Madaxweyne-Ku-Xigeenka Jsl Oo Xadhiga ka Jaray Adeeg Cusub Ee E-Dahab ee Shirkadda Dahabshiil [Sawiro]

0

Hargeysa [Sayruuq]-Xaflad balaadhan oo lagu daah-furayey adeegga casriga ah ee E-Dahab-ka ee shirkadda Dahabshiil ayaa lagu qabtay Hotel-ka Guuleed ee magaalada Hargeysa,munaasibadda xafladaasi oo ahayd tii ugu abaabulka iyo quruxda badnayd waxaa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cadbiramaan Cabdillaahi Ismaaaciil Shire [Saylici]-Maareeyaha shirkadda Dahabshiil maamule ku xigeenka SHirkadda Dahabhsiil Cabdirxmaan Cali Cabdi,Siciid Maxamed Siciid Ducaale [Dahabshiil] Madaxa warbaahinta iyo xidhiidhka Dadweynaha Professor Xasan Maxamed Jaamac [xiis]

xasan xis

Cabdi Faarax Maareeye ku xigeenka shirkadda Dahabshiil, Wasiirada Maaliayadda,Duulista iyo hawada,Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga,Ganacsatdada qaybaleeda kaladuwan,Golayaasha Baarlamaanka,shaqaaale waynaha shirkadda Dahabshiil Groups,Sulaadiinta iyo guud ahaanba bahda dhaqanka  iyo dadweyne kale,furitaankii xafaldaasi waxaa ka hadlay Maareeyaha shirkadda Dahashiil Cabdiraxmaan Cali Cabdi waxaanu ka waramay adeeggan cusub ee E-Dahabka iyo faa’iidooyinka uu bulshada u leeyahay waxaanu sheegay inuu yahay adeegii ugu damgeeyey ee ay shirkadda Dahabshiil ku soo kordhisay dalka kaasoo waxbadan ka taridoona yaraynta culayskii bushadu dareemaysay ee xagga isu diridda lacagaha iyo saxmadii badnayd ee ay kala kulmijireen markay doonayaan inay xawaalada Dahabshiil Kayuuga dheer u galaan.

DSC00445

Maareeyuhu waxa uu si guud u xisay waxqabadka balaadhan ee adeegyada ay shirkadda Dahabshiil u hayso dadweynaha ku dhaqan Geeskan Africa iyo noocyada kaladuwan ee adeegyadaasi ay qaato Dahabshiil Isaga oo maareeyuhu arintaa ka hadlayeyna waxaa hadaladiisii kamid “salaam kadib waxaan jeclahay inaan waxyar ka waramo waxqabadka kaladuwan ee adeegyada shirkadda Dahabshiil oo gaadhay dhamaan Geeska Aftrica oo dhan sida xawaaladda iyo sarifka lacagaha,qaybta isgaadhsiinta oo ah qayb-balaadhan gaadhay Somalida oo dhan,qaybta Ganacasiga iyo adeegan cusub ee E-Dahab ee aynu maanta furayno dhamaan waxay kamid yihiin adeegyada kaladuwan ee ay bulshada u qabato Shirkadda Dahabshiil Group”

DSC00441

Isaga oo wali arinta E-Dahabka ka hadlayana waa uu yidhi “systemkan aynu maanta furayno ee E-Dahabka ayaan rabaa inaan waxyar is-dultaago Adeegan E-Dahab ee aynu maanta furayno muxuu yahay E-Dahab waxaanan filayaa inaad dhamaantiinba garanaysaan waxa uu yahay hadii aan sharaxaad kooban ka bixiyana waa adeeg bulshada u sahlaya inay si dhibyar lacagahooda isugu gudbiyaan haday tahay Gudaha iyo haday tahay dibada dhinackastaba”

