Masuul Xukumadda Farmaajo Ka Tirsan Oo Ka Hadlay Xadhigga Qaasim Saleebaan

0

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa ku baaqay in Xukumadda Somaliland sii dayso Musharrax Qaasim Aadan Saleebaan oo maalmihii u dambeeyay ku xidhan magaalada Hargeysa.

Musharraxa oo u tartamaya Golaha Wakiillada kana soo jeeda degmada Adhicaddeeye ee gobolka Sool ayaanay xukumaddu wali sheegin dambi loo haysto.

Siyaasiga Cali Yare Cali oo ka mid ah madaxda ugu dhaw Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu codkiisa ku biirinayo dalabyada ku aaddan in la sii daayo Musharrax Qaasim.

“Waxaan codkeyga ku biirinayaa in Somaliland si shuruud la’aan ah Xorriyaddiisa ugu soo celiyo Musharaxa Golaha Deegaanka ee ka tartamaya Degmada Aricadeeya ee Gobolka Sool kana tartamaya Xisbiga Wadani, Mudane Qaasim Aden Saleebaan.

Lama xiri karo qof ka tirsan murashiriinta sida uu dhigayo xeerka guud ee doorashooyinka qodobka 26-aad faqradiisa labaad oo u dhigan “Musharixiinta, howl-wadeenada xafiisyada doorashooyinka iyo wakiilada xisbiyada lama xiri karo xilliga doorashada haddii aan la qaban iyaga oo danbi ciqaabeed faraha kula jira”
Sidaas daraadeed waxaan maamulka walaalaheen ah ee Somaliland ka codsaneynayaa in ay Musharaxa xorriyaddiisa ugu soo celiyaan si deg deg ah oo aan daahis laheyn, raaligelin iyo magdhowna ka siiyaan muddadii uu sharci darrada ku xirnaa musharaxa.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.