihii ama faayraskii.
THE STEP waxa uu isna ahaa talaalkii loogu talay galay HIV/AIDS-ka waana tijaabadii labaad ee la isku dayo ee kusoo xigtay tijaabadii hore ee AIDSVAX. THE STEP waxay ahayd tijaabo ka waynayd tii ka horeysey waxaana ka qayb qaatay ilaa 3,000 (Saddex kun) oo mutadawaciin aan qabin ama aan lahayn cudurka HIV/AIDS-ka oo ka kala yimi qoomiyado kala duwan oo isugu jiray rag iyo dumar gaar ahaan waxa dadkani u badnaayeen oo xooga la saarayay dadka khatarka ugu jira cudurka sida raga u taga raga iyo dumarka ka shaqeeysta ka ganacsiga galmada iyo waxyaalaha la halmaala, waxaana dadkani ay u dhaxeeyeen da’da 18 jirka ilaa 45 jirka. Tijaabada THE STEP waxa sidoo kale loo yaqaanay HVTN 502 ama Merck V520-023. THE STEP waxaa tijaabadiisa la bilaabay sanadkii 2004-tii waxaana uu soo gabagaboobey sanadkii 2007-dii. THE STEP waxa laga sameeyey cudur dhaliyaha oo awoodiisa la wiiqay ama la diciifiyey waxaana ujeedkiisu ahayd in la ogaado in talaalku ka hor tagi karo cudurka HIV/AIDS-ka iyo in talaalkani uu yarayn karo xaddiga faayraska ku jira dadka qaaday ama uu asiibay cudurkan. Tijaabada Talaalkan waxa la hakiyey sanadkii 2007-dii isagoo maraya marxaladii labaad ee tijaabada qaybteedi dambe, waxaana hakiyey koox khuburo saynisyahano ka madax banaan kooxdii sameneysey talaalkan waxaana lagu go’aamiyey in aan lasii wadi karin talaalkan sababtoo ah waxa muuqatay in aanu gaadhayn waxtarka iyo faa’idada lala rabay in uu ku dhamaado. Daraasadan waxa wada hirgalinaayay machadka NIAID oo ah machad lagu daraaseeyo cudurada faafa iyo xanuunada aleerjika iyo shirkad daawooyinka samaysa oo la dhaho Merck & Co. Inc
RV144 waxa ay ahayd tijaabadii saddexaad ee iyana loogu talo galay in lagu tijaabiyo talaalka cudurka HIV/AIDS-ka. RV144 waxa lagu tiriyaa in ay ahayd guulaha ugu waawayn ee inta isku day talaal oo logu talo galay cudurka HIV/AIDS-ka la waday tii ugu wanaagsanayd uguna rajada fiicnayd. RV144 waxa lagu sameeyey wadanka Thailand waana sababta uu u qaatay magaciisa labaad oo ahaa Thai Trial. RV144 waxa la bilaabay sanadkii 2006-dii waxaanay soo af jarantay bishii sagaalad ee sanadkii 2009-kii. Waxa sidoo kale jira xogo kale oo sheegaya in ilaa sanadkii 2003-dii la waday, diiwaangalinta dadka ka qayb qaadanayana toos loo bilaabay sanadkii 2006-dii, saddex sanno kadibne ay soo afjarantay. RV144 waxa hirgalinaayay ciidanka milatariga wadanka Maraykanka gaar ahaan machad la yidhaa AFRIMS waxaana sameyneysay wasaarada caafimaadka bulshada ee wadanka Thailand.
