Madaxweynihii Shanaad ee Somaliland Oo La Dhaariyey .

0

Hargeysa(Sayruuq)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ,ahna madaxweynaha shanaad ee jamhuuriyadda somaliland ayaa la dhaariyey waxaanu sidaas ku noqday madaxweynaha rasmiga ah ee dalka ka talinaaya ,iyadoo sidoo kale taladii ka wareegtay madaxweynihii hore ee somaliland Md.Axmed Silaanyo sido kale waxaa shaqdii halkaa kaga wareegtay wasiiraddii xukuumadiisa iyadoo si kumeel gaadh ah u sii ahaanayaan wasiiro ilaa iyo inta xukuumadda Biixi uu soo dhisaayo.

Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Md.Aadan Xaaji Cali ayaa dhaariyey Madaxweyne Muuse biixi waxaan garabyadiisa taagnaa guddoomiyaha guurtidda iyo wakiiladda .

hadda waxaa socda khudbadii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sayruuqnews

Xafiiska Hargeysa

Contact@sayruuq.com

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.