Masuul Madaxweyne Biixi Magacaabay Oo Iscasilay

0
Masuul Madaxweyne Biixi Magacaabay Oo Iscasilay

Eng Maxamuud Cabdi Maxamed (Dhuudhi) ayaa iska casilay xil madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u magacaabay bil ka hor sida ay ogaatay mareegta Somalilandchronicle.

Eng Dhuudhi ayuu madaxweyne Biixi madax uga dhigay Mashruuca Berbera Corridor ee ay hay’adda Horumarinta ee Abu Dhabi ee dalka UAE maalgelinayso.

Xogaha laga helay iscasilaadda masuulkan ayaa sheegaya in uu faro gelin kala kulmay wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Md Cabdillaahi Abokor.

Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in uu aqbalay istiqaalada Eng Dhuudhi, islamarkaana xilkaas u magacaabay Ciise Yuusuf Xamari guddoomiyihii hore ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

BREAKING – RECENTLY APPOINTED PROJECT MANAGER OF BERBERA CORRIDOR RESIGNS

 Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Lix Masuul Oo Madax Ka Noqon Doona Mashruuca Berbera Corridor Ee Ay UAE Maalgelinayso

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.