Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Gudoomiyaha Maxakamadda Sare Ee Somaliland.

0

Hargeysa(Sayruuq)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Gudoomiyaha Maxakamadda Sare u magacaabay Aadan Xaaji Cali Axmed. Jagada Gudoomiyaha Maxakamadda Sare ayaa muddo banaanayd kadib markii Madaxweynuhu xilka ka qaaday Gudoomiyihii hore Yuusuf Ismaaciil Cali.

 

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3319/052015  uu ku magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda;

Markuu Aqoonsaday:       Baahida weyn ee loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;

Markuu ku Qancay:                       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Isku Qanciyey:     In uu hanan karo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;

Wuxuu Go’aansaday

In Mudane, Aadan Xaaji Cali Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

MAGACAABIDA WAKIILKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND U FADHIYA DALKA ITOOBYA

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamuud Aaden Jaamac Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL,

ahna ku simaha af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.