Masuuliyiin Xisbiga Waddani Ka Tirsan Oo Ka Hadlay Sababta Ay Caleemo Saarka Uga Qayb Galeen

0

Hargeysa(Sayruuq) Xoghayaha gaarka ah ee guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo xoghayaha cilmi baadhista Waddani ayaa ka qayb galay caleemo saarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Go’aan rasmi ah oo ka soo baxay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa lagu sheegay in aanu xisbigu ka qayb galayn xafladda caleemo saarka laakiin, labadan masuul ayaa ka soo dhex muuqday madasha.

Xoghayaha gaarka ah ee Dr Cabdiraxmaan Cirro Maxamed Xasan Dirir iyo xoghayaha Cilmi Baadhista Cabdirashiid Jeeni ayaa lagu dhalliilay ka qayb galka caleemo saarka. Taageerayaasha xisbiga Waddani ayaa ku eedeeyay in ay khiyaamo la dhex joogeen xisbiga, islamarkaana la jiraan Kulmiye.

Xoghayaha gaarka ah ee Dr Cirro oo eedahan ka falceliyay ayaa sheegay in uu si shakhsi ah go’aanka ka qayb galka u qaatay “Waxan xusayaa in aan qaar ka mid ah masuuliyiinta Xisbigayga u sheegay shalay inaan anigu shakhsi ahaan ka qaybgalayo munaasibadda oo aan go’aankaas qaatay isla markaasna aanu jirin sharci ii diidaya illeen waa munaasibad qaran’e, anigoo ku tegay martiqaad shakhsi muwaadin ah.

Siyaasadda waxan ku jiray muddo 10 sano ah hadda, waxan ka mid ahaa raggii aasaasay Xisbigan WADDANI, waxan siyaasadda u aqaannaa ilbaxnimo, hubaal siyaasaddu cuqdad maaha, waxa tusaalle ah inaad marwalba u baahantahay cid ku taageerta si aad u gaadhi karto madaxweynenimada,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Xasan Dirir.

Sidoo kale Cabdirashiid Jeeni ayaa qoraal kooban ka soo saaray ka qayb galka xafladda waxaanu u dhigna sidan “Waadaadkii weynaa ee Albert Anstien waxan ka hayaa: “Maanta way ku diidayaan, Berri way kaa hor imanayaan laakiin Saaddanbe way kuu sacab-tumayaan” Asxaabta ii yara cadhootay ee i yara maagtay waa saamax, xaaladdoodana wan dareemi karaa. Laakiin ogaada “waa in aad maanta igu murantaan si aan berri idiin hoggaamiyo.”

Masuuliyiinta dhalinyarada ah ee xisbiga Waddani ayaa ilaa markii xisbigu ku guuldaraystay doorashada iska maagayay baraha bulshada, iyaga oo qaarkood dhalliilo u jeediyeen beesha Cabdiraxmaan Cirro iyo guud ahaan xisbiga laakiin, lama oga waxa uu arrimahan kaga falcelin doono Dr Cabdiraxmaan Cirro oo xilal badan ku taxay dhalinyarada haddana ay muuqdaan qaar badan oo baarashuudka ka goostay.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.