Madaxweyne Ma Ogtahay 11-kan Dhacdo? Xildhibaan Mahad Salaad

0
10 Qodob Oo Maraykanku Waydiinayo Farmaajo

MUDANE MADAXWEYNE 11-KAAN DHACDO EE DALKA SOOMAALIYA KA DHACAY 11-KII BILOOD EE MADAXWEYNAHA AAD KA AHAYD MA OGTAHAY, MISE MAQASHAY?!

1. Xasuuqii Bariire!

2. Mujaahid Qalbi Dhagax in la dhiibay!

3. Hirshabelle in la dumiyay, Galmudug iyo Koonfur Galbeedna la dumin rabay, laguna fashilmay!

4. Dowlad Goboleedyada inay Kismaayo ku shireen samaysteena Madal ka madax banaan Dowlada Federaalka ah!

5. Xasuuqii 14-kii October ee kunka qofood lagu xasuuqay!

6. Taliyeyaashii Nabad Sugida iyo Booliska in xilkii laga qaaday walina kuwa cusub aan la magacaabin!

7. Wasiirkii Gaashaandhiga Abdirashiid iyo Taliyahii Ciidamada Gen. Cirfiid inay iscasileen!

8. Wasiirad Maryan Qaasim inay iscasishay!

9. Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliya inla kala diray booskoodiina lagu badalay maleeshiyo beeleedyo ay qoreen niman siyaasiin ah iyo wadaado gacan saar la leh Villa Soomaaliya!

10. Xarigii sharci darada ahaa ee Siyaasiga Abdirahman Abdishakur loo geystay iyo 6-dii dhalinyarada ahaa ee inta la xasuuqay Maydkooda kuwii dilay god ku shubeen eheladoodii oo aan la ogeysiin!

11. Guriga Senator Abdi Qaybdiid in ciidamo kaa amar qaata galeen, xaaskiisiina musqusha inta ku jabiyeen ugu galeen!

– MAYA WAXAAS OO DHAN MA OGI, MANA MAQAL EE GOORMEE DHACEEN?!

Mudane, meel aad madaxeedii tahay majaheed la iskama dhigee hadaadan midaamin karin mas’uul waa laga tagaa!

SANADKAAN 2018 SANAD KHEYR QABA ILAAHEY HANOOGA DHIGO. Aamiin.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.