DSC00467

Maaareeye Cabdiraxmaan waxa uu sheegay inuusan qofka haysta Telefoonka Somtel u baahnayn inuu xawlaad iyo saxmad dheer-toona u maro ka faa’iidaysiga adeegan casriga ah ee E-Dahabka waxaanu yidhi “adeegani waa adeeg-casriya waxaanu kuu sahlayaa inaad lacagtaada kalasoo bixikarto,kadirsankarto,qofkale u dirikarto adiga oo xafiiskaaga jooga,Beertaada  jooga,Gurigaaga jooga ama meeshii kale ee aad doontaba”

DSC00418

Dhinacakale waxa uu adeegani cusub ee E-Dahab saaxada bulshada ku soo kordhiyey dakhli dhaqaale oo aan yarayn kaasoo ay laga dareemayo durbaba nolosha qoysaska qaarkamid ah ay ehelladoodu shaqada ka heleen xafiisyada E-Dahab ee  Gobalada iyo Degmooyinka dalka kuwaasoo durba maraya tiro badan sida uu sheegay Maareeye Cabdiraxmaan Cali Cabdi waxaana hadaladiisii  kamid ahaa “Adeegan Casriga ah ee E-Dahab waxakale oo uu soo kordhiyey inuu shaqaaleeyey dad farabadan oo ay ilaa hadda tiradoodu hgaadhayso 100 qof kuwaas oo dhaqaalaha ka soo gala E-Dahab laga dareemayo inuu waxbadan ku soo kordhiyey hormarka bulshada iyo dhaqaale ahaanba” sidookale waa uu sheegay maareeyuhu inay si gaara adeegan E-Dahabka uga faa’iidaysanayaan shirkadaha Ganacsiga kuwaasoo si ballaadhan ugu nafisidoona isu gudbinta iyo kala wareejinta lacagaha ay u kala dirayaan Gobadlada dalka iyo dibadiisaba wax-kayar daqiiqad gudaheed dhib iyo socod la’an.

DSC00433

Siciid Maxamed Siciid  oo kamida xubnaha boodhka sare ee shirkadda Dhabshiil Group oo halkaa ka hadlay waxa uu tilmaamay inuu adeegani yahay mid ay dadku waxbadan naawilayeen iyaga oo rajo badan ka qaba inuu-u fududaynayo hawlahooda shaqada gaar ahaan kaladiridda,iskudiridda iyo wax ku Iibisaga badeecadaha intaba waxaanu si gaara  u milicsaday inuu adeegaasi Hay’adaha UN-ka iyo kuwa maxaliga ah ee dalka jooga labadaba fure u noqonayo inay dareemaan culaus badan oo ka dhacay marka loo eego saxmadda suuqyada oo cidhiidhi ah iyo iyada oo lagaba yaabo inuu wakhtiguba kaa dhaco intaad ku sii jeedo xafiisyada xawaaladaha hasa yeeshee uu adeegani E-DSahab meesha ka saarayo dhamaan caqabadihii noocaasi ahaa oo dhan.

DSC00448

Mr Siciid waxa uu tibaaxay sida loogu baahnaa adeegan oo kale inay bulshadu hesho kaasooo  ay bulshada horey u adeesatay dareemeen waxbadan inay ka faa’iideen halka uu sheegay kuwa hadda kadib qaadan doonaana inay dareemidoonaan aqoon iyo adeeg balaadhan oo ay raali ku noqon doonaan kadib markay isku xidhaan Godka lacagtu –u taalo [Akoonka] iyo Telefoonadooda Somtel.

DSC00422

Mr Siciid waxa uu intaa oo dhan kahor salaan quruxbadan ku salaamay dhamaan masuuliyiintii ka soo qaybgalay xafladaasi isaga oo ku hadlayay magiciisa,kan Gudoomiyaha Guud ee shirkadda Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale iyo kan maareeyaha guud Cabdiirashiid Maxamed Sidiid Ducaale oo labadooduba sida uu sheegay hawlo shaqo ugu maqan dalka dibadiisa “Mudane Madaxweyne ku xigeen,Golaha Wasiirada,Golayaasha Baarlamaanka,Sulaadiinta iyo bahda dhaqanka ,Dumarka ,Dhalinyarada iyo qaybaha kaladuwan ee warbaahinta iyo saraakiisha ka socota hay’adaha qaramada midoobay dhamaan waan idin salaamayaa” ayuu yidhi.

