Mashaqada iyo madax wareerka Yurub haysta

0

Mashaqada iyo madax wareerka Yurub haysta

Buugga cusub ee The Strange Death of Europe: Immigration, Identity, Islam ee uu qoray Douglas Murray waan xiisaynayaa in aan akhriyo. Yurub mashaqo weyn baa ka taagan. Waa qaaradda dunida u gu horumarsan u guna nolol wanaagsan. Sidaa darteed waxaa loo ga baahan yahay xoogsato badan oo shaqaysa. Wax kaleba haddii la daayo waxaa shaqaale badan loo ga baahan yahay daryeelka dadka gabgaboobay ee ciidda ka batay. Haa, dadka gabgaboobay ee daryeelka u baahani qaaradda aad ayay u gu badan yihiin, waayo Yurub waa qaaradda dunida u gu dhimasho yar gabowga hortii, sidaa darteed dadka gaadha da’da raqaye aad bay u badan yihiin. Dhanka kalena Yurub qofka gabooba ma hayaan carruurtiisa iyo kuwa uu awowga iyo ayeyada u yahay, waxaa se daryeelkiisa u xilsaaran bulshada uu isaguba u soo shaqeeyay ee weligii cashuurta soo siinayay.

Iyada oo ay sidaa tahay ayay dumarka Yurub muddo dheer diiddanaayeen in ay dhalaan carruurtii dalku u baahnaa. Maxay dumarku u dhali waayeen carruurtii dalku u baahnaa? Sababta oo ah ilaa sidii Yurub u warshadowday ee u magaalowday ee ay fududaatay in qof waliba helo shaqo uu iskii u gu noolaan karo isaga oo aan cid kale u baahan, is la markaa haweenku heleen xorriyad iyo in ay noloshooda ku filnaan karaan, dumar badani dhalista carruurta wax ay u arkeen caqabad xayiraysa ama dhimaysa horumarka ay doonayaan in ay ka gaadhaan shaqooyinkooda. Dabadeed ilmo dhalista intii ay yarayn karaan ayay yareeyeen. Dhanka kalena guud ahaanba bulshada Yurub ee dhaqaale ahaan, nabad ahaan iyo xorriyad ahaan barwaaqowday, dabadeed u iilatay ku raaxaysiga dunida iyo raalligelinta baahida nafta ka dib markii ay ka tageen Masiixinnimadii adkayd ee raaxada nolosha u diidi jirtay, waxaa aad u daciifay xilkii iyo dadaalkii la gelin lahaa qoyska iyo ilmo dhalista. Halkaas bay ka timid mashaqada maanta Yurub ka taagan ee ah taran yaridu.

Muddo aad u dheer dawladuhu wax ay ku dadaalayeen dhiirrigelinta dhalista carruurta, xeelado iyo fursado aad u badan baana dantaa loo sameeyay oo loo sharciyeeyay. Tusaale ahaan ilmo wal oo dhashaa ilaa uu siddeed iyo toban jir gaadhayo lacag joogto ah baa loo qoray. Hooyo wal oo ilmo dhasha waxaa la siiyay fasax dheer oo shaqadu u sii xidhnaato lacagtuna u socoto. Waxaa kale oo dalalka qaarkood la siiyay muddo dheer oo kale oo ay fasax lacag ku qaadato haynta ilmaha. Dalal ay Iswiidhan ka mid tahay xitaa aabbaha ayaa la siiyaa sannad fasax ah oo uu haynta ilmaha lacag ku qaato. Dhammaan kharashaadka dabiiciga ah ee ilmaha ku baxa dawladda ayaa dammaanad qaadday sida tacliinta, caafimaadka, daryeelka ilkaha iyo muraayadaha indhaha. Waxaas oo dhan iyo wax kale oo la sameeyay bulshadu weli waa ay ka soo taagan tahay in ay dhasho ilmo dabooli kara baahida taranka ee horumarka dalku u baahan yahay. Dalaka u gu daran ee dadkiisu dabargo’a ku socdaan waxaa ka mid ah Talyaaniga.