RV144 waxa ka qayb qaatay 16,402 (toban iyo lixkun afar boqol iyo labo) mutadawaciin Thai ah (Dadka u dhashay wadanka Thailand) gaar ahaan gobolada Chon Buri iyo Rayong. Dhamaan dadkaas ka qayb qaadanayay waxay ay ahaayeen kuwo ka bad qaba cudurka, da’dooduna waxay ahayd 18 jir ilaa 30 jir. Dhamaan dadkani markii ay qaateen talaalkan tijaabada ah waxa lagu wargaliyey in ay is baadhaan lixdii bilood ee kasta muddadi saddexda sano ahayd ee tijaabadu socotay. Natiijadii kasoo baxday RV144 waxay noqotay in 125 qof oo kamid dadkii ay qaadaan cudurka HIV/AIDS-ka. Haddi lasii kala saaro 74 kamid 125-kaas waxay qaateen daawo u eekaha ama talaal u eekaha la adeegsado marka la samaynaayo daraasad lagu tijaabinaayo daawo ama talaal cusub ee loo yaqaan “Placebo” halka 51 kamid ahne ay ahaayeen dadki qaatay talaalka. RV144 waxa ay soo gaadhay maraxalada saddexaad ee tijaabada. RV144 waxa ay yareesey cudurka 31.2% (Soddon iyo kow boqolkiiba). Dhinaca kale sababta ay u guul dareesatay RV144 ayaa ahayd waxa ay ku yeelan wayday saamayn waxtar leh xadiga faayraska dhiiga ku jira.
Ilaa waqtigaas aynu kor kusoo xusnay ee kasoo bilaabmaysa sagaashameeyadi ayaa dunida laga xusaa intii la isku dayay tijaabo talaal lagaga hortago ama lagu xakameeyo cudurka HIV/AIDS-ka waxaana ugu caansan saddexdaas tijaabo ee kala ah AIDSVAX , THE STEP iyo RV144. Saddexdaas isku day tijaabo waxa ugu xooganayd oo ilaa maanta halhays iyo suntanaan looso qaata tan ugu dambeesey ee RV144 sababtuna tahay guusha lagu xasuusto oo ahayd in ay yaraysay caabuqa faayraska boqolkiiba soddon iyo kow dhibic labo.
Gunnaanadka iyo gabo-gabada maqaalkeenan waxaynu is weydiineynaa; Saddexdaas isku day kadib, maanta haddaynu fiirino ma jiraa tijaabooyin kale oo halkii laga sii wado mise saddexdaas ayaa lagaga hadhay?
Dunida maanta waa jiraan isku dayo badan oo ka socda oo hadba wadan ama shirkad sheegato waxaase maanta ugu caansan laba tijaabo oo waaawayn oo ka socda wadanka Koonfur Africa. Labadaas tijaabo ee hadda socda waxa lagu kala magacaabaa Uhambo iyo Imbokodo.

Haddi aynu yara milicsano labadaba, aan ku horeyno tijaabada Uhambo. “Uhambo” erey ahaan wuxuu kasoo jeeda luuqada Zulu ama isiZulu, oo kamid ah luuqadaha rasmiga ah ee lagaga hadlo wadanka Koonfur Afrika, kuna hadlaan dadka Bantu-ga ama Nguni ah dalka Koonfur Afrika. Macnaha ereyga Uhambo luuqa ahaan waa “Safar” ama “Socdaal” ujeedka iyo xikmada ka dambeysa ee loogu dooray in ereygaas loogu magac daro waa, in socdaal ama safar loogu jiro sidii loo heli lahaa talaal waxtar leh oo aan dhibaato lahayn kaasi oo loo isticmaali karo in lagaga raysto dhibka iyo dhimashada cudurka HIV/AIDS-ka.
Sida kale daraasadan Uhambo ama tijaabadan waxa leedahay magaca HVTN 702 oo ah ereyo lasoo gaabiyey ( HIV Vaccine Trial Network) oo ah shabakada hawshan gacanta ku haysa, sidoo kale waxa loo yaqaan ALVAC-HIV (vCP2438) iyo Bivalent Subtype C gp120/MF59.
Daraasadan ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay waa lagu hubiyo in talaalkan loo isticmaali karo dadka oo aanu wax dhibaato ah keeni karin, in talaalku uu ka hortagi karo cudurka HIV/AIDS-ka iyo in habka dufaaca jidhkeenu falcelin ama jawaab celin ka bixin karo marka uu talaalka qaato.
