“Madaxweynuhu Wuu Hiigsan Kara Guusha,”

0

“Madaxweynuhu Wuu Hiigsan Kara Guusha,”
Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa dhalliilay hambalyada madaxweyne Biixi u diray ra’isal wasaaraha Itoobiya oo shalay ku guulaystay abaalmarinta caalamiga ah ee Nabadda waxaanu sheegay in madaxweyne Biixi hiigsan karo guushan oo kale haddii uu iska dhigo hoggaamiye kal balaadhan oo dulqaadka aan doqonimo u aqoon.

“Madaxwaynaheenu maanta wuxuu hambalyo u diray raysal wasaaraha Ethiopia. Raysal wasaaruhu wuxuu hambalyadaa iyo guushaa dunida oo dhan maanta uga imanaysa ku helay inuu laabtiisa ka dhigay mid balaadhan oo wax cafin karta, oo dulqaad leh, oo nabada iyo tanaasulku kala wayn yihiin wax iska celinta. Madaxwaynaheenu wuu hiigsan karaa inuu guushaas oo kale gaadho oo ka mid noqdo odayaasha geeska Africa seeska adag u dhigay laakiin waa marka uu barto in dulqaadku raganimo yahay,” sidaas ayuu xoghaye Khadar ku yidhi qoraal uu ku baahiyay boggiisa Facebook

Sida oo kale hambalyada madaxweynaha Soomaaliya u diray Abiy Axmed ayay dhalliileen xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan iyada oo nuxurku yahay in madaxda Soomaalidu hiigsan karto guusha hoggaamiyaha da’da yar ee Itoobiya wakhtiga gaaban kaga kasbaday Dunida.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.