Magacyada iyo Mansabyada Xubno U Muuqda Inay Ka Danaysteen Musharaxiinta Isbahaystay

0

Hargeysa(Sayruuq)-kii bishan garabka ay midaysnaayeen musharaxiinta Kulmiye ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe waxay munaasibad dhoola tus iyo qado sharaf ah ku qabsadeen hotelka Guuleed ee magaalada Hargeysa.

 

Munaasibaddaasi waxaa cududooda ku soo bandhigayay musharaxiinta is bahaystay iyo tiradda masuuliyiinta iyo golaha dhexe ee ay haystaan, waxaana madasha fadhiyay gole dhexe oo lagu sheegay ilaa 200 iyo masuuliyiin xukumadda xil ka haya oo tiradoodu soddeemyo ahayd iyo sidoo kale xildhibaanno tiro badan.

 

Hase ahaatee garabkaasi danta loolanka musharaxnimada Kulmiye Midaysay markii madaxweynuhu ka taageeray garabka Muuse Biixi, waxaa is casilay ilaa 10 wasiir iyo wasiir kuxigeen oo kaliya, halka intii kale u muuqato kuwo danaystay oo aan ilaa hadda mawqifkooda caddayn inay madaxweynaha ku taageereen musharaxnimada Muuse iyo inkale.

 

Xubnaha sida muuqata isu muujiyay ee ka horjeeday Muuse Biixi waxaa ugu cadcadaa wasiirka waxbarashada prof. Faarax Cilmi Geedoole,ahna musharax madaxweyne xigeen, wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, Wasiirka dib u dejinta Cali Siciid Raygal, wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Kayse Gurey, xoghayaha guurtida Cabdillaahi Dheere ahna musharax madaxweyne xigeen, agaasimaha maamulka lacagta Komishanka AiD-ska Cabdikariin Xinif  iyo xubno kale.

 

Sidoo kalena Wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Cukuse, wasiirka caafimaadka Xaglotoosiye iyo xubno kale oo wasiir Samsam Cabdi Aadan ka mid tahay, laguna tirinayay garabkan ayaan wali mawqifkooda la hayn, iyadoo marar badan la isla dhex maray iscasilaadooda balse ay beenowday.

 

“ Lama arag xukumad talada haysa oo wasiiraddeedii ciidan galisay. Dee waxay ahayd kolayba haddii madaxweyne xigeenku khalad galayo  inuu xilka ka wada qaado ayay ahayd kolayba hadduu khalad galayo khaladkaas baa loo qaataye. Dabeedna iyagoo dad caadiya ah RRU iyo SPU ba galiyo,” ayuu Cabdikariin Xinif ka yidhi Munaasibadii 17-ka October oo uu dhaliil garabka Muuse Biixi ugu jeediyay.

 

Haddaba xubnahan ayaa u muuqda kuwo ka danaystay garabka ay ka midka ahaayeen ee go’aansaday inay dibadda uga baxaan xukumadda maadaama madaxweynuhu ku amray inay ku daba faylaan guddoomiyaha Kulmiye, sidoo kalena la jideeyay inaan Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici lagula tartamin musharaxnimada Kulmiye.

Ramaas

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.