Mawqifkii Cigaal ee Nidaamka dimuqraadiyadda iyo Dhibka Soomaaliya ku Hayso Somaliland

0

Hargeysa(Sayruuq)-Waa qormo ka mid ah buugga Dhaxalkii Gobonimada oo xambaarsan taariikh koobban iyo khudbadihii dhaxal-galka ahaa ee marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, kaasoo uu qoray Maxamed Faarax Qoti, si taxane ahna ugu soo baxa Jamhuuriya.

Qaybtan taxanaha buugga dhaxalkii gobonnimada oo ka mid ah khudbad uu Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Allaah ha naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahi Ciggaal ka jeediyey fagaaraha Khayriyada Hargeysa 18 May 2001, waxa uu ka hadlay nidaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo sida Soomaaliya ugu hawlan tahay inay burburiso dawladnimada ka jirta Somaliland, taasoo uu marxuum Cigaal ka digayey sannadkii 2001 oo hadda laga joogo muddo 14 sanno ah.

“Waxaynu nidhi, waxaynu dalkeenna ku dhisaynaa nidaamka la yihdaah dimuquraadiyadda, kaasoo caalamku isku raacsan yahay inuu yahay nidaamka qudha ee dadka qaataa xoriyad iyo is-maamul taam ah uu ku noolaan karo, wuxuunna nidaamkaasi u baahan yahay in la barto sida loogu dhaqmo, oo aan si xun loogu dhaqmin xoriyadda uu ballanqaadayo nidaamka dimuqraadiga ah, loona isticmaalin, kuwa xukuummadda hayaana aanay awooda loo dhiibay ku talax-tagin oo xadka dastoorka iyo sharcigu u xaddeeyey aanay dhaafin, siday digtaatooriyaddii Siyaad Barre u dhaaftay.

Sida qudha ee taas lagu gaadhi karaana waxay tahay in la helo shacbi feejigan oo xaqiisana yaqaan, xurmadda xeerkiisana yaqaana, xeerku ma aha xeer, waxna ma xukumi karo, faa’iidana ma yeelan karo haddii aanay xurmayn dadka xeerkaa dhigtay, weynu xurmeyn jirnay xeerkeennii qabaa’ilka la dhigan jiray ee ahaa haddii nin la kala dilo iyo haddii neef la kala qaado, iyo haddii inan la kala kufsaddo, waxaas baynu ku nooleyn oo dhulka ku wada joognay, oo aynu ku wada jiri-jirnay, laakiin maanta magaalo ayeynu isugu nimid, xeerkii miyigu inama dhiqi karo, waxa loo baahan yahay in xeer madani ah aynu sameysano, una xurmayno sida aynu u xurmayn jirnay xeerkii miyiga,” ayuu yidhi marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal.

 

Waxaannu intaas ku daray; “Shacbiga sidaa fahamay ee xeerkaa qaata ee xurmeeya ayaa noqon kara garsoore xaqa iyo baadilka kala qeexa, qof wal oo muwaaddin Somaliland ahba waxa uu xaq u leeyahay xorriyatal-qawl iyo inuu ra’yigiisa baqo la’aan iyo xeebasho la’aan ku soo bandhigo, kuna sheegto, markaa ma jirto cid aan shacbiga ahayn oo xaq u leh inay xukumi karto in qof ra’yigiisu wanaagsan yahay, qofna ra’yigiisu xun yahay haddii ay xukuumad tahay, xisbi ama qof ha noqdee cid arrintaas xaq u leh ma jirto, marka laga reebo shacbiweynaha, dadkiina halkan iga dhageysanaya (fagaaraha khayriyada sannadkii 2001-kii) ama hadhow raadiyaha iga dhageysanaya ayaa xaq u leh, ayaa ah in ra’yi walba dhageysto, oo sidii hargaha loo kala fanashi jiray u kala fanasho, qofka uu u arko inuu dan u yahay oo dalkiisa lagu waddi karo ay ayidaan oo ay codkooda iyo taladooda siiyaan, masuuliyad yar maaha taasi, waa masuuliyad weynweyn, idinka oo shacbiga ah ayaa wax kala xukumaya, idinka weeye waxa inoo doorayaa meesha aynu mareyno iyo halkaynu u kacayno iyo dariiqa aynu raacayno, idinkaa inoo kala dooraya, markaa waa in la helo shacbiga, la’aantiina dimuquraadiyad ma socon karto, mana meel mari karto, haddii aanu jirin shacbigaas maskaxdiisa maalaya ee kala xukumaya wixii xun iyo wixii san, wixii meel-mar ah iyo wixii aan meelmar ahayn, haddii shacbigaa la waayana dimuquraaddiyadii ma jirayso, haddii dumuquraaddiyad la waayana, waxay noqonaysaa markaas ra’yiga in inyari wadato, oo kii Af-weyne oo kale ah la innagu qasbo, oo markaynu diidnana xasuuqaas shalay dhacay (xasuuqii Faqashtu u gaystay shacbiga Somaliland) berritana dhaco ka fiirsada.

