Marxaladihii U Soo Maray Maalgashiga Sherkada DP World & Somaliland Wada Galeen

0

Hargeysa(Sayruuq)-Xukuumadda  Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxay dedaal aan qiyaas lahayn ay u gashay sidii ay dalka Jamhuuriyadda Somaliland u kasban lahaa maal-gashi caalami ah oo wax ka bedala heerka saboolnimadda dalka  iyo mushkiladda shaqo la’aanta wadanka ka taagan oo lagu qiyaasay 75% in dadka reer Somaliland aanay haysan fursado shaqo oo ay noloshooda ku maareeyaan.

Hase yeeshee waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ALLE ku guuleeyay inuu jabiyo darbigii adkaa ee innaga hor taagnaa inaynu helno maal-gashi shisheeye ee  dalku baahida u qabay muddo rubuc qarni ah oo ay jirtay Somaliland tan iyo markii ay 1991-kii xornimadeedii kala soo noqotay Soomaaliya.

9-kii Bishii May 2016 waxay xukuumadda Somaliland heshiis is faham la saxeexatay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta si ay u casriyayso marsadda Berbera oo ay u noqoto mid gaadha mustawaha caalamiga ah isla markaana u adeegta dalalka aan badda lahayn ee mandaqadda geeska afrika.

Heshiiskan oo wali qabyo ah, laguna wado in la dhammaystiro bisha July ee fooda innagu soo haysa, waxa ku jira in la sameeyo suuq ganacsi (Free Zone) iyo in la dhiso jidka isku xidha Berbera iyo magaallada xuduuda ku taalla si loo fududeeyo in badeecaha uga soo degaya Itoobiya dekadda Berbera ay ugu gudbaan Itoobiya si fudud. Waxa kale oo ka mid ah qoddobada iskaashiga Somaliland iyo DP World in la bineeyo marso cusub oo 400mitir ah.  Heshiiskan oo ah kii ugu balaadhnaa ee maalgashi shisheeye ah ee Somaliland ay hesho waxa uu ku kacayaa lacag dhan $442 Milyan.

Dawladda Itoobiya oo  casriyaynta dekadda Berbera  ay u leedahay ahmiyad weyn ayaa heshiiskan ku sifeysay mid muddo dheer  la naawilayay oo  ay u riyaaqeen.waxay danaynaysaa inay u noqoto   marin  halbowle ah oo ay badeecadahooda ganacsiga iyo gargaarka kala soo degaan.

“Waxa aanu  labadayada dhinac ku heshiinay in aanu dekeda Berbera ka bedalno sida ay tahay, kana dhigno deked caalamiya oo casriya oo leh aagga ganacsiga xorta ah iyo qeybaha la dhigo qalabka dekedaha. Waa heshiis dhex maray laba dawladood, Imaaraadka iyo Somaliland iyo ummadahooda oo ay ku jiraan ganacsatada labada dhinac,”ayuu yidhi Guddoomiyaha shirkadda DP World, Mr. Sultan bin Sulayem,  markii uu socdaalka ku yimid Somaliland dabo-yaaqadii Bishii May.

“Heshiiskani waxa uu bog cusub u furi doonaa inay Somaliland hesho maalgashiga shisheeyaha. Heshiiskani waxa uu sare u kordhinayaa  fursadaha shaqo abuur ee dhalinyarrada dalkayaga,”ayuu yidhi Wasiirku oo u waramay dhawaan wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya.

Maareeyaha dekadda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed, ayaa sheegay in heshiiska maalgashiga dekadda Berbera uu yahay mid suurto-gal ka dhigaya inay noqoto marso caalamiya, sida  aanu ka soo xiganay Daily Nation. “Waxaanu doonaynaa inaanu Berbera ka dhigno  mid ka mid ah dekedaha ganacsiga caalamka, isla markaana ay marin u noqoto Geeska Afrika,”ayuu yidhi Maareeyaha dekedda Cali Cumar Maxamed.

“Sannadkii waxaannu awood u yeellanaynaa inaanu  dejinno 200.000 oo koontiinar. Berbera waa mid  ku taalla meel istaraataji ah sida Jabuuti oo kale,”ayuu yidhi Maareeyaha dekeddu. Berberi waxay  ku taallaa badda cas,  waxa mara badeecadaha u kala gudbaya Carabta, Asia iyo Yurub.

Wargeyska The National Business, ayaa isaguna daabacay Bishii May in  heshiiskani uu Somaliland u horseedayo koboc dhaqaalle iyo inay hesho kalsoonida maalgashadeyaasha caalamiga ah oo uu tilmaamay inay ku soo dhiiran karaan markay arkaan maalgashiga ay samaysay shirkadda DP World.  Wargeysku waxa uu intaas ku daray inay dekadda Berbera noqonayso marka heshiiskani dhammaystirmo marsadii 8-aad ee afrika ku taalla ee DP World ay ka shaqeyso.

Geesta kalena, Shacbiga Somaliland, ayaa intooda badani iimaansadeen in heshiiskani  uu yahay fursad dahabi ah oo aan lagu ciyaari karin, waxase xataa kuwii ka soo horjeeday taageereen markii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu sheegay in heshiiskani uu yahay tallaabo hore loogu qaaday horumarinta dalka, waxaanu balan-qaaday in dawladiisu ay deg-deg u horgeyn doonto Golaha Wakiiladda si ay u sharciyeeyaan marka uu dhammaystirmo heshiiska oo u gudbaya marxaladii loogu saxeexi lahaa si rasmi ah.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.