Talaalka loo isticmaalayo daraasadan ama tijaabadan waa mid ka duwan noocyadii u talaalku lahaa ee lagu yaqiin sida tusaale ahaan lagama samayn talaalkan waxyaalo kayimid faayraska keena cudurka HIV/AIDS-ka. Talaalkan lagama samayn faayraski oo nool, sidoo kale lagama samayn faayraskii oo aan noolayn ama faayraskii oo awoodiisa la yareeyey sidoo kale kama uu imaan qaybo kamid ah faayraski. Talaalkan samayskiisu waa sawir ama nashqadayn laga dheehdey habka uu u jiro ama qaabka uu u samaysan yahay faayraska keena cudurka HIV/AIDS-ka waana mid dad samee ah ama gacanta lagu diyaariyey oo aan loogu talin inuu sababo cudurkan mana aha mid sababi kara cudurka HIV/AIDS-ka.
Daraasadan waa mid wali socota, oo aan wali dhaafin marxaladii tijaabada taas macnaheedu waa wali ma jiro talaal aduunka soo gaadhay oo loo adeegsanaayo ka hortaga cudurka HIV/AIDS-ka. Talaalkan waxa kaliya ee ilaa imika loo isticmaala waa tijaabo ama daraasada mana ah mid loo ogolyahay in loo isticmaalo dadyawga kale.
Daraasadan Uhambo waxay salka ku haysaa oo ay daba socotaa daraasadii ama tijaabadii ka horeysey ee RV144, taasi oo guusheedu ha yaraatee aan lagu khasaarin oo ay noqoto mid lagu dayan karo. RV144 waxa lagu qiyaasay waqtigaas in saddexdii qof ee ka qayb qaatayba ay hal qof ka hortagtay in uu qaado cudurka HIV/AIDS-ka.
Dhanka kale waxa sidoo kale jiray daraasado ama tijaabooyin ka kooban HVTN 702 oo magaceedu ahaa HVTN 100 oo lagu lamaaneeyey ALVAC iyo Protein vaccines kaasi oo loo isticmaalayay tijaabada HVTN 702. Daraasadan kooban waxa loo isticmaalay dad tiradoodu gaadhayso 210 qof oo kala yimi dalka Koonfur Afrika.
DaraasadanUhambo waxa fulineysa shabakada loo yaqaan HIV Vaccine Trials Network (HVTN) oo ay kaashanayso noocyada kala duwan ee ururada bulshada iyo daneeyayaasha kala duwan si loo ilaaliyo wixii dhibaato ah ee soo gaadhaysa deegaanka iyo dhaqanka dadka.
Daraasada labaad ama tijaabada labaad iyana waxa loogu magac daray “Imbokodo”. Isla magacan erey ahaan wuxuu kasoo jeeda luuqada Zulu ama isiZulu, waxaana macnaha ugu dhaw waxa uu noqonaya “Dhagax” ama shayga adag ee dhagax u eekaha ah. Daraasadan sidii loo qorsheeyey waxay bilaabantay bishii toban iyo koobaad ee sanadkii 2017-ka waxaana fulineysa shabakada HVTN oo kaashanaysa Janssen Vaccines & Prevention B.V., oo ka qayb ah shirkadaha Janssen oo ah shirkada daawootinka ee Johnson & Johnson.
