Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Danjireyaasha Somaliland Ee Adduunka

0
????????????????????????????????????

Hargeysa(Sayruuq)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa kulan casho sharaf ah u sameeyay danjireyaasha Somaliland u fadhiya dalalka adduunka ee shirku uga socday shantii maalmood ee la soo dhaafay caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaas ka hadlay waxa halkaasi ka jeediyay hadal u qornaa sidan:-

“Mudaneyaal iyo Marwooyin, Sharaf weyn bay ii tahay inaan caawa idinku soo dhaweeyo si qalbi furan qasriga Madaxtooyada Somaliland. Waxaan jecelahay in aan uga mahad-celiyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire shirweynaha uu isugu yeedhay dhammaan Wakiilladii Somaliland u fadhiyey dalalka dibedda.
DSC_0004 (10)

Waxaan aaminsanahay in kulankan wada jirka ee aad isugu timaadeen aad xog badan ku kala qaadateen, isla markaana qorshe hawleed dublamaasiyadeed diyaariseen, kuwaas oo dardargelin kara siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland.

Mar labaad, waxaan idiinku hambalyeynayaa dedaalka aad habeen iyo maalinba ugu jirtaan adkaynta xidhiidhka iyo iskaashiga Somaliland la leedahay dalalka aad joogtaan. Xaqiijinta himilladani waa xilka iyo waajibka ugu culus ee aad qarankan u haysaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxa la gudboon inay qiimayn iyo dib-u-eegis joogta ah ku samayso heerka xil gudashada Xafiisyada Wakiillada Somaliland ee Dalalka Dibedda.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.