Markabkii Adhiga Siday Oo Wali Lagu Muransan Yahay

0

Markabkii ay ku rarnaayeen xoolaha laga qaaday dekada Berbera ayaa wali ku xaniban dekada Jedah ee dalka Sacuudiga.

Sida wariye Ilyas Cabdi uu u sheegay u qaabilsanaha ganacsiga iyo warshadaha Maxamuud Axmed Cali oo xukuumada federaalka u fadhiya magaalada Riyaad oo uu khadka tilifoonka kula xidhiidhay xoolaha lagama dajin markabka.

Waxaa socota waanwaan u dhaxeysa ganacsatada xooluhu u rarnaayeen, dowlada Sacuudiga iyo xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Maxamuud waxaa uu xusay in ay ku dadaalayaan siddii loo dajin lahaa labaatan kun oo neef oo saaran markabkaasi.

Ilo xogogaal ah ayaa sheegay in masuuliyiin dowlada federaalka ka tirsan ay ka hor yimaadeen markii la isku dayay in markabkaasi xoolaha laga dajiyo taasi oo keentay in xooluhu ilaa hadda ku xanibnaadaan dekada Jedah.

Muddo lix maalmood ah ayay xooluhu saaranyihiin markabkaasi. Xukuumada Somaliland ayaa shacabka u sheegtay in xoolaha laga dajiyay markabka kaddib markii wada hadal dhex maray ganacsatada xoolaha laheyd iyo dowlada Sacuudiga.

Suxufi Ilyas Cabdi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.