DSC00375

Salaantaa ka dib waxa uu sheega inay Somaliland noqotay dalalka Africa kii 4aad ee horgaliyey adeegga casriga ah ee 4G kaasoo ay shirkadda Somtel dhawaan xaflad balaadhan ku faahfurtay Hotelka Maan-soor waxaanu Mr Siciid xusay inay ahamiyadda 1aad ee shirkadda Dhabshiil Group kamid tahay inay bulshadu kaga faa’iidaystaan adeegan cusub ee E-Dahab-ka hormarinta arimaha caafimaadka,waxbarashada iyo wixii lamida “ahamiyadda shirkadda shirkada Dahabshiil waxaa kamida inay dakdu adeegan kaga faa’iidaysan doonaan inuu –u fududeeyo hawlahooda caafimaadka iyo waxbarashada waana adeeg saamayn wayn ku yeelan doona hormarka bulshada” ayuu yidhi waxaanu gabagabadii khudbadiisa ku jeediyey luuqada Ingriisiga taasoo ay ajaanibtii xafladaasi ka soo qaybgashay si fiican u fahmeen ujeedada xafladani  iyo nuxurkii ay xambaarsanayd.

DSC00415

Waxaa isagun halkaa ka hadlay Agaasimaha waaxda adeegan cusub ee E-Dahab Ful’aad Axmed Nuux waxaanu si waafiya uga waramay adeegani cusub ee E-Dahabka iyo waxyaabaha uu bulshada u qabandoono iyada oo ay marhoraba dadka qaarkii horey isgu xidheen Akoonadooda ay ku leeyihiin Xawaaladda Dahabshiil iyaga oo u sii maraya Telefoonka Shirkadda Somtel kaasoo ah fududeeyaha 1aad ee isgu kaa xidhi kara akoonkaaga ay lacaguhu kuugujiraan iyo adeegan casriga ah ee E-Dahabka.

DSC00395

Mr Nuux waxa uu huusta ka xariiqay muhiimadda adeegan cusub ee E-Dahab iyo sida uu bulshada uga kaalman doono sidii horeyba loo sheegay dhinaca adeegyada muhiimka ah gaar ahaan wixii la xidhiidha Lacagaha iyo inay dadku si dhibyar isugu gudbinkarayaan iyaga oo aan kaba dul-kicin xafiisyadooda,guryahooda iyo hadba goobtii kale ee ay ku sugan yihiinba kaasoo ay mahadiyeen dadkii iyagu horeyba u furtay adeegaasi waxaana la arkayey intii ay xafladdu xaga hore ka soconaysay dadweyne farabadan oo ku xoonsanaa xaga dambe si ay isaga diiwaan galiyaan qaadashada adeegan cusub ee E-Dahabka iyaga oo ku lamaanayay Telefoonka Somtel “Adeega E-Dahab waa Adeeg Casriya oo bulshada u sahlaya inay si fudud isugu gudbiyaan lacagahooda iyagoo aan socod iyo saxmad toona umarin balse xafiisyadooda iyo guryahooda iska fadhiya” ayuu yidhi Agaasimaha E-Dahab Mr Fu’aad Axmed Nuux oo la hadlayey boqolaalkii qof ee ka soo qaybgalay xafladii lagu daah-furayey adeega cusub ee E-Dahab ee shirkadda Dahabshiil.

