Masuul Hore Oo Muddo Ku Xidhan Hargeysa

0
Masuul Hore Oo Muddo Ku Xidhan Hargeysa

Masuul Hore Oo Muddo Ku Xidhan Hargeysa
Maareeyihii hore ee Madbacadda Qaranka Somaliland Siciid Saalax Shire ayaa muddo todobaad ka badan ku xidhan Saldhigga Dhexe ee Magaalada Hargeysa, iyadoo la sheegay in loo haysto arrimo Musuq Maasuq.

Mareeyihii hore Madbacadda Qaranka Somaliland Siciid Saalax Shire oo xilka Madbacada Qaranka uu ka qaaday Madaxweyne Biixi dhamaadkii sanadkii hore December 31, 2018 ayaa isla wakhtigaasi waxa loo taxaabay Xabsiga, waxaa saacado yar kadib markii uu xidhnaa damaanad loogu soo daayay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadaw oo soo damiintay. Balse waxa haddana mar kale dib loogu celiyay xadhigii Muddo todobaad ah ka hor, waxaanu ku xidhan yahay Saldhiga Dhexe ee Magaaladda Hargeysa, mana jirto sida la sheegay wax Maxkamad ah oo wali la horgeeyay.

Inkasta oo aanay Xukuumaddu ka hadal sababta masuulkan lagu haysto, haddana illo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxay inuu lacag kor u dhaafaysa 80-Milyan oo Shilinka Somaliland ah uu baanka Somaliland kala baxay isla maalintii Xilka laga qaaday, taasi oo ka dhigan in loo haysto arimo musuq maasuq iyo lacag aanu sharcigu u banayn oo uu la baxay.

Warar kale ayaa sheegaya in inuu si weyn gacan ugu leeyahay xadhiga masuulkani Maareeyaha Cusub ee Madbacadda Qaranka Somaliland ee masuulkan Xilka kala wareegay Maxamud Raage Ibraahim oo aad uga cadhooday Lacagtaasi uu masuulkii ka horeeyay kala sii baxay Baanka, walaw ay odayaal reerkooda ahi isku dayeen inuu saamaxo oo uu dusha u rito bixinta lacagtaasi haddana wuu diiday, waxaanu talada u daayay Xukuumadda iyo hay’addaha ay arintani khusayso inay talaabada ku haboon ka qaadaan masuulka xidhan.

Source: Foore

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.