Daraasadan waxa diiwangalinta araajideeda ka qayb-galayaashu bilaabmeen horaantii bishii lixaad ee 2017-kii waxaana la qaybiyey qorshaheeda iyo qaabka loo qabanayo, cidda ka qayb qaadanaysa isla horaanti sanadkii ee 2017-ka, sidoo kale waxaa lagu qorsheeyey in lagu sameeyo 26 goobood oo ka tirsan wadamada saxaraha ka hooseeya ee qaarada Afrika: Koonfur Afrika, Zimbabwe, Moosaambiik, Malawi iyo Saambiya. Imbokodo waxa loogu talo galay in ay ka qayb qaataan ku dhawaad 2,600 (laba kun iyo lix boqol) oo dumar ah oo da’doodu u dhaxayso 18 jir ilaa 35 jir sababtuna tahay waxa wadamadan ku badan dumarka la nool cudurkan marka la barbardhigo raga. Diiwaangalinta ka qayb qaadayaasha talaalkan tijaabda ah waxa loogu talo galay in uu socdo muddo 14 bilood ah; ilaa bisha toban iyo koobaad ee sanadkii tagay ee 2018-ka. Shuruudaha ugu waawayn ee laga rabo dadka talaalkan lagu tijaabinaayo waxa kamid ah in qofku aanu qabin cudurka HIV/AIDS-ka, in gabadhu aanay uur lahayn iyo sidoo kale in ay la timaado rabitaan xoogan ah in ay ka qayb qaadato daraasadan tijaabada talaalka ah. Dhamaan dadkaas waxa lala socon doona xaaladooda ku dhawaad laba ilaa saddex sano waxaana la siin doona ilaa lix talaal oo irbado ah oo u socon doona muddo sannad ah. Sida loo siinayo waa sidan:- isla marka shuruudaha iyo waajibaadka laga rabo qofku uso dhaafo ee loo aqbalo inuu ka qayb qaadan karo waxa uu qaadanaya hal irbad oo talaalka tijaabada ah, kadib ka labaadne wuxu heleyaa saddex bilood kadib, kan ku xiga eesaddexaad iyo ka afraadna wuxu kala heli doona laba irbadood isla lixbilood gudahood. I nta hawshaas socoto waxa meesha aan ka maqnayn la socodka iyo kawar haynta mutadawaciinta si loo ilaaliyo caafimaadkooda, badqabdkooga iyo dhamaan waxyaalahi kale ee u baahan in laga taxadaro.
Imbokodo waxay iyana sidoo kale salka ku haysaa oo laga daba socdaa daraasadii RV144-tii lagu sameeyey wadanka Thailand sanadkii 2009-ki.
Akhirstoow dedaalka iyo dagaalka lagula jiro cudurkan HIV/AIDS-ka ma aha mid wadan ama cid gooni ah khuseeya waase mid loo dhan yahay oo dunida dhamaanteed dhinac ugaso wada jeedo.
Daraasadaha imika socdaa ma aha labadaas oo kali ah waxa iyana sidoo kale jirta isku day iyo tijaabo la qorsheynaayo oo aan wali lagu dhaqaaqin wadanka Kanada. Saynisyahano u dhashay wadanka Kanada ayaa iyagu waxa ay ka istaageen dhinac ama baal ka duwan habka daraasadahii hore mareen. Daraasadan lagu qorsheynayo wadanka Kanada iyada waxaa la rabaa in loo raaco habkii loo raacay talaalkii loo adeegsaday ilaa imikana loo adeegsado cudurkii aadka u gumaaday galbeedka Afrika sanaddadii 2014-kii ilaa 2016-kii ee EBOLA, kaasi oo ahaa hab ka duwan habka loo sameeyo talaalada lana adeegsaday faayras aan ahayn fayraskeena cudurka Ebola.
