Maqaalkii ugu dambeeyey ee Jamal Khashoqji

0
Maqaalkii ugu dambeeyey ee Jamal Khashoqji

Maqaalkii ugu dambeeyey ee Jamal Khashoqji ku qoray Wargeyska Washington Post

Tifaftiraha u qaabilsan wargeyska Washington Post qurxinta iyo quraarida aragtiyaha caalamiga ah ee la doonayo in lagu baahiyo wargeyskaasi, ayaa maalintii khamiista ahayd ee 17/10/2018 waxa ay soo saartay maqaal ay ku tilmaantay inuu yahay kii ugu dameeyey ee uu wariyhii la diley ee Sucuudiga ahaa Mr. Jamal Khashoqji u soo diro wargeyska ka hor intii aan la waayin.
Tifaftirahan oo magaceeda la yidhaahdo Karen Attiah ayaa sheegtay inuu u soo direy qoraal cinwaankiisu yahay: Waxay Dunida Carabtu Baahi Weyn u Qabaan waa Xoriyada Hadalka amma : What the Arab world needs most is free expression”. Haddaba maqaalkan oo aad u dheer haddii aynu qaybaha ugu muhiimsan turjunno waxa uu u dhignaa sidan:
“Waxa aan la kulmay maqaal aragtidiisa xambaarsan oo uu soo direy Turjume amma Kaaliye Jamal Khashoqji maalin ka hor intii aanu na soo gaadhin warka sheegaya in lagu waayey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Wargeyska Washington Post waxa uu go’aan ku gaadhay inuu dib u dhigo maqalkaasi ilaa inta la heleyo Jamal si ay fursad noogu noqoto in aanu labadayadu iska kaashano tifaftirka qoraalkaas. Imika waa in aan aqbalaa xaaladaas oo aan u tifaftiraa wargeyska mid ka mid ah maqaaladiisii ugu dambeeyey oo uu kaga waramayo xoriyada dunida Carabta oo sababteeda darteed uu ku waayey naftiisa.
Waxa aan aad ugu faraxsanahay in Wargeyska Washington Post uu noqdo guri- Saxaafadeedkii ugu dambeeyey ee uu galo isaga oo fursad noo siiyey in aanu wada shayno”.
Hordhacaa kooban ka dib ee tifaftire Karen Attiah u samaysay maqaalka wariye Jamal Khashoqji ayaa waxay si toos ah u gashay qoraalkiisii dhabta ahaa ee uu wargeyska u direy oo u dhignaa sidan; “ Maalin dhoweyd oo aan internetka ka baadhay warbixin sannadeedka Xoriyada Hadalka Adduunka ee 2018-ka ee ay soo saartay xarunta Freedom House ayaan ku arkay arrin naxdin badan oo sheegaysa in dalka keliya ee dunida Carabta oo dhan Xorta ah uu yahay dalka Tunisia halka ay dawladaha Urdun, Marocco iyo Kuwait kaga jiraan dawladaha badh ka mid ah uu xor yahay, inta kale ee soo hadhayna aanay xor ahayn.
Natiijada sababtay arrintan ayaa ah in dadka Carabta ah ee ku dhaqan wadamadaasi aanay arag warbixintan amma la jahawareeriyey oo aanay awood u lahayn inay xaliyaan dhacdooyinka saamaynta tooska ah ku leh noloshooda. Iska daa inay si toos ah uga hadlaane, dowladda ayaa sheegta wax kasta, dadkuna intooda badan ma rumaystaan, sidaadarteed ayey dhibanayaal u noqdeen sheekooyinka been abuurka ah oo aan suurtogal ka dhigayn inay wax is bedelaan.
Markii uu bilaabmay Guggii Carabtu sannadkii 2011-kii dunida Carabta waxa gashay himilo, oo wariyayaasha, aqoonyahannada iyo dadkuba ay filanayeen inay heli doonaan dhulkooda oo xor ah, faragelinta dawladaha ee joogtada ah iyo kaantaroolka warbixinada ayaa si degdeg ah u niyad jabiyey yididiilooyinkaas, taas oo ka dhigtay inay dadku iskaga noqdaan xaaladohoogii hore ee ay ku noolaayeen amma ay waajahaan mid ka daran oo ka qallafsan…… Lasoco….

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.