Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Labada Xisbi Ee Mucaaridka Ahi Ma Laga Yaabba Hadda In Ay Wada Socdaan?

0
Kulanka Biixi Iyo Mucaaradka Oo Lagu Kala Kacay

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Labada Xisbi Ee Mucaaridka Ahi Ma Laga Yaabba Hadda In Ay Wada Socdaan?

Waxa qoray Cabdiraxmaan Abees

Fikirka iyo aragtida mar la wada qabanayo doorashada madaxtooyada iyo ta ururradu waxa ay ahayd qorshaha labaad (plan b) ee madaxtooyada Somaliland. Muddo aan ku qiyaasi karo bil ilaa saddex toddobaad, ayaa aan helay xog sheegaysa in qorshaha u danbeeya ee Madaxweyne Muuse Biixi leeyahay aakhirka uu iman doono in labada doorasho la isku sidko, haddii ay u hirgali waydo damaciisa ah in doorashada madaxtooyada laga soo horraysiiyo ta ururrada.

Xogtan markii aan helay waa ka hor mudaharaadkii dhacay 11-kii bishii 8-aad ee maalinimadii khamiista. Qorshahaas oo go’aankiisa ay madaxtooyadu ku salayn doonto qaadashadiisa inta uu saamayn la yimaado mudaharaadkii mucaaridku bulshada u soo jeediyay. Marka aynu ka duulayno qodobkan aan hadda idin la wadaagay, waxa ka dhex cad in Madaxweyne Muuse Biixi rabay in uu mucaaridka halka hore kaga adkaado, haddii se uu loodin kari waayo uu qorshahan oo u eeg mid labada dhanba u wanaagsan uu soo hor dhigo (win win negotiation).

Mudaharaadku markii uu dhacay kadib waxa ay Madaxweyne Muuse Biixi waxa ay kulmeen wafti weyn oo ka yimid dawladda Maraykanka, oo dabcan iyaguna dalka ku soo beegnaa maalintii Khamiista ee mudaharaadku dhacay. Kullanka waftiga iyo madaxweynaha kadib waxa suuqa soo gashay oo dad badan oo aan ku jira maqleen, in waqftigii maraykanka ahaa madaxweynaha u soo jeediyeen in labada doorasho ee kala horrayntooda khilaafku ka dhashay la isa saaro oo la isu sidko.

Anigu waa aan yaabay waanan diiday taas, sababo badan dartood, oo ay ka mid tahay, in aan laba usbuuc ka hor aan maqlay xogta sheegaysa doorashada isku sidkan cidda hadal haysay; in aanay Maraykanu ku degdegayn arrinka noocaas ah, iyo aniga oo ka war qabay ujeeddada waftigu u yimid oo aan taas la xidhiidhin. Arrinkii Maraykanka aan ku maqlay ayaa haddana aan maqlay guddidan gacansatada waaweyn ka kooban oo la leeyahay iyaga ayaa soo jeediyay doorashooyinka isku sidkan, usbuuc kale kadib.

Mudaharaadkii iyo dhimashadii muwaaddiniinta kadib waxa aan qaba in uu Madaxweyne Muuse Biixi ogaaday halista dhabta ah ee uu dalku ku jiro. Waxaana u caddaatay in aanay suurtogal ahayn in mucaaridka si sahlan aanu uga adkaan karin. Taasi waxa ay sababtay in uu ku laabto qorshahiisa labaad ee isku sidiga labada doorasho ahayd. Tan fulinteedu waa ta ganacsatadu doorka ku lahayd. Waxa ayna kala shaqeeyeen si uu uga fogaado eed kaga timaada ururrada oo uu rag ka mid ah kuwa furtay uu isagu ku dhaliyay heshiisna kula galay. Sidaa darteed, waxa heshiis si hoose u wada galay xisbiyada mucaaridka ah iyo madaxtooyada, oo ganacsatadu u dhexeyso, waxaana la og labada guddoomiye ee guurtida iyo wakiilladda.

Xeerkii ay sida degdega ah ee gollaha wakiilladu maalintii dhawayd kaabista iyo wax ka beddelka ugu sameeyeen, ee inta ay ansaxiyeen, gollaha guurtida ay ugu gudbiyeena waxa uu noqon karaayay mid la isla og yahay.

Galabtay warqada soo saareen guddidii ganacsatada ahayd, aroornimadeedii shirkii wasiiradda waxa ka soo baxay qoraal. Labada qoraal isma diidanayn. Ganacsatadana si dadban ayaa ay warqadaasi ugu tilmaamaysay in ay ugu hagaajiyaan goollaha baarlamaanka soo jeedintooda. Maaddaama doodda xoogga u baahday ee ka imanaysay dhanka madaxweynahuna ahayd sharci baan raacaya, taasna laga fudaydiyo.

Soojeedinta ganacsatada kadib waxa maagay taageerayaasha iyo qaar ka mid ah xukuumadda Madaxweyne Biixi. Hase yeeshee isaga oo iska dhigaaya in uu dhan ka duraayo waxa uu u sheegay intii kula booday ganacsatada in ay ka hadhaan oo waxa uu u sameeyay cudurdaar. Ma garan karo in ay jirto cid ka mid ah ururrada 15-ka ah in ay ka mid yahiin cid Madaxweyne Muuse Biixi hadda la jilaysa qorshahiisan labaad in ay ku jirto iyo in kale, waa se suurtogal.

Qodobada kale ee xoojinaya in qorshahan labaad uu madaxweynuhu hadda fulinaayo waxa ka mid ah in Madaxweyne Muuse oo waxa uu doonayo xoog ugu olaleeya oo uu qar iyo buurba isuga qaada aanu olale xoogan oo muuqda ka galin xubnaha guurtida oo dhan. Iyo ururradii oo sidii baarlamaanku xeerka wax uga beddelleen muuqoodii la waayay, dardartoodiina hoos u dhacday. Waayo, dhacdo kasta oo ka soo horjeeda tooda dhawaaq dheer ayay iskaga difaaci jireen.

Faa’iidada ugu weyn ee ugu jirta doorashadan isku sidkan mar haddii qorshihiisii kowaad meesha ka baxay Madaxweyne Muuse waa in uu doonayo in uu xisbiga Kulmiye ka danbeeyo, oo aanu meesha ka bixin mar haddii uu isagu muddo korodhsi uu ku ambabixi doono.

Waxa aan soo taxay waxa run ka dhigi kara haddii gollaha guurtidu ansaxiso, oo madaxweynuhuna saxeexo. Haddii labada midkood diidana waa waxba kama jiraan.

Haddii ay sidaa wax u dhacaan waxa ay dadku ka baran doonaan sida dhibta yar ee kolba loo khaldo, waxa kale oo ay arki doonaan rag waaweyn oo aqoon, garasho iyo waayoaragnimaba lagu tuhmaayay oo aan sii ridnayn, oo aan kala saari karin maxaa suurtoobi kara iyo maxa ay xaqiiqadu ka soo horjeeda.

FG: Waxa laga yaaba in aan dhacdo walba halkeeda markii hore wax uga idhi. Tani waa isugeyntoodii oo dhan wax ka suurtogali kara, ee lama xidhiidho kuwa hore.

Sidii roon Allahayoow.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.