Magaalada Burco Oo Mudaharaad Ka Bilawday

0
Mudaharaad Ka Istaadhmay Qaybta Itoobiya Ee Wajaale

Hargeysa(Sayruuq) Taageerayaasha xisbiga Waddani ayaa mudaharaado ka bilaabay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Taageerayaasha ayaa gadooday kadib markii wakiillada xisbiga Waddani ee Komishanku shaaciyeen in lagu shubtay doorashada Madaxtooyada, islamarkaana ay hakiyeen in ay qayb ka sii ahaadaan tirinta codadka.

Shabakadda Sayruuqnews ayaa xidhiidh ay la samaysay wariyeyaal iyo dad kale oo jooga magaalada Burco waxay sheegeen in markii taageerayaashu warbaahinta ka dheehatay warka xambaarsan ku shubashada doorashada ay bilaabeen bannaan bax, islamarkaana boolisku la tacaalayo.

Bulshada Somaliland ayaa 13 November si nabad ah u dhiibtay codkooda waxaanay goobjoogeyaasha caalamiga ah ammaaneen hannaanka bulshadu codkooda u dhiibatay oo ahaa mid nabad iyo isu dabacsanaan ku dhisna laakiin, murankan yimid xilli aan la ogayn goorta lagu dhawaaqayo natiijada doorashada ayaa turunturo ku ah sumcad Somaliland ka dhaxasho doorashadan oo ah mid xasaasiyad iyo xamaasad gaar ah leh sida ay sheegeen goobjoogeyaasha caalamiga ah.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@Sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.