Markab Imaaraadku Leeyahay Oo Muqdisho Ka Qaadaya Agabkii U Dambeeyay

0
Markab Imaaraadku Leeyahay Oo Muqdisho Ka Qaadaya Agabkii U Dambeeyay
Photo file

Markab Imaaraadku Leeyahay Oo Muqdisho Ka Qaadaya Agabkii U Dambeeyay

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Markab u soo diratay Xamaamteeda ka taalla magaalada Muqdisho. Markabkan ayaa la sheegay in uu qaadayo saanadda Militari ee Imaaraadka maaddaama dawladda Imaaraadku soo xidhay saldhigga Muqdisho ee ay ku tababaraysay ciidamada Soomaaliya ilaa 2014.

Tallaabadan Imaaraadku ku xamaan urursanayo waxay ka dambeysay markii todobaadkii hore dawladda Soomaaliya qabsatay diyaarad Imaaraadku leeyahay oo sidday lacag ku dhaw toban milyan oo dollar iyo 47 ciidamada Imaaraadka ah. Imaaraadka ayaa sheegay in ciidamadooda qori caaradii lagu wada qabtay waxaana goobta joogay safiirka Imaaraadka.

Dawladda Imaaraadka ayaa markabkan u soo diratay in uu u daabulo agabkeeda sida uu sheegay wariyaha BBC-da ee Muqdisho. Sidoo kale waxa la xidhay cisbitaalka sheikh Sayid ee Imaaraadku maamulayay. Waxa la sheegay in uu maalintii cisbitaalku qaabilayay bukaano gaadhaya 200 qof oo adeegyo caafimaad oo bilaash ah la siin jiray.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aamminsan in xulufada Turkiga iyo Qadar daaha dabadiisa ka hagayaan khilaafka, waxaana jira warar ku saabsan in Imaaraadka oo ka aargoosanaya Soomaaliya culays saaro ganacsiga iyo Soomaalida ku nool Imaaraadka, islamarkaana u diidi doono sharciyadda joogitaanka si la mid ah sidii Qadar lagu sameeyay.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.