Masuul Itoobiyan Ah Oo Isaga Oo Hargeysa Jooga Ka Jawaabay Go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya Ee Arrinta Qalbi-dhagax

0

Hargeysa(Sayruuq) Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay go’aammiyay in Dhiibistii Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) oo ka tirsana ururka ONLF Soomaaliya u dhiibtay Itoobiya ahayd arrin sharci darro ah, islamarkaana xeerarka loo cuskaday ahaayeen kuwo aan ku saabsanayn is waydaarsiga dambiileyaasha. Waxa kale oo baarlamaanku sheegay in aanay ururka ONLF u aqoonsanayn urur argagixiso. Soomaaliya ayaa hore ONLF ugu sheegtay Argagixiso islamarkaana sharci ku tilmaantay dhiibista Qalbi-dhagax.

Jeneraal Gabre oo hore u ahaa hoggaamiyaha ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya haatana ah ergayga Ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya oo Hargeysa joogay intii doorashada ayaa sheegay in ay wax lala yaabo tahay  baarlamaanka Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaamay dhiibistii Qalbi-dhagax “Guddi Baarlamaan ayaa leh dhiibistii Qalbi-dhagax waxay ahayd sharci darro waa wax lala yaabo! Sidee bay ugu naxariisan karaan nin argagixiso ah oo aan xataa muwaadin Soomaaliya ah ahayn?” Sidaas ayuu ku yidhi qoraal uu boggiisa Facebook ku baahiyay Jeneraal Gabre.

“Waxaan sida ugu xoogga badan u cambaaraynaya warbixinta guddida baarlamaanka taas oo ay naxariis ugu muujiyeen nin Argagixiso ah kuna tilmaameen sharci darro go’aankii golaha wasiirrada Soomaaliya ee ah in ONLF tahay urur argagixiso oo sharci darro ah,” Sidaas ayuu yidhi Jeneraal Gabre.

Waxa uu sheegay in Qalbi-dhagax yahay muwaadin Itoobiyaan ah hadda uu joogo Itoobiya dibna aanu ugu soo noqon doonin Soomaaliya “Waxaan u mahadcelinaya Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdillaahi iyo ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali soo dhiibistooda argagixiyaha loogu doonista badna bariga Afrika Cabdikariin Muuse,” Sidaas ayuu yidhi Mr Gabre.

Mid ka mid ah xaasadka Cabdikariin Qalbi-dhagax oo VOA-da la hadashay ayaa sheegtay in uu kala soo hadlay Addis Ababa una sheegay in uu xabsi guri ku jiro. Dawladda Soomaaliya waxa hore u gilgilay Soomaalida oo ka cadhootay dhiibista lamina oga in go’aankan cusub ee Baarlamaanku dhib hor leh ku istaadhi doono xukumadda Farmaajo.

Dawladda Itoobiya ayaa u aragta in Cabdikariin Qalbi-dhagax yahay muwaadin waddankiisa ka fallaagoobay maaddaama uu u dhashay Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya sidaas awgeedna ay sharci iyo iskaashi ammaan ahayd tallaabada Soomaaliya ugu soo gacan galisay ninkan oo ka mid ahaa saraakiisha ONLF oo ka soo horjeeda dawladda Itoobiya gaar ahaana Kilalka 5-aad.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.