Mawqifkii Muuse iyo Muusanowgii Odayada

0
Mawqifkii Muuse iyo Muusanowgii Odayada

Qaddiyadda Korneel Caarre, Mawqifkii MD Muuse iyo Muusanowgii Odayada. Midba Hal.

Waxa maalintii dorraad ahayd ugu tegey hoyga uu ka degganyahay magaalada Hargeysa MD Muuse Biixi odayo ergo ah oo sheegtay in ay ka socdaan jabhadda uu hoggaamiyo Korneel Caarre ee deggan buuralayda woqooyiga gobolka Sanaag. Odayada ergada ahi waxa ay Madaxweyne Biixi ka codsadeen in uu cafiyo Korneel Caarre iyo jabhaddiisa isla markaasna ay ka mid noqdaan ciidanka qaranka Soomaalilaand. Muuse Biixi isaga oo ay ka muuqato in uu aad u ixtiraamayo hadalladii iyo wejiyadii odayadaa aadna ula yaabban waxa ay ula yimaaddeen, islmarkaasna calaamad su’aal u saarantahay waxa raggaa waaweyni ula yimaaddeen dheeldheel iyo dhab midka ay ka tahay waxa uu sheegay raggaa ay ergada ka yihiin dhammaantood inuu cafiyey marka laga reebo hal nin oo aanu isagu magaciisa sheegin laakiin uu xusay derejadiisa ciidannimo ee Gashaanle Sare. Ninkaa oo dabcan si cad u noqonaya Korneel Caarre. Muuse Biixi waxa uu isaga oo og si kas ah ugu dooday in aan sharcigu u oggolaanayn in uu ninkaa isaga ah sidaa ku cafiyo oo uu isla sidaa ciidanka qaranka kaga mid noqdo. Waxa uu odayada ku tirtirsiiyey in ay kala shaqeeyaan farsamo ahaan qaabkii uu ku suurtogeli lahaa cafis uu Korneel Caarre siiyo isaga tusaale ahaan uga dhawaajiyey in Korneel Caarre la soo xidho la xukumo ka dibna markaa cafiskiisa laga dalbado si uu sharci ugu oggolaado in uu cafiyo ka dibna marka uu noqdo denbiile xukuman oo xabbisan.

Haddaba Muuse Biixi ma cafiyi karaa Korneel Caarre? Korneel Caarre waqti xaadirkan ma yahay nin u baahan in Muuse Biixi cafiyo? Odayada ergada ah se marka hore ba arrimihii ay meesha la tageen iyo kuwii ay kala yimaaddeen ba ma ahaayeen kuwo saxan marka la eego waaqica Soomaalilaand maanta ku jirto iyo xaaladda labada dhinac ee ay ku dhex jiraan? Haddii aan ka warceliyo weyddiinta kowaad ee ah Muuse Biixi waqti xaadirkan Korneel Caarre ma cafiyi karaa oo arrintaasi ma tahay mid suurtagal ah? Waxa aan qabaa sharci ahaan HAA laakiin waaqic ahaan iyo siyaasad ahaan MAYA. Sharci ahaan ma jiraan wax u diidaya, madaxweynaha Soomaalilaand qof xukuman iyo mid aan xukunnayn oo eedaysane ah iyo maxkamadi ku socoto intaba dastuurka ayaa u oggol in uu cafiyo iyaga oo xabsi ku jira iyo iyaga oo bannaanka jooga labada. Siyaasad ahaan iyo waaqic ahaan se Muuse Biixi Korneel Caarre ma cafiyi karo, sababta haddii aad isweyddiinayso aad bay u badan yihiin sababaha aanu Muuse Biixi maanta Korneel Caarre u cafiyi karin, cafiskaa in laga dalbado Muuse Biixina aanay marka hore u ahayn wax ka yimi garaad waaqica iyo siyaasadda Soomaalilaand la socda. Korneel Caarre waa sarkaan ciidan oo derejo sare ku lebbisan, wuxu ahaa abbaanduulaha saldhigga saddexaad ee Soomaalilaand maalintii uu ka goostay ciidanka qaranka, waxa uu yagleelay jabhad hubaysan oo ciidan iyo saanad dagaal labada ku hubaysan, waxa uu ka tallaabay xadka Soomaalilaand isaga oo fadhiisimmo ka samaystay mid ka mid ah dalalka Soomaalilaand la deriska ah, waxa uu yeeshay xidhiidho dibadeed iyo kuwo gudeed oo ballaadhan, waxa uu helay ila dhaqaale iyo dakhli ka soo galo isaga iyo jabhaddiisa, waxa uu xidhiidho la yeeshay dabcan ayna u badantahay ilaa maanta in uu la leeyahay madaxda dawlado kale, waxa suuragal aad u badan ah in uu leeyahay xidhiidho caalami ah, waxa uu galay dagaallo khasaare nafeed oo dhaawac iyo dhimasho ba leh gaadhsiiyey ciidanka Soomaalilaand. Waxaa oo dhan marka la eego maanta suuragal maaha siyaasad ahaan iyo waaqic ahaan ba Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa inta la aragtida ahi in ay Korneel Caare cafiyaan, Korneel Caarre maanta ma aha umana dhowa sarkaalkii ciidanka Soomaalilaand dhexdiisa maahee aan meel kale laga aqoonnin ee uu shalay ahaa, wuxu wataa dhammaan wixii uu xidhiidho gudeed iyo kuwo dibadeed ba samaystay muddadii sannadka iyo dheeraadka ahayd ee uu jabhadka ahaa. Waxaa oo dhami waxa ay xukuumadda maanta joogta ku khasbayaan digtooni aad u weyn in ay ka gasho halista ay yeelan karto in Korneel Caarre sidaa lagu cafiyo oo uu kaga mid noqdo ciidanka qaranka Soomaalilaand.