DSC00424

Waxaa isaguna halkaa ka halday Sudaan Axmed Daahir oo ku hadlayey afka madax dhaqameedkii xafladaasi ka soo qaybgalay waxaanu sheegay inay dad badani garanayaan sidii uu Gudoomiyaha Dahabshiil ku bilaabay shaqada Xawaaladda iyo goortii uu bilaabay labadaba,Sudaanku waxa uu sheegay inuu Gudoomiyaha Dahabshiil mudan  yahay in loogu duceeyo inuu Ilaahay u barakeeyo cimrigiisa iyo maalkiisaba maadaama uu isagu ku dhiiraday inuu xoolihiisa galiyo meelo mararka qaarkood hadlis badani ku xeeran tahay taasoo ay dadka in badani kala baqeen inay sidiisa oo kale xoolahooda iyo xoogoodaba ugaga faa’iideeyaan “Maxamed Siciid waad garanaysaan sidii uu shaqada xawaaladda ku bilbaaba iyo sidoo kale guurtii uu bilaabay waxaanu mudan yahay inaan ugu ducayno inuu maamlkiisa galiyey meelo mararka qaarkood halisa oo ay dadka kale oo dhami kala baqeen inay maalkooda galiyaan” ayuu yidhi Suldaan Axmed Daahir.

DSC00423

Dhanka kalana waxa uu sheegay inay Somali oo dhan magic iyo karaamaba u soo jiideen “inabadan oo Ganacsatadeena Somaliyeed kamida ayaa inay xoolahooda galiyaan iskaba daayo xataa caruurtooda ku aaminiwaayey sida Maxamed Siciid oo kale” ayuu yidhi Suldaan Axmed Daahir,waxaa isaguna madashaasi a hadlay Imaamka Masaajidka weyn ee Cali Mataan Sheekh Maxamed Aadan Muxumed waxaanu sheegay sida uu Suldaankii ka horeeyeyba sheegay  inuu Dhabshiil mudan yahay in ilaahay looga baryo inuu xoolihiisa iyo xoogiisaba u barakeeyo.

DSC00398

Gudoomiyaha Jaamacada Admas University Professor Ixsaan Cumar Ismaaciil oo ku hadlayey Afka dadweynaha gaar ahaan macaamiisha ku liibaantay adeegga E-Dahabka oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inuu adeegani bulshada ku soo kordhiyey waxbadan isla markaana ay kaga raysteen inay kharash iyo wakhtiba ku bixiyaan masaafooynkii dhaadheeraa ee ay u marijireen si ay lacagahooda ugala soo baxaan xawaaladda Dahabshiil iyo kuwa kaleba taasoo ay dhibaato badan kala kulmijireen xiligada qaarkood siiba marka ay dariiqyadu mashquulka yihiin gaadiidka dartiis ama uu wakhtiguba sidii aan xaga sare ku soo sheegnay ka soo dhamaanayo oo kale “anigu waxaan ku hadlayaa afka dadka macaamiisha u ah adeeggan cusub ee E-Dahabka waxaanan ku shaqeeyaa xafiis ay shaqadiisu waxbadan la xidhiidho adeegan E-Dahabka” ayuu yidhi Pro-Ixsaan.

DSC00349

“xaqiiqadii waxaan adeegan isticmaalayey ugu yaraan 2 bilood waxaanu hawlahayga ii fududeeyaa xiliyada aan u baahnahay inaan akoongayga lacagta kala soo baxo waxaanan ka raystay sii socodkii  iyo soo socodkii aan ku tagijiray xafiisyada xawaaladda Dahabshiil hadba kii iigu dhaw” ayuu yidhi Gudoomiyaha Jaamacadda Admas University Professor Isxaan Cumar Ismaaciil.

DSC00345

Waxaanu xusay inuu adeegani yahay mid wax waweyn ka badali doona fududaynta hawlaha bulshada  balse waxa uu maamulka shirkadda Dahabshiil gaar ahaan waaxda kus haqada leh ee E-DSahabka ku booriyey inay sare u sii qaadaan adeega E-Dahabka isla markaana ay ixtiraam iyo hawl-fududaynba u sameeyaan dadka macaamiisha ah ee ku xidhan Adeeggan casriga ah.

