Madaxweyne Muuse Oo Wasiirradiisa Amar Dul Dhigay

0
Wargeys Helay Wareegto Madaxweyne Biixi Soo Saaray

Madaxweyne Muuse Oo Wasiirradiisa Amar Dul Dhigay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saaray wareegto xambaarsan awaamiir ku socota wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee xukumadda sida uu ku waramay wargeyska Geeska Afrika oo Hargeysa ka soo baxa.

Wareegtadan loo qaybiyay hay’addaha dawladda ayaa xambaarsan amar ah in aanay wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee is qoonsada saxaafadda isu marin wax dhalliil ah, taas bedelkeedna ay hab dawladnimo oo qoraal ah isku waydaarsadaan arrimaha la isku maandhaafsan yahay.

Wareegtadu waxa kale oo ay xambaarsan tahay in aanay masuuliyiinta isku hay’ad ah ama shaqaalaha dawladdu aanay saxaafadda la hadli Karin idin la’aan ama iyada oo aanay ogayn madaxda ka saraysa. Wasiirka caafimaadka ayaa hore u soo saaray wareegto ku saabsan in aanay wasaaraddiisu saxaafadda la hadli Karin isaga oo aan ogayn.

Todobaadkii la soo dhaafay ayay wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo iyo qaybo ka mid ah wasaaraddiisu saxaafadda si kulul ugu yooyootameen taas oo sababtay in shaqada laga eryo 24 suxufi muddo 3 bilood ah lagana joojiyo mushaharka. Arrintan ayaa ka dhalatay isku shaandhayn uu wasiirku ku sameeyay waaxyaha wasaaradda.

Isla todobaadkii hore wasaaradda hawlaha guud iyo dawladda hoose ee Hargeysa ayaa eedo kulul warbaahinta isku mariyay kadib markii wasaaraddu saxaafadda u kaxaysatay meel ay ka joojinaysay hawl qorshayn ah oo dawladda hoose wadday. Dawladda hoose oo ka jawaabaysay ayaa sheegtay in ay meesha xaq u lahayd laakiin wasaaradda oo mar kale u jawaabtay ayaa eedaysay dawladda hoose.

Sidoo kale waxa hore saxaafadda isugu soo fadhiistay wasiirrada arrimaha dibadda iyo Shaqo gelinta, iyo wasiirrada ciyaaraha iyo maaliyadda oo muranno soo kala dhex galay warbaahinta isula soo fadhiistay.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.