Maraykanka Oo War Cusub ka Soo Saaray Yaxye Jamac

Maraykanka ayaa sheegay in aanay Yaxye Jaamac iyo xubnaha qoyskiisu buuxin shuruudaha lagu soo galayo Maraykanka

0
Maraykanka Oo War Cusub ka Soo Saaray Yaxye Jamac Waaxda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa madaxweynihii hore ee Gambiya Yaxye Jaamac ka mamnuucday in uu soo galo Maraykanka. Waxa kale oo la mamnuucay

Maraykanka Oo War Cusub ka Soo Saaray Yaxye Jamac
Waaxda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa madaxweynihii hore ee Gambiya Yaxye Jaamac ka mamnuucday in uu soo galo Maraykanka. Waxa kale oo la mamnuucay xaaskiisa Saynab, gabadhiisa Maryama iyo wiilkiisa Maxamed.

Waxa ay dawladda Maraykanku sheegtay in lagu daray liiska dadka madaxda ahaa ee lagu helo dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha iyo musuqmaasuq. Waxa lagu eedeeyay Yaxye in uu 50 Milyan oo dollar lunsaday muddadii uu xilka hayay oo 20 sanno ku sinnayd.

Yaxye Jaamac ayaa bishii January 2017 u baxsaday waddanka Equatorial Guinea kadib markii uu hanjabaad Militari kala kulmay Midawga Afrika iyo dalalka Galbeedka Afrika. Waxa lagu haystay doorasho dhacday bishii December 2016 oo uu kaga guulaystay Adama Barow laakiin, uu natiijada diiday Yaxye Jaamac.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.