Madaxweyne Siilaanyo: Maqalkaygii Kowaad ee 1989kii iyo Magac-bixinta Rug-aqooneedka Qaranka?

0

Ma 1989kii mise 1990kii ayay ahayd? Saddex jir mise afar jir kee ayaan ahaa? Waa labadaas midkood uun. Xeradii Qaxoontiga ee Kaam Abokor ayaan ku sugnaa markii aan maqli jiray
”Wuu dhacay Siyaad
Siilaanyo dhalay
Sida dhibica roob
Soo dhigay Isaaq”

Waa aan garanayaa in aan ku jirnay xaalad qax iyo qalalaase ah. Wixii aanu hu’ iyo hanti lahaynba waa aanu ka bara-kacnay. Intii aannaan Kaam Abokor gaadhin, annaga oo Xaabale iyo Gahaydh-weyne midkood joogna ayaan ambaday aniga oo xidhan kurdad ay leedahay walaashay. Haa.. Surwaal, garan iyo shaadh midna ma aannaan sidan. Waxa aan raacay dabayshii, kaddibna waxa aan ku soo baxay gabadh adhi jir ah oo da’ ahaan iga roonayd. In aan lab iyo dheddig ahay ayay kala garan weyday. Haa, maradii ayay iga feydday kaddibna ragannimadii ayaa muuqatay. Aniga oo halkii taagan ayay hooyaday iyo dad kale oo baadi-doon ahaa ii yimaaddeen. Halkii ayaan qoyskii kula midoobay, qaddarka aan maqnaanan ma badnayn.

1997kii ayaan Hargeysa ku soo laabtay iyada oo ay socoto doorashadii madaxweynaha ee Cigaal lagu cumaamaday 23kii Feberweri 1997kii. Golihii Wasiirrada ee uu maalmahaas oo dhisay waxa Wasiirka Maaliyadda loo magacaabay Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Maqalkiisa waxa isugu kay xigay 1989kii iyo 1997kii. Waxa uu markii dambe noqday Wasiirkii Qorshaynta Qaranka oo uu iskii isaga casilay 2001da. 2002dii ayuu KULMIYE, waxaanu 2010kii ku guulaystay in loo doorto Madaxweynaha Somaliland. Waxa aynu sugaynnaa in uu maalmo kaddib wareejiyo kursiga ugu sarreeya Somaliland, isaga oo noqon doona marjac u ah dalka oo tusaale, talo iyo tilmaanba laga sugo.

Muddadaas uu xilka hayay waxa aan gacan-qaaday 31kii Disember 2015ka oo la furayay dhismaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland. Xiise gaar ah waxa lahaa safar aanu Jabuuti isugu nimi Disember 2012ka, halkaas oo aanu kaga wada qaybgalnay Afartan-guuradii qoraalka Afka Soomaaliga. Dharaartaas waxa uu jeediyay khudbad uu waayo-aragnimo ku sheegtay.

Maadaama oo uu yahay siyaasigii kowaad ee aan magaciisa maqlo, aniga oo xilliga u haystay in uu la mid yahay halgameyaashii caanka ahaa ee Soomaaliyeed sida Maxamed Cabdalle Xasan, waxa aan illaa eegga u hayaa xurmo aan duugoobin. Farxad baan dareemaa in aan maqlo magacii aan ku hadaaqi jiray xilliyadii saymaha iyo saxariirka. Mar haddii aan qudhaydu ka qayb-qaatay qaadhaankii SNM oo aan ugu yaraan garaamkaygii ku daray ololihii dhaqaale-ururinta ee Cabdiraxmaan Axmed Cali ka sameeyay xeryihii qaxootiga Bariga Itoobiya, waxa aan isku tiriyayaa halgame weyn oo SNM ah.

Haddii xanafta iyo xafiiltanka siyaasadda la isku jiidjiito, micnaheedu ma aha xumaan iyo meel lagu kala tegayo. Kala-duwanaanta aragtida, mucaaridnimada, muxaafidnimada iyo xisbinnimadu waa waxa qurxiya garoonnada loollanka. Bal ka warrama haddii aynu 100% muxaafid nahay? Saw xitaa Xaramka la gubo sacabka tumi maynno.

Waxa aan ka mid ahay dadka jecel in aadamaha la xurmeeyo inta ay nool yihiin. Waa uu geyaa in goob iyo gegooyin badanba loogu magac-daro. Caawa iyo maantaba waxa taagan dood ka dhalatay magaca rug-qaooneedkii Qaranka oo loo bixiyay Siilaanyo National Library. Taas oo la filayo in si rasmi ah xadhigga looga jaro maalinta berri ah haddii Eebbe idmo (9ka Disember 2017ka).

Sida uu walaalkay Maxamed Saleebaan Cumar Muhammad Suleiman sheegay waxa qurxoonayd in ambaqaadkii hawsha lagu bilaabo Siilaanyo National Library. Laakiin waxa looga gabbaday sida aan filayo, waxa uu xilkeedu fuuli lahaa xukuumadda oo keli ah. Maadaama oo loogu magac-darayo Madaxweynihii hayay talada Somaliland. Waxa qaadhaanka la gabbaan lahaa dad badan oo diiddanaa siyaasadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa.

Haa.. Haddii loo gartay waa ay fiican tahay, haddii uu go’aanka isagu ka yimina waa ay ila gurracan tahay. Si kasta oo ay u dhacdayna waa aanu aqbalaynnaa Siilaanyo National Library. Cimri tegay, ceeb laguma sagootiyo. Waxa aan doorkayga ka qaadan doonaa qaadhaanka buugaagta ee Siilaanyo National Library haddii Eebbe idmo.
WQ:Sadiiq Gaheyr

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.