Makhaayad Aanu Ka Kaftamin Ninka Aan Boqol Halaad Lahayni

0

Waxaa magaalada Qabri-daharre ee dawlad deegaanka Somaalida kutaal makhaayad ay ku sheekaystaan shaahana ka cabbaan ragga geeloodu gaaray boqolka halaad.

Makhaayaddan ayaa waxaa inta badan fariista ragga haysta kadimada geela ah, ayadoo ay dhif tahay in nin aan geel lahyni uu fariisto.

Xaaji Cismaan sheikh Maxamed oo ah mid kamid ah dadka ku xiran maqaayaddan, ayaa BBC-da uga warrmay xilliga ay soo bilaabatay arrintani, “Waxay ku samaysmatay in horta geellaydu isugu timaaddo oo la arko, markii la arko geellaydii oo wada fadhida oo ay iskuwaysanayaan kii lahaa boqolka, labada boqol, saddexda boqol iyo afarta boqol ee halaad ayaa loo bixiyey makhaayaddii geelleeyda”

“Inta badan waxaa laga wada hadlaa arrimaha geela oo aad loo jecel yahay, sida baadidiisa ama sanadka uu dhalayo iyo wixii lamid ah”. ayuu yidhi Xaaji Cismaan.

Sida uu sheegay Xaaji Cismaan mar marka qaar waxaa madasha geellaydu isugu timaaddo ka dhex hadla nin aan geelba lahayn, ayadoo la iska waraysanayo arrimaha geela, kaas oo sida uu sheegay aan “hadalkiisa dhag jalaq loo siin”.

Ninka aan geela lahayn ee usoo shaah doonta makhaayaddaas ayaan wax hadal ah u furnayn inta uu halkaas ku sugan yahay, waxayna u badan tahay in uu iska aamuso oo dhagta raariciyo.

Makhaayaddan oo lagu magacaabo Gabogabo ayaa caan ka ah magaalada Jigjiga, waxaana ku ganacsata haweeney lagu magacaabo Aamino Cabduulaahi Axmed, oo ay ku xiran yihiin macaamiil badan oo geelleey

Mar ay BBC-du waydiisay bal cidda ay macaamiisheedu u badan yihiin ayay tidhi: “Dadka boqolka halaad iyo ka badanba leh ayaa ii yimaada, waana dadka meeshaan lagu yaqaan ee looga dambeeyo”

Mar Aamino la waydiiyey in macaamiil badan oo shaaha ka iibsan lahaa oo aan geel lahayn ay halkaas ku waayayso ayay sheegtay in dakhli badani kasoo galo kuwa geeloodu boqolka gaaray oo u badan makhaayaddeeda.

Waxyaabaha makhaayaddan ay uga duwan tahay maqaayadaha kale ayaa waxaa kamid ah in ninba ninka uu ka geel badan yahay uu ragga kale shaaha ka bixiyo.

“Ninba ninka uu ka geel badan yahay waa la gartaa marka uu meesha soo galo, asaga ayaana ragga kale shaaha ka bixiya”. ayay tidhi Aamino.

Oday Axmed Sahal waa mid ka mid ah ragga geeloodu boqolka kor u dhaafay ee ku xiran maqalayadda Gabogabo, waxa uuna sheegay in geela uu u arko waxa ugu wanaagsan ee la dhaqdo.

“Sideetan iyo afar gu’ baan jiraa, makhaayaddan Gabogabo baa la yiraahdaa, Gabogabo ma fariisto nin geeliisu boqol halaad ka yar yahay, ragga geela leh bay gaar u tahay, deegaankaanna waa mid sidaas lagu yaqaan”. ayuu yidhi Oday Axmed Sahal.

“Meeshaan Qorraxeey baa la yirahdaa, geela ayaa qiimo wayn ku leh, raggii geela tabcay ayaa maqaayadda fadhigeeda lahaan jiray, kolka ninka geela leh sheekaynayo, kan aan geela lahayni asagoo shib ah ayuu iska dhex fadhiyaa”.

Cabdi Galayax oo ahaa gabyaa Soomaaliyeed ayaa mar uu ka hadlayey qiimaha geelu uu ugu fadhiyo waxa uu yidhi “Ragga laxaha si dhowrayoow dhaqasho waa geele”.

Oday Axmed Sahal ayaa qaba in ninka aan geela lahayn aanu hadalba u furnayn “Geelaygu boqol waa ka badan yahay, ninka aan geela lahayn asagaaba iska gaabsanaya, hadde nin geel lihi iyo mid aan lahayn maba aha in ay wada hadlaan”.

Mar Oday Axmed la waydiiyey waxay ku kala duwan yihiin ninka dameerka leh iyo kan boqolka geel leh haddii mid kasta alle u barakeeyo hantidiisa ayuu ku jawaabay “Nin dameer leh ilaahayba ma barakayn, gaajaa dilaysa, ninka boqolka geela ah leh se waa barakaysan yahay”.

Si kastaba ha ahaatee Soomaalida ayaa ah bulsho aad u tixgalisa kuna faanta dhaqashada geela, ayadoo ku hal qabsata murtida ah “Nin aan geel lahayn aakhiro lama ammaanayn”.

Geela ayaa qiimo wayn ugu fadhiya Soomaalida oo marka caanihiisa iyo hilibkiisa laga yimaado ay ku qabaan faa’idooyin badan, Waxayna ku bixiyaan magta, yaradka iyo xaalka.

Xigasho BBCSOMALI

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.