“Madaxweynuhu isagaa ayaa xaq u leh sharciga cida uu qaadanyo iyo meesha uu ka qaadanayo”Musharax Abyan

Oday la ordaaya nin oday dhaqameedkoodu oo koofiyad dheer oo nin la ordaaya oo leh hadaan reer habel nahay ninkaasi halkaa hanaloo geeyo ,oo DG ,Wasiir ama Wasiir ku xigeen hanalooga dhigo dhaqanka noocaas ah iyo dawladnimo is-qaadan maayaan"

0

Hargeysa(Saryuuq)-Musharaxii Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa ka hadlay wixii ugu yaabka badnaa ee uu kala kulmiye intii tartanka ololaha doorashada ee dalka ka qabsoomay.waxaanu madaxweynaha la doortay u soo jeedayay in la xoojiyo awooda dowladeed isagoo meesha ka saaray kaalinta ay awooda dowladeed ku leeyihiin odayaasha qabiilku .

Murshaxii Madaxwayne ku xigeen ee Ucid isagoo ka hadlaaya arrimihii ugu layaabka badnaa ee uu la kulmay waxaa uu yidhi “Walaahi waxaa iigu layaab badnaa bisaylka dadka waxaad tagaysaa goobo ama tuulooyin ama deegaamo xisbi kula tartamaaya uu ku leeyahay bayis adag iyo stroon voot iyo taageero bayis u ah isaga waad ka kaambeyn gareynaysaa ,maca-daalika tuuladda ama magaaalda ama deegaankaasi si nabadgaliyo ah ayaa shacabku kuugu soo dhaweynayaa oo ay kugu soo baxyaan cida ay u codaynayaan iyagu waa ogyihiin ,laakiin ixtiraamka iyo biseylka ay gaadheen iyaga oo laga yaabo inay taageersanyihiin xisbi kale oo kula tartamaaya in si nabad galiyo ah ay kuusoo dhaweeyaan oo aad ka dhex kaambeyn gareyso oo si nabad galiyo ah ay kuugu soo dhamaato waa shay qaaliya runtii oo aad u wanaagsan”.

Musharaxu waxaa uu Madaxweynaha la doortay kula taliyey in lakala saaro nidaamka dowladeed iyo odayaasha qabiilka “Oday la ordaaya nin oday dhaqameedkoodu oo koofiyad dheer oo nin la ordaaya oo leh hadaan reer habel nahay ninkaasi halkaa hanaloo geeyo ,oo  DG ,Wasiir ama Wasiir ku xigeen hanalooga dhigo dhaqanka noocaas ah iyo dawladnimo is-qaadan maayaan.Anigau qaran baynu nahay dowlad baynu nahay hore inaynu usocono ayaynu doonaynaa, in institution ka dowladnimo iyo sharcigii uu xoojiyo kaa lasiiyanin maanta awooda,odayaasha dhaqanku shaqadoodi ay ku noqdaan deegamdoodi iyo nabadadii ka shaqeeyaan isdhexgalkii bulshada iyo nabadgaliyadii iyo arrintaasi ka shaqeeyaan taas ayay ku wanaagsanyihiin”.

Dhanka kale Abyan waxaa uu ka hadlay hadii dareenkiisa la xidhiidha Madaxweynaha la doortay Muusa Biixi Cabdi u cugto wasiir “Madaxweynuhu isagaa ayaa xaq u leh sharciga cida uu qaadanyo iyo meesha uu ka qaadanayo inagu u dhikteet garayn karno cidkale uma dhikteet garayn karto cid hadda og inga iyo cidkale toona  meesha uu ka qaadanyo iyo cida uu qaadanayo ma jirto isagay laabtiisa ku jirtaa ilaahayba la`og taa inaynu sugno oo sabirkeed yeelano markay banaanka u soo baxdo ee ay timaadana dee aynu ku taageerno”.

Sayruuqnews

Sayruuq-Hargeysa

Contact@sayruuq.com

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.