Madaxweyne Silaanyo Oo Xadhig Ka Jaray Dakad Cusub.

0

Berbera(Sayruuq)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay xaflad balaadhan oo lagu qabtay dekeda magaalada berbera ka dib markii ay dekedu ku talaabsatay, horumar caalamiya oo la xidhiidha dhanka balaadhinta iyo dib u dhiska dekeda berbera, oo uu maareeyaha dekeda cali xoorxoor gadhwadeen ka yahay.

Munaasibadan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay, madaxweynuhuna goobjoog ka ahaa xadhigana ka jaray dekeda cusub ee ay yeelan doonto dekeda berberi, oo qayb weyn ka qaadatay, guud ahaanba maceeshada ka soo degta dekeda berbera, ee u socda dalka iyo wadamada jaarkaba, isaga oo madaxweynuhu dhagax dhigay hirgelinta iyo sii wadida deked kale oo tan cusub la mid ah oo isla maanta uu madaxweynuhu dhagax-dhigay, si halkaa looga si wado, dhismaha dekeda iyo balaadhinteeda.

waana markii ugu horaysay ee 23 sano ay dawlada somaliland samaysato deked ay iyadu dhisatay weliba mudo gaaban inteeda badana ay ku hirgelisay iskaa wax u qabso oo shacbiga berbera ama shaqaalaha dekadu ay qayb-libaax ka qaateen sidii loo dhamaystiri lahaa dekedan cusub, iyaga oo ku garab taagnaa maareeyahooda oo runtii ahaa qofkii fikirkan keenay ee ku dhiiraday misena ku dedaalay inuu ka dhigo mid hana qaada oo goobjoog loo wado ahaado oo noqota mid shaqaynaysa oo lagu dejiyey dhawr markab maceeshadii ay sideen ee saarnaa, markii ay ku soo xidheen dekeda berbera.

waxaana halkaasi ka hadlay Farsamo yaqaano ku xeel dheer arrimaha dekeda oo aad u amaanay sida dekedan loo dhisay iyo doorka ay ka qaadan karto dhaqaalaha dalka, iyada oo madax, bulshada qaybeheeda kala duwan iyo madaxweynuhuba ku hambalyeeyeen maareeyaha dekeda cali xoor xoor sida uu isaga xilsaaray dhismaha dekeda, shaqaalaha dekedana ugu duceeyey inay noqdaan kuwo alle u barakeeyo kana abaal mariyo xooga ay gashadeen dalkooda hooyo.

dekada dekada.jpg1 dekada.jpg2 dekada.jpg3 dekada.jpg4 dekada.jpg5 dekada.jpg6 dekada.jpg7 dekada.jpg8 mayirka samaale silanyo silanyo.jpg1 silanyo.jpg2 warancade

Hargeisa /Somaliland

Sayruuq.com

Desk News

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.