Madhaxreeb: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

0

Tixdan oo magaceeda la yidhaahdo “Madhaxreeb”, wax ay la socotaa tixdaydii dorraad ee magaceedu ahaa “Muddaahano” taas oo ay laba tixood ku darsadeen Maxammed Baashe Xaaji Xasan iyo Aswad Baarcad. Tan oo is la tubtii hore haysaa wax ay tidhi:

Dad waxay muteen shalayto iyo maraggi loo joogo
Oo maalihii guudka iyo nabarkii sii muuqdo
Oon madaxa dakharkii ku dhacay weli ka miiraabin
Oo aan magtoodii la simin meelna la gu tiirin
Oo weli malyuun hoy la’aan milicda ay jiifto
Oo maararrowgoodu yahay malab cas baa hoori
Oo moodi jiray in ay noqdeen dawlad magac weyn leh
Oo niman ku mamay boobayaan moodki iyo noolba
Oo la gu muraadsaday wixii maal arlada yaallay
Oo adiga magan kuu ahood tahay masuulkooda
Bal malee nabsigu waa muddee madhaxa ay reebi

Barbaartiyo mullaaxdii dalkoo laba malyuun dhaafay
Oo suuqa wada meeraysoo qaajo wada miiqan
Oo aan macaash iyo sugayn camal maxsuul yeesha
Oo maxaad taqaannaa la yidhi kii cilmigu maaxay
Oo jaahil magac reer sitaa madax ahaanaayo
Oo uu madluun yahay waddada kii mudnaa camalku
Oo madow ka galay nolosha iyo mudanta ciiddiisa
Oo madax wareerkii u kacay meel xun iyo geeri
Oo maaranwaagii kudaaal magansadoo dhoofay
Oo badaha moolka u gu dhacay mawdna ka adeegay
Ooy hooyadii meel cidla ah Maxamedow! hayso
Oo adiga magan kuu ahood tahay masuulkooda
Bal malee nabsigu waa muddee madhaxa ay reebi

Xooladhaqato miyigaad ogayd tacab ku maamuusan
Oo maalka aad dhoofisaan muruq ku soo saarta
Oo mareegta iyo seetadiyo maraqa liilaysa
Oo maalin iyo aan habeen hawsha la ga maarmin
Oo gaajo loo madhan lahaa gelin maqnaantooda
Oo haddana la wada mooggan yahay silic maryaadkooda
Oo harraadka mawdaa hayoo luunku wada meershay
Oo maral la wada tiicaysiyo dhaxan* la maareeyo
Oon midhadh kiniinaa u yare maalin la gu taarin
Oo cashuurti maalgelin lahayd daaro la gu moostay
Oo la ga maroorsaday xaqii Mawle u gu deeqay
Oo adiga magan kuu ahood tahay masuulkooda
Bal malee nabsigu waa muddee madhaxa ay reebi

*Dhaxan: duumo, cudurka kaneecada.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.