Marwada Koowaad Ee Somaliland Iyo Dr Edna Adan Oo Ka Qayb-gashay Shir Caalamiya Oo Lagu Qabtay Ingiriiska. Daawo Sawirada. Marwada koowaad ee qaranka

0

London(Sayruuq)- Marwada Koowaad Ee Somaliland Oo Ka Qayb-gashay Shir Caalamiya Oo Lagu Qabtay Ingiriiska. Daawo Sawirada. Marwada koowaad ee qaranka Somaliland, Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina Weris), ayaa ka qayb-galay shir caalamiya oo dawladda Ingiriisku ku qabatay Magaalada London, kaasi oo lagaga hadlayey sidii adduunka looga joojin lahaa hablaha yaryar ee guurka lagu qasbo, iyaga oo aan da’dii guurla gaadhin iyo gudniinka fircooniga ah.
Shirkan oo ay ka qayb-galeen Madax ka socotay ilaa 50 dawladood, ayaa Marwada Madaxwaynaha Somaliland ka mid ahayd ergooyinkii lagu casuumay ee ka qayb-galay.
Marwada Madaxwaynaha Somaliland, oo xalay khadka Telefoonka ugu warantay Wargeyska Somalilandtoday, iyada oo ku sugan Magaalada London, ayaa tidhi iyada oo faahfaahinaya shirkaasi “Shirku waxa uu ahaa shir caalami ah oo lagaga hadlayay gudninka fircooniga ah iyo caruurta yaryar ee guurka lagu khasbo, konton Dal oo adduunka ka tirsan ayaa ka soo qayb-galay, hay’daha jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa ayaa ka soo qayb gashay, UNCEF, WHO iyo WFP iyo qaar kale oo badan, waxa ka soo qaybgalay hay’adaha NGO-yada loo yaqaan, waxa ka soo qayb galay qaar iyaga gudniinka fircooniga ah lagu sameeyay ama lagu khasbay iyagoo yaryar inay guursadaan, waxa ka soo qaybgalay bulsho fara badan oo dhalinyaro u badan oo olole ugu jira sidii arrintaa loo joojin lahaa oo caalamka oo dhan ka kala yimid, Dawladda Ingiriiska ayaa xoog uga soo qayb-gashay, waxa ka hadlay raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameroon, waxa ka hadlay raysal-wasaara ku-xigeenka Ingiriiska, waxa ka hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda, waxa ka hadlay ugu yaraan 7 wasiir oo dawladda ingiriiska ah, Xoghaya qaramada midoobay Bankin Moon ayaa isna Shaashadda shirka laga soo saaray (oo kaga qayb-galay) iyo Madaxa qaramada Midoobay u qaabilsan haweenka, markaa shirkaasi waxa uu ahaa shir caalamku isugu yimid, waxa ka soo qaybgalay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Norway, wasiir ka socda Sweden iyo madax kale oo yurub iyo Afrika ah , waxaa ka soo qaybgalay laba marwo Madaxwayne, aniga iyo marwada Madaxwaynaha dalka Bukino Faso, labadayadaa ayaa wax marwooyin Madaxwayne ah ka soo qayb-galnay, markaa shirku waxa uu ahaa shir la isku arkay, shir wax ku ool ah ka soo baxay ayuu ahaa oo aqoon la kala faa’iidastay ayuu ahaa..” Marwo Aamina-weris oo sii hadlaysa ayaa sheegtay “Dawladaha Sweden, Swiserland, Maraykanka iyo Ingiriiska lacago ayay ugu deeqeen sidee arrinkaa loo joojin lahaa, Somaliland-na waxa la casuumay aniga iyo Adna Aadan, waxa kale oo la casuumay Sheekh Almis oo ka mid ah culimada waaweyn, doodaha ayaanu ka qaybgalnay
wixii dalka ka jira ayaanu ka warannay, Somaliland-na guul ayaanu shirkaas uga soo hoynay…”ayay tidhi, waxayna intaasi ku dartay “Shacbiga reer Somaliland Waxaan leeyahay Ciid Mubaarik”.

amina

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.