 

Shacbiga ayaa loo kala gudbinayaana, shacbigu kala doorranayo, maxay tahay? ma’ kii makhaayadaha laga toocsanayeybaa, ma kii buuqa mafaariishta ka soo baxaybaa?

Sidee ayuu ra’yi cilmiyeysan oo la soo miisaamay oo la soo saxar-tiray loo soo gaadhsiinayaa, oo looga dalbanayaa inay ayidaan ama ay aqbalaan, masuuliyaddaas waxa iska leh axsaabta siyaasiga ah ee aynu leenahay ha la dhiso maanta (sannadkii 2001).

Asxaabtaasaa madaxdoodu iyo gudiyadoodu iyagoo ka soo ka soo fikiray   barnaamijyadooda oo aaraa’dooda iyagoo soo buusha-bixiyey hordhigaya shacbiga Somaliland, kaasoo ay dooran doonaan barnaamijyada ay moodaan in dantoodu ku jirto, dalkooduna ku horumari karo, taageeradoodana ay siin doonnaan, sidaasaa xornimadii shacbigu haystay ay ku meel’mari lahayd ku joogto oo aanay fowdo ku noqon iyo tororogtii makhaayadaha ee ay noqoto mid ku jihaysan barnaamjyo siyaasi ah iyo aarraa cilmiyeysan.

Dowladnimada iyo nidaamka aynu ku dhisayno Somaliland ee aannaan cidna ku xumaynayn ee aynu danteenna, diinteenna iyo duunyadeenna u dhisanayno, ayaa waxa aad mooddaa inuu bir adag ku yahay dadkii reer Soomaaliya la odhan jiray oo ay liqi kari waayeen, waxa aad mooddaa halkay dantooda ay ka maamulan lahaayeeen, dadkoodana ku heshaysiin lahaayeen, dalkoodana ku dejin lahaayeen inay iska dhaafeen, waxa qudha ee ay isku mashquulsan yihiin, ka maanta jooga ee Madaxweynha sheeganaya iyo kuwii ka horreeyeyba sidii Somaliland loo dabri lahaa, dadkeedana la iskaga horkeeni lahaa, caalamkana si xun loo tusi lahaa.

Wuxuu Cabdiqaasim (madaxweynihii Soomaaliya ee 2000 ilaa 2004) Xamar ka dhisay dowlad dalkii uu af-weyne xukumi jiray oo dhan oo ay ku jirto Somaliland uu u yahay madax iyo dowlad, manaasibtii ugu waaweynayd dowladdan wuxuu ku taxay dad reer Somaliland ah oo beelo miissaan iyo magac leh ka soo jeeda, isagoo ay la ahayd in manaasibta raggaasi qabtaan ay reer Somaliland kala fidnayn doonto, kalana kaxayn doonto, kuwii kaa horeeyey oo sidaasoo kale iyana yeelay, wax fidmo ah oo Somaliland ay ku kala rideen ma jirto, kuwa maantuna, wax fidmo ah oo ay inna galiyeen iyo wax daana ah oo ay innoo geysteen, maanso-booli ay dibada ka toocsanayaan oo qudha mooyaane oo aanay wax ay innagu yeelayaan iyo wax ay ina yeeli karaan aanay jirrin,” ayuu marxuum Cigaal ku yidhi khudbadiisa uu fagaaraha khayriyada Hargeysa ka jeediyey 18 May 2001-kii.

