Masaajidada Hargeysa oo laga dhaleeceeyey Duulaanka Yuhuudu ku hayso Qaza

0
Hargeysa(Sayruuq) Culimada Reer Hargeysa ayaa shalay salaadihii kadib waxa ay ka hadleen weerarka ay Yuhuudu ku hayso dadka Reer Falastiin iyo dhulka barakaysan ee Qaza.
Culimada ka hadashay masaajidadu waxay canbaareeyeen weerarkaasi ay Yuhuudi cir, Dhul iyo Badba ay kaga soo qaaday dadka Reer falastiin iyagoo ku tilmaamay xasuuq ba’an inay ku hayaan dadka shicibka ah ee ay dhulkooda haystaan.
Culimadu waxay illaahay uga baryeen in uu dadka Reer Falastiin ka dul qaado dulmiga iyo dhibaatada ay Yuhuudu ku hayso, ugana gar-gaaro dilka joogtada ah ee ay ku hayaan, iyagoo shucuubta islaamka ugu baaqay in loo duceeyo lana bar bar istaago.
Dagaalka ka socda Qaza ayay Yuhuudu ku laysay ku dhawaad sadex boqol oo shicib ah, halka ay ku dhaawacday in ka badan kun qof, kuwaas oo aan helin taageero caafimaad iyo kuwo amni midna.
Weerarka Yuhuudu ku qaaday Qaza ayey kala kulantay iska caabin aanay filayn, kadib markii Falastiiniyiintu ay ku qaadeen weeraro dhinaca gantaalada ah, halka ay bar bar wadaan hadalo dublmaasiyadeed oo niyad jab ku keenay Yuhuuda.
Sidoo kale,waxa Yuhuuda filan waa ku noqday diyaarad kuwa aan Duuliyaha lahayn ah oo ay falastiiniyiintu u adeegsadeen weerarada ay iskaga caabiyayaan Yuhuuda.
Yuhuuda ayaa bilowday weerar dhinaca Dhulka ah inay ku qaado Qaza, hase yeeshee illaa hada waxa u suurtogali la’ inay gudaha u galaan, kadib markii ay Falastiiniyiintu sameeyeen iska caabin xoogan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.