Madaxweyne Silaanyo iyo Waftigiisa Oo Kulan La Qaatay Dhaxal-sugaha Imaaradka Carabta+Sawrro

0

Abu-Dubia(Saruuq) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu hogaaminayo, ayaa kulan la yeeshay dhaxal-sugaha dalka Imaaraadka Carabta oo uu wehelinayo ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha dalkaas, ahna Wasiirka Madaxtooyada Imaaraadka.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa qoraal uu soo saaray xalay ku faahfaahiyey kulanka dhexmaray madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiinta sare ee dalka Imaaraadka Carabta, isagoo sidoo kale sharaxaad ka bixiyey qodobada labada dhinac ka wadahadleen.

 Qoraalka Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo soo saaray oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan; “Waxay ahayd maanta (shalay), kadib markii kulan si sharfan loo soo agaasimay uu ka qabsoomay dalka Imaaradka Carabta, kulankan oo uu Madaweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo aan ku wehelinayno xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland uu nagu qaabilay dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Mohammed bin Zayed bin Sultan Al-Nahyan oo uu wehelinayo Ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha dalka ahna Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mansour bin Zayed bin Sultan bin Zayed bin Khalifa Al Nahyan.

Ujeedada kulankan oo ahayd soo dhawaynta weftiga ka socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidoo kale sidii iskaashi dhaqaale iyo maal-gelin u dhexmari lahaa labada dal ee Imaaraadka Carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaa sidoo kale weftiga ka socday Somaliland kala hadleen madaxda Imaaraadka Carabta dhammaystirka mashaariicdii hore loogu heshiiyey safarkii hore ee Madaxweynaha Somaliland uu ku soo gaadhay dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo sidoo kale dalab cusub weftigu u gudbiyey,waxaanay kala ahaayeen mashaariicdii hore loo gudbiyey iyo kuwo lagu darayba sidan hoose :-

1) Horumarinta Biyaha

2) Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha, sida (Dekadaha, waddooyinka iyo Madaarrada)

3) Horumarinta caafimaadka

4) Tayeynta Tamarta korontada oo dalka loo sameeyo tamaraha la cusboonaysiin karo (renewable energy)

5) Kor-u-qaadida cilaaqaadka iyo xidhiidhka siyaasadda ee labad dal

6) Caawimo xaga bani-aadaminimo ee qaxootiga ka soo burqanaya Yemen.

Kulankan ayaa ku dhamaaday guul iyo is af-garad, iyadoo la xusi karo sida milgaha dawladnimo huwan ee weftiga loogu soo dhaweeyay dalkan, kulankuna ku billaabmay jawi milgo iyo maamuus mudan.

Kulankan ayaa noqonaya mid wax badan ka tari doona xaalada dimplomasiyadeed iyo dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

1 2 3 4 5 6 7 8

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.