Waxa kaloo uu sheegay in haddii madaxweynihii xilligaas ee Soomaaliya Cabdiqaasin Salaad Xasan uu guul gaadhi lahaa haddii uu dalkiisa ugu adeegi lahaa maskaxdii uu doonayey inuu ku kala furfuro dadka Somaliland, waxaannu yidhi; “Jaalle Cabdiqaasim isagaa wax is yeelay oo maanta sida uu uga qaawan yahay taageerro iyo ta’yiid ugama qaawanaadeen hadduu fikraddiisa ku koobo daaweynta iyo dajinta dalkiisa oo uu lixda mansab ee kaga khasaaroobay ragga reer Somaliland ah uu siin lahaa, beelaha maanta ka soo horjeeda ee Raxan-weyn, Maruursade leh ee Abgaal leh, ee Mareexaan leh, ee Ogaadeen leh.

Maanta (2001) kumuu jireen cidhiidhiga uu ku joogo Xamar iyo hudheelada isaga iyo raggiisu ku dhuumaalaysanayaan, waxaan u soo jeedinayaa Jaalle Cabdiqaasim inuu xusuusto maahmaahdii Soomaaliyeed ee odhanaysay, “Awr kaaga ayaannu kuu rarin nimaan kulla furri doonin.” Magaca aad hayso si kastaba ha ku yimaaddee, ee aad qaadatay, masuuliyad culus ayaa la socota, waxaan kugula talinayaa in aanad noqon, “Habartii xaabada qaadi karri weyday ee tidhi qoryo kale iigu kordhiya.’ Inta aad dalka wax ka qaban karto ee awoodaada iyo arrinkaagu gaadhi karro wax ka qabo, hadday kaa dhabtahay Soomaaliyaan u danaynayaa oo aad tanteeda waddo, annaga Somaliland ayaa nala yidhaah, haddaad xubnaha dowladdaada oo dhan ku taxdo rag u dhashay Somaliland wax faa’iido ah oo ay kaaga keenayaan Somaliland ma jirto, wax daanno ah oo ay Somaliland gaadhsiinayaana ma jirto, inta sidii raggii kaa horreeyey waagu kuugu dul-baryin, sida iyagaba uu ugu dul-baryey, inta aad dad tashaday, Ilaahayna la qabtay, oo arrintoodii dhammeystay inta aad xin iyo xaasid la daba’liicaysay, u jeedso waxa ay danta Soomaaliya tahay, oo ka fikir waxaad u qaban karto dalkaaga aad u madaxda tahay, annaga madax nooma tihide.

Annagu haddaanu nahay reer Somaliland waanu ku wareersanahay, fahmina kari weynay, waxa ninkii madax ka noqda Soomaaliyaba wuxuu Somaliland ugu jahwareerayo waanu fahmi laanahay, waxaynu ahayn laba dal oo is-raacay, is-raaciina idinka reer Soomaaliya ayaa baabiiyey, ayaa xasuuq iyo xisdi iyo caddaalad-darro iyo dhac iyo boob ku baabiiyey, waxaanu idin daba sidnaa ma jirto iyo wixii na gaadhay waxaannu idinka sheeganaynaa ma jirto, waxa idinka na’kiin daba wada haddaanay ahayn bixiso, oo aan Illaah ka wadin meesha dhexdeena miidamada ka dhex-dhacda “geesi malafsi bartay iyo doqon millantay” haddaanu Illaah ka wadin, waxaan idin leeyahay, ka waantooba oo waxaydaan heli karin oo aad nagu khasabtaan in mar danbe Xamar naga xukuntaan, ha ku wareerina oo ha ku riyoonina.”

Xigasho: Wargeyska Jamhuuriya

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.