Madaxweynuhu Taagni Buu Ku Daawaday Hadalkii Gaboose

0

Maanta kolkii Dr. Maxamed Cabdi Gaboose hadlay, sida ilo xogogaal ahi ii sheegeen Madaxweynuhu wuxu la shirayey Golaha Wasiirrada, kadibna, waxa loo shiday hadalkii Dr. Gaboose, waxa la ii xaqiijiyey madaxweynuhu in uu fadhiga ka kacay oo istaagga ku daawaday, kadibna intuu degdeg shirkii uga baxay uu xafiiskiisa galay, kadibna amar ku bixiyey in General Dabagale la magacaabo.

Ugu horeyn waxan hambalyeynayaa General Dabagale, waa shaqsi u qalma xilkaa iyo mid ka sareeyaba.

Laakiin Madaxweynaha waxaynu u sheegeynaa, ummadda qaranka Somaliland waxa ay tebeysaa maaha magacaabista General iyo Wasiir. Waxaynu leenahay Mudane Madaxweyne ileyn maalin kasta oo Dr. Gaboose hadlo taliye magacaabi mayside, xal kan dhaama keen, caddaalad guud, hoggaamin iyo fogaan arag ayaa ummaddeena deeqa.

Waxa Qoray Cabdirashiid Jeeni

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.