Dhinaca kale aan eegno Korneel Caarre waqti xaadirkan ma yahay nin u baahan cafis Muuse Biixi uga yimaadda? Waxa aan qabaa MAYA. Sababaha Korneel Caarre aanu baahi ugu qabin cafis Muuse Biixi uga yimaadda laftoodu waa badan yihiin dhinacyo badanna waa leeyihiin. Korneel Caarre sannad ka hor maalintii uu ciidanka Soomaalilaand ka goostay wuxu ahaa isaga iyo dhawr askari oo ilaaladiisa ah, ma haysan gaadiid iyo saanad ciidan, ma haysan dhaqaale oo jeebkiisa wax aan mushaharkiisa ahayni kuma soo dhici jirin, ma ahayn qof la yaqaan oo xataa Ceerigaabo oo uu degganaa dadkeeda qofaf faro ku tiris ah ayaa ka yaqaannay, ma lahayn xidhiidho oo ka baxsan xidhiidhada ciidanka qaranka dhexdiisa, wuxu ahaa sarkaan daacad ah oo si fiican ugu shaqeeya amarrada ciidan ee saraakiisha isaga ka sarraysa. Muddo sannad ah ka dib maanta Korneel Caarre wuxu wataa ciidan tiro ahaan kun askari gaadhaya, ka badan ama ku dhow oo rigli ah, wuxu haystaa kumannaan kale oo saacad walba diyaar u ah in ay ku biiraan, wuxu wataa gaadiid iyo saanad ciidan oo ugu yaraan dhawr guuto ku dagaallami karaan, wuxu degganyahay dhufays adag iyo dhul buuralay oodan ah, wuxu leeyahay xidhiidho nooc walba leh, wuxu helaa dhaqaale aad uga badan mushaharkii yaraa ee uu ciidanka qaranka ka qaadan jiray, wuu haystaa magac aanu shalay haysan, wuxu leeyahay jamaahiir taageerayaal ah oo Soomaalilaand meel walba ku dhaqan. Korneel Caarre xaaladda ugu adag ee uu waajihi karaa waa dagaal, dagaalku waa aqoonta keliya Korneel Caarre yaqaanno aqoon ahaan, waa waaya aragnimada nololeed ee uu keligeed ku qaatay noloshiisa intii ugu badnayd, marka aad si aad ah u qiimayso waxa kuu soo baxaysa in uu yahay nin aad u fahamsan sida loogu dagaallamo awoodaha warbaahinta, shacabka, suugaanta, masraxiyadda iyo ciidanka intaba. Korneel Caarre wuxu ka soo dagaallamay dhammaan ba jiidihii ay Soomaalilaand ka gashay dagaalladii ugu qadhaadhaa ee ay abid gasho, wuxu ahaa foolaadka saraakiisha ciidanka Soomaalilaand hoggaamisa xilliga dagaalka adag, wuxu yaqaanna dhammaan ba hoggaannada ciidanka Soomaalilaand dagaal geliya, wuxu yaqaan hoggaan walba kartidiisa iyo ku dhaciisa dagaal, wuxu yaqaan xaaladaha uu galo marka uu dagaallamayo, wuxu ka war haya xaaladda ciidanka dhexdiisa ka jirta saacaddaa aynnu joogno, waxa waaqicu suuragal ka dhigayaa in ay jiraan saraakiil badan oo xidhiidho la leh iyo kuwo taageersan labada ba, waxa suuragal ah in ay saacaddaa jiraan saraakiil ku eedaysan ama lagu tuhunsanyahay in xidhiidho ama taageero ay u hayaan Korneel Caarre. Waxa muuqata in uu rumaysanyahay dagaal walba oo xukuumadda Soomaalilaand la gasho jabhaddiisa iyo askari walba oo ciidankiisa ka dhintaa in uu yahay dhimbiil xaaladda cirka ku shareeraysa oo awooddiisa ciidan, dhaqaale iyo middiisa taageero bulsheed intaba kordhinaysa. Wuxu arkaa xaaladda siyaasad ahaan Soomaalilaand ka jirtaa in ay aad u taageerayso suurtagal weynna ka dhigayso dagaal lala jabhaddiisa in aan lagaga guulaysanayn. Waxaa oo idil marka la qiimeeyo waxa soo baxaysa Korneel Caarre saacaddan aynnu joogno in aanu ahayn nin baahi u qaba cafis uga yimaadda Muuse Biixi se uu oggolyahay wadahadal, wada xaajood iyo heshiis maankiisa iyo doonistiisaba ka iibsamaya.

