Madaxweyne Muuse Oo Kulankii 1-aad La Qaatay Golihiisa Wasiirrada Kana Mamnuucay Dhawr Arrimood

0

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulankii u horeeyay la qaatay 31 ka mid ah golihiisa wasiirrada ka kooban 32-ka xubnood. Masuuliyiinta xukumadda ayuu ku dhaariyay in aanay bixin sirka dawladda, sidoo kale wuxuu faray in ay diwaangeliyaan hantidooda, waxaanu u diiday in kuraastooda loo arko kuwo beelo leeyihiin.

Xukumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu yaqaanay mid siraheeda la faafiyo islamarkaana marar badan la sii hadal hayo isku shaandhaynta iyo cidda la bedelayo. Sidoo kale golihii hore ayaa loo arkayay kuwo xilalka ku taajiray oo xoolo badan oo gaar ah ka dhaqday.

Qodobada kulanka ka soo baxay ayaa ah:-

  1. Waxaa dhammaan golaha lagu dhaariyey inay ilaashaan sirta golaha wasiirada iyo ta qarankaba.
  2. In Golaha Wasiiradu ay diiwaan geliyaan dhammaan hantidooda (guurtada iyo maguurtadaba).
  3. In dhammaan Golaha wasiiradu ay keenaan xogta shaqsiga ah ee sharcigu waajibiyey ee looga baahan yahay oo dhamays tiran.
  4. In la qabto kulano joogta ah oo la xidhiidha qaabka wada shaqaynta iyo xoojinta shaqada ay wasiiraduhu qaranka u hayaan.
  5. In dhammaan gobolada dalku ay u sinnaadaan caddaladda iyo horumarka.
  6. Maadaama ay wasiiradu yihiin masuuliyiin qaran loona igmaday xil qaran, waa inaan loo arag wasiir qolo, mid qoys iyo mid qabiil toona. Sidaas darteedna ay reeban tahay in Wasiiradu ay ka qayb galaan casuumado beelaysan oo Wasiirka ay beeshiisu si gooniya ugu maamuusayo
  7. In xafladaha xilwareejinta ee mas’uuliyiinta cusubi ay kala wareegayaal mas’uuliyiinta xukuumaddii hore ay reeban tahay in lagu qabto meel ka baxsan xarumaha dawladda.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.