Madaxweyne Siilanyo Oo Aan Wali Laba Gole Baarlamaan Ka Jeedin Khudbadii Distooriga Aheyd , Xili Dalku Ku Jiro Xaalado Adag Oo Abaartu Ugu Horeyso .

0

Hargeysa (Sayruuq):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa
ilaa iminka oo ay bishii Afraad lagu jiro aan labada gole baarlamaan ee dalka aan ka hor jeedin khudbadii distooriga aheyd ee sanadlaha aheyd .
Image result for Madaxweyne Siilaanyo Oo Baarlamaanka U Jeediyey

Madaxweynaha ayaa maalintii uu golahaasi ka ansixinaayey heshiiska ay xukuumadiisu la soo gashey dawlada Imaraadka ee saldhiga Ciidan ka sheegay madashii ay xildhibaanadu fadhiyeen in uu dib u dhigtey khudbadiisii Distooriga aheyd isla markaana uu jeedin doono .

Sanadadii u danbeeyey khudbada madaxweyne Siilanyo ayaa waxaa ay ku soo beegmi jirtey bilaha ugu horeeysa sanadka , balse la garan maayo sababta ilaa hada aanu madaxweynuhu golaha hor imanin , iyada oo ay dalka ka taagan yihiin xaalado adag oo abaartu kow ka tahay .

Sido kale Somaliland waxaa sanadkan ku soo fool leh sida la qorsheeyey doorashadii madaxtooyada , waxaana ay bulshadu u dheg tagayaan arimahaas taagan waxaa uu madaxweyne Siilanyo ka odhan doono

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.