Madaxweyne Siilaanyo Oo Madaxtooyada Iskaga Guuray Iyo Su’aal La Iska Waydiinayo

0
Gorfaynta Buugga “Axmed-Siilaanyo: Nin Tacab badan galiyay Qarannimada”

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iskaga guuray qasriga Madaxtooyada waxaanu u guuray gurigiisa uu hore u degenaan jiray. Madaxweyne Siilaanyo ayaa talada dalka wareejinaya 14-ka bishan laakiin, waxa uu Madaxtooyada ka guuray Salaasadii la soo dhaafay sida uu ogaaday wargeyska Geeska Afrika oo Hargeysa ka soo baxa.

Madaxweynaha talada haya ayaa inka badan laba todobaad ka hor xilliga uu xilka wareejinayo iskaga guuray qasriga looga arrimiyo dalka waxaana la is waydiinaya in Madaxweynuhu halkaas ka soo shaqo tagi doono iyo in xafiiskiisu madhnaan doono muddada ka badan laba wiig ee uu madaxtooyada ka maqnaanayo.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.