Odayada ergada ah marka la eego dhammaan arrimaha jira iyo waaqica hor yaalla arrinkooda iyo hadalkoodu ma aha midkii ku habboonaa xaaladaha maanta taagan? Waxa aan qabaa MAYA. Nimankaa arrinkoodu sina sax uma ahayn ugumana eekayn, waxa ka muuqatay waxa ay Muuse Biixi ula tageen Muuse laftiisu in uu la yaabay, in uu isweyddiiyey waxani fariidnimo halkii ugu sarraysa iyo aqoondarro, garasha darro iyo wacyi xumo halkii ugu hoosaysay midka ay ka tahay, markii uu hadalkoodii aad u dhuuxay se uu u badiyey in ay badankooda garasho xumo iyo wacyi darro ka tahay, Muuse Biixi nimankaa waa ixtiraamay intii nin Soomaaliyeed ee gob ahi ixtiraami lahaa odayo iyaga oo kale ah, wuxu ku yidhi hadalkii ugu munaasib sanaa ee uu markaa odhan karayey, hadalkiisa waxa aad uga muuqday in uu la daacadnimo hadlay isaga oo malaha is yidhi waaba intaa oo Alle wax ku garansiiyaa. Guud ahaan ma ay ahayn umana dhowayn ba niman waxa ay ka hadlaan iyo arrimaha ay dhex dabbaalanayaan fahamsan oo qiimayn karaya. Labada nin ba waa dulqaad badnaayeen haddii ay raggii aynnu aragnay dood la galeen weliba waxna ku raaceen walow aan u badinayo in ay labada nin ba ka ahayd bal waxan ay sheeganayaan ku tijaabi waxa ay ka keenaana eeg. Waxa uu muuqata in ay durba Korneel Caarre weji gabax weyn kala kulmeen, isla midkaa ama mid weyn in ay Muuse Biixi kala kulmi doonaana waa u badantahay.

FG: Anigu Korneel Caarre ma taageersani, MD Muuse Biixi lama socdo, odayadii erga ahaana uma dhowi, uma arko halkaa in cidina dan ummadeed kaga hadashay iyo in lagu hayey midna.

Ismaaciil Xaaji Ciise, Hargeysa Soomaalilaand.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.