Akhristoow haddi aad ka mid tahay bahwaynta caafimaadka ama aad imika ku gudo jirto barashada culuumta caafimaadka iyo haddi aanad ka mid ahayn waxaad ogaataa in aduunka dedaalka uu ugu jiro la dagaalanka cudurka HIV/AIDS-ku aanu yarayn sababtu tahay cudurkan ma aha mid ku kooban dal, dad ama qaarad gooni ah. Cudurkan waa cudur ka wada dhexeeya dhamaan dunida, waa mid ku baahsan dhamaan dacalada dunida. Cudurkan waa lagu kala badan yahay waana lagu kala dedaal iyo dagaal badan yahay. Cudurkan dadka la nool maaha dad meel kale ka yimi, waa dad u baahan daryeel iyo daawayn joogto ah, waa dad baahi gaar ah leh, waa dad leh karaamadii, wanaagii iyo hab la dhaqankii dadku wada lahaa. Macnaheedu ma aha haddi uu xanuunkan asiibay in laga yaaco, la eryo ama la caydhyo ma aha in la faquuqo ma aha in dadka laga dhex saaro ma aha in lagu sheekeysto lana dareensiiyo in uu yahay baadi aan cidne ka dhalan oon ehel lahayn cidine u maqneeyn. Dadka xanuunka la nooli kama maqna dalkeena iyo deegankeena soomalida, waa dadkeeni, waana dad inagu dhex nool oo inala nool sidoo kale inagu beeran inagana mid ah. Taasi baa ka dhigeysa in aynu siino dhamaan daryeelkii iyo jacaylkii qof uu u baahnaa oo uu uga baahna qof, qoys iyo qarankiisaba.
Haddi hadaba dedaaladan iyo tijaabooyinkan lagu guuleysto ee loogu jiro in lagu dabar jaro ama lagu xakameeyo cudurkan HIV/AIDS-ka Allena SWT fududeeyo waxa ay noqoneysaa guul aad u wayn oo usoo hoyata dhamaan dadka iyo dawladaha dunida. Ogow talaalku waa faa’ido aynu u wada baahanahay waa hub iyo difaac aynu isaga celin karno dhaman cudurada khatarta ah ee ka jira kawnka dushiisa. Waa hubkii lagu dabar jaray ee loo adeegsaday cuduradii soo maray dunidan kuwaasi oo gumaad aad u daran soo gaystay sida tusaale ahaan cudurkii furuqa (Smallpox).
Talaalku ma aha cudur, mana keeno cudur sidoo kale ma aha daawo loo adeegsado xanuun in lagu daaweeyo waase hub lagula dagaalamo cudurada aan daawada lahayn ee ay keenaan ilma aragtayga khatarta badan ee inagula nool kawnkan dushiisa.
Dadkeena iyo dalalkeenu wali ma ay yeelan awood ay kula dagaalamaan cudurada khatarta leh sidaasi oo ay tahay haddana inaguma yara dedaalka iyo wacyi galinta aynu ugu jirno cudurkkan iyo sidi aynu u yarayn lahayn ugana dheeraan lahayn. Waana mid loo taagan yahay maanta dawlad ahaan iyo bulsho ahaanba.
G A B O – G A B O
Gunnaanadka maqaalkaygan waxaan kuso afmeeraya “ma jiro ilaa maantadan aynu joogno talaal loo sameeyey in lagaga hortago cudurka HIV/AIDS-ka” waase jiraan dedaalada iyo isku dayga samaynta talaalkas.
Alle swt ha caafiyo wlaalaheena la nool cudurkan hana ugu badalo caafimaad taam. Alle swt haka dulqaado dhibaatadaas haysata hana ugu badalo badhaadhe iyo barwaaqo iyo caafimaad taam ah. Alle swt inagana ha inaga hayo dhibta cudurkani leeyahay oo haynooga dhigo deegaankeena iyo dhamaan gayiga Soomaalida mid ka bad qaba oo ka fayaw cudurkan.
Akhtistoow adine ka dheerow dhamaan dabeecadaha iyo dhaqamada kuu horseedi kara cudurkan, ku xidhnow jidka alle swt, noqo qof toosan oo dhawrsoon oo ilaaliya caafimadkiisa, ka qoyskiisa iyo ka bulshada uu la nool yahay.
*** AAAMIIIN *** AAAMIIIN ***

QALINKII:
Cabdisalam Saciid Aw Xassan
Hargeysa – Somaliland
Wixii talo, toosin iyo tusaalayn ah:-
Abuabdirahman13@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.