Taas oo sidaas ah ayay arrin kale meesha soo gashay. Yurub waxaa aad u gu soo batay soogalootiga, siiba dadka muslinka ah. Caadi ahaan dadka muslinka ahi waa ay dhalmo badan yihiin iyada oo ku xidhan arrimo badan oo reer Yurub ka maqan. Waa mar ee muslinku sida reer Yurub diintoodii ka ma ay tagin oo weli macne weyn bay ku lee dahay, is la markaa waxaa jira xadiis aad loo yaqaanno oo dhalmada dhiirrigeliya. Marka labaad dhulalka muslinku sida Yurub u ma warshadoobin oo dadku ma wada noqon xoogsato qof waliba is ku filan yahay oo mushahar ku nool, gaar ahaan dumarka badankoodu weli waa gurijoog u diyaarsan in ninku masruufo. Sidaa darteed qofku baahi ahaan si adag buu u gu xidhan yahay bulshada kale, waxaana macno weyn leh qoyska iyo carruurta. Taa waxaa dheer bulshooyinka muslinka ah badankooda oo weli ku jira dhaqanka qabiilka ee la gu dadaalo in qoladaada la badiyo. Haddaba muslinka Yurub ku batay is la markaa carruurta badan dhalayaa welwel aad u weyn bay ku haysaa reer Yurub badan. Xarumaha daraasadaha iyo tirakoobka waxaa si joogto ah u ga soo baxa saadaal ah in haddii arrintu sida ay maanta tahay ku sii socoto in waqti aan fogayn dalal badan Islaamku noqon doono diinta aqlabiyadda ah, taas oo macnaheedu yahay in dalkaasi islaamoobay. Dalalka u gu horreeya ee carrabka ku soo noqnoqda waxaa ka mid ah Holland.

Haddaba imika cabsidan waxaa siyaasad ahaan u ga faa’iidaysta kooxaha iyo xisbiyada xagjirka ah ee midabtakoorka ah ama muslinka neceb amaba doonaya in ay Yurub ku ilaaliyaan in ay ahaato qaarad u gaar ah caddaanka masiixiga ah, iyo dhanka kale dadka masiixinnimada ku adag oo iyaguna u dhiidhayaya diintoodii la ga tagay iyo Islaamka dardarta qaba ee tarmaya. Durba Yurub wax aad ka arkaysaa muuqaallo iyo dhawaaqyo firfircoon oo aan caadi ahaan jirin oo dadka u gu baaqaya ku noqoshada Masiixiyaddii gabbalkeedu dhacay. Waxaa se yaab leh sida la isu qabadsiin karo maskaxda dadka Yurub ee diinta u ga tagtay koritaanka garaadka iyo aqoonta, iyo in mar kale la gu qancin karo in ay xinka muslinka dartii dib u gu xaroodaan kiniisaddii ay qarni hore ka dareereen? Waa wax aan suuragal ahayn.

Dalalka Yurub xisbiyada iyo ururrada caynkaas ahi beryahan waa ay ku xoogaysteen. Tusaale ahaan Iswiidhan oo ka mid ah dalalka Yurub u gu furfuran qaadashada qaxootiga iyo la dagaallanka takoorka waxaa ka soo baxay xisbi si degdeg ah baarlamaanka u galay kaas oo doorashadii u gu dambaysay ee kalhore codka bulshada ka helay sagaal iyo toban boqolkiiba. Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska, Hangari, Finland, Danmarka… waa la wada mid. Aad bay suuragal u tahay xisbiyadaasi in ay waqti aan fogayn talada dalalka Yurub qabtaan, waayo dadkii bay cabsi badan ku abuureen oo xintan geliyeen. Shisheeye nacaybka iyo cadaawadda cidda kaa duwan oo Yurub aad loo ga la dagaallami jiray haddii ay silsiladdeedu mar uun xidhanto la ma sii sheegi karo natiijooyinka halist ah ee ka dhalan kara iyo ilaa heerka ay taasi jiitami karto. Si cunsuriga xagjirka ah ee dadka kale neceb loo cidleeyo, dawladaha Yurub wax ay aad u ga shaqeeyaan yaraynta cabsida bulshooyinkoodu ka qabaan muslinka, iyo dhanka kale in ay muslinkooda ka dhilaan oo ka ridaan qolofta saaran ee cabsida keenaysa oo ka dhigaan dad cadi ah oo mujtamaca ka mid ah. Laakiin labada jeerba hawshu ma fududa, waayo labada qolaba qolofta saarani waa mid qallafsan oo aan si fudud u fuqayn. Sida cunsurigu u raadiyo wax kasta iyo sabab walba oo dadkiisa argagax gelin karta oo muslinka nacsiin karta si uu isagu u taageero u helo, si la mid ah ayuu badowga muslinka ahi u sameeyaa waxyaalo uu moodayo in uu Islaamka wax u gu tarayo laakiin dhab ahaantii bulshada ku diraya oo kaa hore taageero u noqonaya. Halkaas bay ku jirtaa halista dhabta ahi.

