Madaxweyne Siilaanyo Oo Magaacabis Sameeyey.

0

Hargeysa (Sayruuq)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5219/112017 uu Aqbalaad Is-casilaad kaga aqbalay Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada isla markaana uu ku magacaabay wasiir cusub.
Ujeeddo: Aqbalaad Is-casilaad
Ku: Mudane, Maxamed Cabdillaahi Oobsiiye
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Mudane,
Aniga oo ka duulaya qoraalka aad i soo gaadhsiisay, ee ujeedadiisu tahay ka tagid xilkii aad haysay ee Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaan kaa aqbalay is-casilaadaada aad ii soo gudbisay. Sidaa darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.
Magacaabid
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Wasiirradu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cismaan Cabdi Sheekh Muxumed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.