Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Siilaanyo oo Dacwad Ka Dhan ah Madaxwaynaha Ula Tagay Kornayl Muuse Biixi + Halkii Laga Soo Magacaabay oo ay Dacweeyeen.

0

Hargeysa (Sayruuq)- masuuliyiin ka tirsan xukuumadda madaxwayne siilaanyo islamarkaana ka soon jeeda deegaanadda koonfurta iyo badhtamaha hargeysa laguna magacaabo garabka dhargiga ayaa caadifad aan loo baahnayni qaaday waxaanay dacweeyeen madaxwaynaha, madaxwayne ku xigeenka iyo wasiirka madaxtooyadda, iyagoo u dacwad tagay kornayl muuse biixi arintan ayaa fajac iyo amakaag ku noqotay cid kasta oo maqashay.

masuuliyiintan oo guriga wasiir khaliil kula kulmay kornayl muuse biixi ayaa dacwad u muuqatay mid sharci darro ah ka gudbiyay masuuliyinta madaxwyanuhu ugu horeeyo ee aynu kor ku soo sheegnay waxa ilowatreedyadu sheegayaan in kornaylku afka kaga booday kooxdan kadib markii ay dacwada u gudbiyeen islamarkaana uu u sheegay in madaxwaynaha ay ka dacwaynayaan yahay macalinkiisii islamarkaana in anihga la iga dacweeyo mooyaane wali maan arag cid madaxwaynaha ka dacwoonaysa oo aniga iga dacwaynaysa waxaanan idin leeyahay madaxwaynuhu idinka iyo aniga isaga ina magacaabay markaa waa ayaan darro hadii aad halkii la idinka magacaabay ka dacwootaan

isku soo wada duuboo xamxamta kulankii kornaylka iyo kooxdan ayaa duulduulikiisii magaaladda soo galay ilaa uu gaadhay madaxtooyadda waxaana laga cabsi qabaa in rag badan oo kamida masuuliyiintani xilalkoodii waayaan.

waana taariikhda markii ugu horaysay ee aynu maqalno masuuliyiin madaxwaynihii magacaabay ka dacweeya gudoomiye xisbi.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.