Mawqifka Madaxweyne Biixi Ee Xildhibaan Dhakool

0
Mawqifka Madaxweyne Biixi Ee Xildhibaan Dhakool

Mawqifka Madaxweyne Biixi Ee Xildhibaan Dhakool

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo khudbad u jeedinayay culimada Somaliland ayaa si dadban uga hadlay xadhigga Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool waxaanu sheegay in qof kasta oo dalka khalkhal galinaya gacan bir ah lagu qabanayo, islamarkaana sharciga lala tiigsanayo.

Madaxweynaha oo culimada warbixin siinayay ayaa yidhi “Dardaarankiinii waanu qaadanay oo ay koow ka tahay in Diinta loo gargaaro oo wixii la qabanayaba dhanka Diinta laga bilaabo oo ay ku xigto in nabadda iyo amniga Qaranka la ilaaliyo si wada jir ah, ciddii khalkhal galinaysa dalka xil kasta oo ay haysana gacan bir ah lagu qabto waayo malaha Diiniyan ba way tahay ee qofka xilka haya fidnada uu bilaaba way ka wayn tahay ta qofka caadiga ah sidaas darteed baa loo yidhaahda qofka xilka haya dambiga uu gala wuu ka sii weynaaada qofka caadiga ah ee kale ee aan xilka hayn, markaa haddii qof dambi galo ama qof dilo ama sharcigiiba dilo ama Qarankiiba wax ku wado dee garaaddo kasta oo uu sito haddii uu madaxweynaha yahay xilka xayuubin baa u taalla oo la saaraya, haddii madaxweynuhu umaddii fasahaadinayo waa in la qabta oo xeer baynu ka dhiganay, haddii wasiirkii xumaynayana waa in la qabta oo xeer baa laga dhigtay haddii uu xildhibaankii Qarankii kala duminayana xeer baynu ka dhiganay, marka in aynaan noqon dawlad dadka danyarta ah uun ku qabata dambiga ka madaxda ahi marka uu wax dumiyana ka daysa iyaduna waa inoo guddoon.”

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.