Madaxweyne Siilaanyo oo Caddeeyey in Sharciga Lagu Salayn Doono Heshiiskii Saddexda Xisbi Qaranka

0

Wefti madaxweynaha Somaliland hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Itoobiya

Hargeysa (Sayruuq)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caddeeyey in sharciga lagu salaynayo heshiiska siyaasiga ah ee xisbiyada iyo xukuumaddu ka gaadheen waqtiga doorashooyinku qabsoomayaan.

DSC_0040

Saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, ayaa isla qaateen heshiis ka kooban afar qodob 27 May 2015, kaasoo nuxurkiisu ahaa in doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu qabsoomaan bisha December 2016, isla markaana Komishanku soo jeediyaan maalinta doorashooyinku dhacayaan, kadibna madaxweynuhu ku soo saaro digreeto.

Hasayeeshee, madaxweyne Siilaanyo oo la weydiiyey shalay su’aal la xidhiidhay heshiiska siyaasadeed ee saddexda xisbi ka gaadheen qabsoomida doorashooyinka, waxa uu si kooban ugu jawaabay; “Dalku waxa uu leeyahay sharci oo nidaam ayuu leeyahay, cid ayaana qaabilsan hawlaha caynkaas ah, markaa sharcigu wuxuu yahay ayuun baa la raacayaa.”

 

DSC_0069

Dhinaca kale, madaxweyne Siilaanyo ayaa ka war bixiyey ujeedada safar wefti uu hoggaaminayo ugu baxeen dalka Itoobiya shalay, isagoo xusay inay masuuliyiinta Itoobiya wadahadalo kala yeelan doonaan arrimo khuseeya labada dal.

“Waxa aannu safar ugu baxaynaa dalka Itoobiya, halkaasoo aannu ku gaadhayno safar muddo gaaban ah, dalka Itoobiya-na waa waddan weyn oo aynu jaar nahay oo ay inaga dhexayso wax wada qabsi badan, jaarnimo iyo wada shaqayn badan, markaa, waa waajib in marka muddo la joogaba kolay la is xog ogaado, lana wadahadlo oo danaha labada dal laga wadahadlo, markaa insha Allaah waxa aan rajaynayaa in aanu ka wadahadalno danaha iyo maslaxada labada dal,” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.