“Madaxweyne Siilaanyo Wuxuu Ku Dhawaaqayaa Inuu Ka Hadhay Murashaxnimadda, Kulmiyena Badbaadinayo”

0

Hargeysa(Sayruuq)-Iyadoo shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye la mudeeyay inuu qabsoomo 10. Novembar.2015, waqtigaanna ay haatan ka hadhsantay muddo dhawr iyo labaatan maalmood ahi, isla markaana murashixiinta tartamaysa uu midba taagtii iyo khiddadii kaambayn ugu jiro xaqiijinta hankiisa, ayaa siday tibaaxeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo lagu kalsoon yahay oo ku kala sugan Carriga Ingiriiska iyo Hargeysa, waxa lagu waddaa in Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqi doono inuu ka hadhay murashaxnimadda madaxweynaha ee teeramkiisa labaad.

Illahaasi waxay intaa ku dareen in la filayo inuu madaxweynuhu ku dhawaaqi doono in aanuu murashax ahayn inta aanuu ka imanin London, iyadoo lagu wado inuu ku soo laaban doono dalka 18 ilaa 19 bishan. Illahaasi may bixin tafsiir dheeraad ah oo intaa dhaafsiisan oo la xidhiidha murashaxa uu kalsoonidiisa siinayo ama u codaynayo. Hase yeeshee waxay tibaaxeen, inay madaxweyne Siilaanyo ka go,an tahay xisbiga uu aasaasay ee uu aabaha u yahay ee Kulmiye in aanuu jiritaankiisu la dhamaanin isaga, isla markaana uu doonayo inuu sii jiro, si uu u sii jirrana ay taladiisu tahay. “Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ku dhawaaqayaa inuu ka hadhay murashaxnimadda, Kulmiyena Badbaadinayo.” Sidaa waxa ku gaabsaday mid ka mid ah illahaa.

Dhanka kale kaamabaynka murashixiinta afarta ah ee Xil. Kijaandhe, Cabdicasiis Samaale, Maxamed Biixi iyo Muuse Biixi ayaa si xawli ah u socda, isla markaana nooca ollolaha murashixiinta ayaa u muuqda mid kala duwan qaab ahaan. Siyaasiga Cabdicasiis Samaale ayaa isaga lagu tilmaamay nin si qarsoodi ah oo aan bandhig iyo is muujin lahayn u shaqaysanaya. “Anaga hawshayadu way socotaa. Xubnaha golaha dhexena waanu wada naqaanaa, markaa yoolkayagu waa iyaga, waayo doorashadani maaha mid shacbi oo dadku wada codaynayaan, ee waa mid ku kooban codadka golaha dhexe. Markaa galaangalkayagu wuxuu ku wajahan yahay oo keliya xubnaha golaha dhexe, ilaa haddana meel fiican baanu maraynaa, ismuujintayaduna waa maalinta doorashadu dhacayso, waana isku kalsoonahay.” Sidaa waxa Ogaal ku yidhi mid ka mid ah taageerayaasha Samaale.

Xil. Kijaandhe oo ka mid ah murashixiinta ayaa isna ollolihiisa ka bilaabay xubnaha beeshiisa kaga jira golaha dhexe, isla markaana qabtay shirar uu ku waynaynayay murashaxnimadiisa oo deegaankiisa dhexdiisa ah, lana filayo inuu hadda u gudbi doono wejigii labaad ee uu dad kale ku raadsan lahaa. Inkastoo la shaaciyay kulan ay yeesheen xubnaha golaha dhexe ee Kulmiye kaga jira deegaanka Axmed Dhagax, lana sheegay inay taageereen murashaxnimada Kijaandhe, haddana waxa ka daba yimi war kale oo Xoghaye Xasan Siciid ku beeniyay jiritaanka warkaa, isla markaana warar aanu ka soo xiganay illo lagu kalsoon yahay waxay tusmeeyeen in maanta uu madal ku qaabili doonno Muuse Biixi taageeradda uu ka haysto xubnaha golaha dhexe kaga jirra deegaankaa, taasoo qayb ka ah ollolihiisa. Sidoo kale wuxuu Muuse Biixi hore u qabtay shirar dhawr ah oo uu ku soo bandhigay taageeradda uu ka haysto xubnaha golaha ee deegaanadda, koonfurta Hargeysa, Bariga Hargeysa, Ceerigaabo, Saaxil iyo Galbeedka Hargeysa, isla markaana wuxuu kaambaynkiisu u socdaa qaab deegaan oo ku salaysan beelaha iyo xubnaha ay golaha dhexe ku leeyihiin.

Murashaxa kale ee Maxamed Biixi Yoonis oo isagu dalka ku soo laabtay sadex maalmood ka hor oo kambaynkiisu aamusnaa intii uu maqnaa ayaa dib u dhaqaajinta ollolihiisu la kowsatay imaatinkiisii, isla markaana fooladayntii soo laabashadiisa ka sokow, waxay taageerayaashiisu sheegeen inay qaadi doonaan kaambayn culus oo ay ku beegsadaan guusha. Inkastoo kaambaynada dhacay ilaa hadda inta muuqata loo arko inuu ugu dhaqdhaqaaq badan yahay Muuse Biixi, haddana faalleeyayaasha ama falanqeeyayaasha la socda barnaamijkani waxay iswaydiinayaan su,aalahan; sidee Muuse Biixi ku guulaysan karaa?, sidee Samaale ku guulaysan karraa?, sidee Maxamed Biixi ku guulaysan karraa?, Sidee Kijaandhe ku guulaysan karaa?. Lafagurka jawaabaha su,aalahan Kala soco dhawaan falanqaynta Ogaal.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.