Madaxweyne Ku -xigeenka Oo Kormeer Kadis ah Ku Tagay D/Hoose Hargeysa

0

Hargeysa(Sayruuq) Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdirahman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa subaxnimadii saaka booqasho ka dis ah oo shaqo ku tagay Dawlada Hoose ee Hargaysa.

Madaxwayne ku-xigeenka oo ujeedada Kormeerkiisu la xidhiidhay sidii uu u darsi lahaa Habsami u socodka hawlaha shaqo ee ay Dawladaha Hoose ugu xil-saaran yihiin Qaranka,Xoojinta Bilicda Caasimada,iyo dardar-gelinta hawlaha adeeg ,iyo Bulsho ee Dawladaha Hoose.

Madaxwayne ku Xigeenka oo kulan la yeeshay Duqa caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) kuxigeenka Duqa , Cabdicasiis Cago-weyne, Xoghayaha Dawlada Hoose,iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawlada Hoose ,ayaa waxa uu kala hadlay in ay xoojiyaan ,isla markaana ay laba laaban laabaan adeegii shaqo ee ay ummada u hayeen.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland waxa uu ku adkeeyay sidii dib loogu furi lahaa sariibada Qudhac-dheer oo ahmiyad balaadhan ugu fadhida dadwaynaha ku dhaqan degmadda Maxamuud Haybe, waxaanu tilmaamay in furista sariibadaasi ay jiitantay loona baahan yahay in la furo si dadweynuhu ay uga maarmaan inay ka soo adeegtaan suuqa Hoose.
Madaxweyne-Ku-xigeenka-iyo-maayarka-300x224
Duqa Caasimada C/Raxmaan Maxamuud Caydiid oo hadal kooban halkaasi ka soo jeediyay ayaa waxa uu sheegay in masuuliyiinta dawlada hoose ay diyaar u yihiin dadaal kasta oo ay u arkaan in ay ku wanaajin karaan adeega ay Bulshadooda u hayaan.

Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu dusha ka maamulaa mashruuca JPLG-ga ee horumarinta dawladaha Hoose.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.