Madaxweyne Siilaanyo Oo Xiisadii Xisbiga KULMIYE Ku Qaboojiyay In Nin Waliba Guulaystay

0

Hargeysa(Sayruuq)-Ka dib laba kulan oo uu la yeeshay garabyada ku hirdamaya murashixiinta KULMIYEA, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo xiisadii ka taagnayd xisbiga ku dhammeeyay xaalad uu garab waliba isu arkay inuu guulaystay (win-win situation).

Labada garab ayaa ka dib kulamo ay la yeesheen Madaxweynaha, waxay shirjaraa’id wada jir ugu qabteen xarunta xisbiga KULMIYE, waxaanay wada jir ugu dhawaaqeen in la dhammeeyay arrimihii khilaafka keenay.

Waa la heshiiyay

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la galo tartan xor ah oo ka dhaca xisbiga gudihiisa, sidoo kalena la magacaabo guddi hogaanka xisbiga ah oo qabanqaabisa shirka golaha dhexe ee xisbiga oo loo qoondeeyay bisha November 10-keeda. Waxay guddidu ka koobnaanaysaa hogaanka xisbiga iyo wasiirka gaashaandhiga.

“Waxaa lagu heshiiyay in xisbigii Kulmiye xisbigiisii yahay, in hogaankiisu sidiisii yahay, shaqadii socotayna wixii la qabtay dib loo eegi karo, cidda hawshaas qabanaysa ee dhammaystiraysaana tahay hogaanka xisbiga, waxaana lagu kordhiyay Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo la talinaya,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse oo ku dhawaaqay go’aanka.

Waxa uu intaasi raaciyay Wasiir Cukuse “Hawsha waxaa qabanaya guddoomiye xigeenka koowaad Maxamed Kaahin, guddoomiye xigeenka labaad Xildhibaan Waabeeye, kuxigeenka saddexaad Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle iyo xoghayaha guud Xasan Siciid. Arrinta odhanaysa madaxweynaha ayaa guddi magacaabay waxba kama jiraan. Madaxweynuhu wuxuu ku dedaalay in xisbigu isku soo dhawaado, hogaanka xisbigana aan waxba laga bedelin ee saaxad dimuqraadi ah loo abuuro. Saaxaddaas dimuqraadiga ah ee golaha dhexe musharaxiintu ay ku tartami karto,” ayuu yidhi wasiir Cukuse

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi ayaa sheegay in heshiiska iyo midnimada tahay caadada Kulmiye, wuxuuna tilmaamay in hadda ay midaysan yihiin dhinacyadii dhawaan kala tagay  “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa saaxiibadayada naga yara cadhooday ee aanu soo ladqabaysanay oonu is fahanay, waa inoo midnimadii Kulmiye. Waa inoo tartan xalaal ah,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka khaarajiga ahna musharax ayaa isna yidhi “ Waxaa farxad noo ah anagoo gabi ahaantayo ogol in meeshaa Kulmiye la yidhaahdo ahaado xisbi xaakimkii, in midnimada xisbigu muqadas naga tahay, in nabada wadanku muqadas naga tahay, inaanu jecelahay tartan xalaal ah oo xor ah oo loo siman yahay inuu dhaco. Anigoo musharax Kulmiye ah waxaan caddaynayaa in dhammaanto aanu isku raacnay in tartan xalaal ah uu dhaco,” ayuu yidhi Maxamed Biixi.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in la heshiiyay, waxaanu sheegay inuu war-warkii ka baxay taageerayaasha KULMIYE ee maalmahan dambe ka walaacsanaa khilaafka jiray.

Nin waliba wuu guulaystay

Marka laga tago hadalada ay jeediyeen, waxay dhinacyada KULMIYE gelinkii dambe ee shalay ku war celiyeen taageerayaashoodii oo muddooyinkan dambe aad u kala fogaaday. Dhinac waliba wuxuu taageerayaashiisa u sheegay in isagu guulaystay, waana sababta loogu arkayo in xalku noqday siyaasad uu dhinac waliba guulaystay.

Tusaale ahaan taageerayaasha Muuse Biixi Cabdi, waxa ay aaminsanyihiin inay ka guulaysteen garabka kale maadaama oo lagu soo noqday xaruntii xisbiga islamarkaana ay xubnihii ka soo horjeeday hadda wixii ka dambeeya si rasmi ah u qaadan doonaan kaadhadhkii aqoonsiga ergada golaha dhexe oo ay hore ugu baaqeen in la joojiyo.

Halka ay taageerayaasha murashixiinta kale ee Maxamed Biixi Yoonis iyo Axmed Cabdi Kijaandhe iyo weliba Samaale oo ka maqnaa madashu aaminsanyihiin inay iyagu guulaysteen maadaama oo Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici oo murashixiin ahi aanay ka mid noqon doonin guddiga uu Madaxweyne Siilaanyo u calaamadiyay inay noqdaan xubnaha hagi doona hawlmaalmeedka xisbiga ee ku saabsan shirka golaha dhexe.

Gunaanad

Si kastaba ha ahaate, xiisadii xisbiga KULMIYE way degtay, waxase suurtogal ah inay suursantahay oo ay mar kale maalmo gudahood dib u soo noolaato, waana marka laga tusaale qaato shirka golaha dhexe ee soo dhawaaday iyo murashixiinta tartamaysa oo cidda ay kala jiidanayaan tahay xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE.

Geeska

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.