Magacyada Xubno Laga Saaray Golaha Dhexe Kulmiye

0
Magacyada Xubno Laga Saaray Golaha Dhexe Kulmiye

Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbul-xaakimka KULMIYE ayaa waxa laga reebay siyaasiyiin muddo dheer ka mid ahaa Xisbigaasi.

Wali lama soo saarin liiska rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE,haseyeeshee ilo xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in liiska Xubnaha Golaha Dhexe ee la gudbiyay laga saaray siyaasiyiin ay ka mid yihiin siyaasiyiin miisaan leh oo ay ka mid yihiin

 

Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi,

Wasiirkii hore ee Qorshaynta Maxamed Ibraahim Aadn Qabo,

Wasiirkii hore ee Macdanta Eng Xuseen Cabdi Ducaale,

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdilahi Ibraahim Habbane,

Wasiirkii hore ee Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse,

Xidhibaan Cabdillaahi Balaaki,

Siyaasiga Maxamed Iid Dhimbiil

Safiirka Somaliland ee Dalka Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar.

 

Lama oga sababta Golaha dhexe looga saaray xubnaha kor ku xusan, maaddaama oo aanay jirin meel ay ku sheegeen inay iyagu ka baxeen Xisbiga, marka laga reebo siyaasiyiin hore u dhaliilay hoggaaminta Madaxwaynaha ee Xisbiga KULMIYE.

Siyaasiyiinta laga reebay Golaha dhexe ee Xisbiga ayaan weli intooda badani ka hadal, marka laga reebay Siyaasi Maxamed Iid Dhimbiil oo cambaareeyay

Geeska Afrika

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.