Waxan oo dhan waxaa keenaya Yurub oo ah qaarad dimuqraaddi ah oo dadku lee yihiin xorriyad dastuuri ah iyo xuquuq dhawrsan. Tusaale ahaan dalalka Imaaraadka iyo Gadar shisheeyaha ayaa ka badan dhaladka, sidoo kale Sacuudiga waxaa jooga soogalooti aan ka yarayn saddex meelood oo meel dadka dalka u dhashay. Laakiin waxaas oo dhami macno ma leh ka mana duwana xoolo la dhaqdo, dalka iyo dadkana ku ma laha wax saamayn ah oo dhaafsan in sida addoonta loo gu shaqaysto, goortii la doono ayaana maraakiib iyo dayuurado la gu guri karaa sida xoolaha oo dhulkoodii la gu qubi karaa. Xitaa dumarka dalka u dhashay ma guursan karaan oo bulshada ku ma milmi karaan, sinaba. Laakiin Yurub qofku si buuxda ayuu dadka u ga mid noqdaa oo dalka ayuu yeeshaa: jinsiyadda ayuu qaataa, wuu ka guursadaa oo ka dhalaa, tacliin bilaash ah buu ka helaa heerka uu doono, siyaasadda ayuu galaa oo doorashada ka codeeyaa oo is sharraxaa oo xil walba qabtaa, diintiisa sida uu doono ayuu u gu dhaqmaa oo weliba u faafiyaa, arrimahaas oo dhan oo ka dhalanaya qawaaniinta horumarsan ee Yurub iyo tasaamuxa ama dulqaadka ay wada noolaanshaha u yeesheen Dagaalkii Labaad ka dib. Taas baa keenaysa muslinku in ay noqon karaan aqlabiyadda dalalka qaarkood, haddii ay noqdaanna natiijada doorashooyinka ku yeelanayaan saamayn asaasi ah oo gaadhsiisan in ay dastuurka beddeli karaan, taasina markeeda ay keento in xorriyadda iyo dimuqraadiyadda Yurub waxyeelloobaan oo noloshu halkii beri fog la ga soo hayaamiyay dib u gu noqoto. Taasi haddii aanay dhicin dhanka kale wax ay keeni kartaa in cabsida badan ee dadka Yurub saadaashaa ka qabaan ay u didiso dhanka xisbiyada xagjirka ah ee nacaybka badan, kuwaas oo iyaguna markooda beddeli doona dastuurka dammaanad qaadaya xorriyadda diimaha iyo wada noolaanshaha dadyowga ka la duwan, amaba guud ahaan adkaynta in ay Yurub ku noolaan karaan dad aan ahayn caddaan masiixi ah. Halkaa wax aad ka aragtaa madaxwareerka haysta siyaasiga Yurub iyo dadkooda inta wanaagsan oo noqday midho tib iyo mooyo ku dhex jira.

Muslinka Yurub oo xilkas noqda oo qolofta ku dahaadhan is ka fujiya, oo bulshooyinka ay ka midka yihiin nabad ku la noolaada, kuna yeesha kaalin muwaaddinnimo oo khayr leh, oo garta in ay qaaradda iyagu lee yihiin, xorriyadda iyo horumarsanaanta dawladeed ee ay halkan u gu yimaaddeenna ilaashada oo horumarinteeda ka qaybqaata, halkaas buu ku jiraa xalka dhabta ahi. Halkaas bay dadka wanaagsan ee Yurub ka heli karaan awood ay ku joojiyaan xagjirka halista ah ee haddii uu fursad helo socon karaa ilaa heerkii bahalnimada ahaa ee Hitler iyo Nazi kii Jarmal.

Sababahaas baan buuggaa u xiisaynayaa, oo aan ka filayaa in uu sidaa iyo si la mid ah wax u gorfeeyo.

Ibraahim Hawd

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.