 

Wasiirada Duulista iyo Hawada iyo Maaliyadda oo labudaba halkaa ka hadlay waxay sheegeen inay ka wasiiro ahaan soo dhaweynayaan furitaanka adeegan E-Dahab isla markaana ay ka faa’iidaysan doonaan waliba ay dadka ugu horeeya kamida noqon doonaan,dhanka kalana wasiirka Duulistu waxa uu sheegay inay canshuur badan ka helaan shirkadaha Ganasiga sidaa darteed ay iyaguna dhinacooda diyaar u yihiin cidii ganacsi samaysanaysaba inay u fududeeyaan sharciyada ay xukuumadda uga baahan yihiin “runtii adeegan E-Dahab waanu soo dhaweynaynaa waana adeeg loo baahnaa anaguna waxaanu kamid noqon doonaa dadka ugu horeeya ee ka faa’iidaysan doona” ayuu yidhi. Ina Xaashi Cabdi.

 

Wasiir Samaale ayaa isaguna dhiniciisa sheegay inuu barnaamijkani xidhiidh la leeyahay shaqada maaliyadda ee uu ka shaqeeyo sidaa darteeed ay farad weyn u tahay inay shirkadda Dahashiil adeegyadeedii hore ee looga bartay ku soo kordhisay adeegan “anaga ka wasaarad ahaan horeyba Baanka Dahabshiil xidhiidh xaga maaliyadda ah baanu lahayn  hadana farxad gaaray noo tahay  inay shirkaddu maantana ku soo kordhisay adeegii E-Dahabka” ayuu yidhi Mr Samaale.

 

Gudoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo isaguna madasha hadal kooban ka jeediyey waxa uu amaanay shirkadda Dahabshiil iyo adeegyada ay bulshada u hayso waxaanu xusay inuu adeegani E-Dahab sare u sii qaadayo shaqooyinkii kaladuwanaa ee ay bulshadu ka helijireen Shirkadda Dahabshiil “anagu ka Baan ahaan waanu wada shaqaynaa Baanka Dahabshiil xidhiidh fiicanina wuu naga dhexeeyaa adeegan cusub ee E-Dahab ee aynu maannta halka [Guuleed] ku daah-furaynana waa mid loo baahnaa dadkuna waxbadan ay ka faa’iidi doonaan hawl-fududayntiisa” ayuu yidhi Mr Dirir.

 

Ugu dambeyntiina waxaa munaasibadaasi ka hadlay Madaxweyne ku xiegeenka Cabdiraxmaan Islaaciil Saylici waxaanu si weyn u bogaadiyey shirkadda caanka ah ee Dahabshiil iyo adeegeedan cusub ee E-Dahab kaasoo uu sheegay  inay dadku baahi u qabeen inay helaan hadana ay farxad u tahay bulshada inay Shirkaddu – u furtay adeegan casriga ah “waxaan hamablayeynayaa shirkadeena weyn ee caanka ah ee Dahabshiil oo adeeegyadii hore ee ay  inoo qabanjirtay maantana inoogu soo kordhisay adeegan casriga ah ee E-Dahab-ka” ayuu yidhi Madaxeyne ku xigeenka Somaliland Mr Saylici.

 

Dhanka kalana waxa uu bogaadintiisa ku ladhay in loo duceeyo shirkadda Dahabshiil isaga oo sheegay  inay ducadaasi ku mutaysteen wax qabadkooda xaga arrimaha bulsahda la xidhiidha “waxaan jeclahay inaan maanta u ducayno Shirkadda Dahabshiil iyo oo dadaal badan samaysay cidii sideeda oo kale dadaalaysana waan dhiirigalinaynaa isaga ilaahay maalkiisa iyo dadkiisaba haw-barakeeyo” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mr Saylici.

 

Ugu dambeytiina Madaxweyne ku xigeenku waxa uu xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee 5 dabaqa ee E-Dahab-ka ee quruxda badan kunayaala ka soo horjeedka Saldhiga dhexe ee badhtamaha magaalada Hargeysa waxaanay Maamulka Sare ee Dahabshiil Groups Madaxweyne ku xigeenka iyo wufuudii kale ee faraha badnaaba ku soo wareejiyeen  qaybaha kaladuwan ee dhismaha casriga ah ee xarunta E-Dahab.

 

www.Sayruuq.com

 

Xafiiska Hargeysa

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.