Madaxweyne Ku Xigeenadii Hore Somaliland Maxay Ku Asteyeen Xaaji Cabdi Waraabe

0
Ficil Dhif & Naadir Ah Oo X. Cabdi Waraabe Sameeyay

Astaynta Madaxweyne ku-xigeennadiidii Somaliland Xasan Ciise Jaamac, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed Yuusuf Yaasiin ee Marxuun Xaaji Cabdikarin Xuseen Yuusuf.

“Isaga oo nool ayaan weydiiyayy, waanay ii warceliyeen”

Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Waad mahadsan tahay haddaad wax iga weydiisay Xaaji C/Kariin Xuseen. Runtii anigoo maqlay taariikhdiisa iyo noloshiisii hore ee yaraantii oo aad iyo aad sal ugu leh nabadda oo uu ku soo barbaaray, waxa isugu kaaya horreysay meel aan arko oo uu ka hawlgalayo halgankii markii lagu jiray, oo uu ka mid ahaa tiirarkii ugu waaweynaa guurtidii halkaa lagu sameeyay, ee dib-u-heshiisiinta, hanti-ururinta iyo rag-ururintaba ee kaalinta weyn ee mugga leh ugu jiray halgankii markaa lagu jiray.

Waxaan ku arkay Xaaji C/Kariin Xuseen nin af-tahamo ah, hal-adag, xaqana aan ka waaban, ku caddeeya dadka oo runta ka sheega. Runtii waddanka markii la yimina sidii oo kale iyo kaalin ka sii firfircoon ayuu ka sii qayb-qaatay sidii beelaha loo heshiisiin lahaa oo ahayd muhiimadda koowaad bilawgii markii dalkii laga yimi ee waxyaabihii u horreeya ee qabsoomay ee ugu weyn ka mid ahaa. Guurtidii marka dadka khilaafaad dhex yimaaddo kala dhex galaysay, ee heshiisiinaysay ayuu mar walba xagga hore kaga jiray.

Waxa iigu xigtay Shirkii Boorama ee muddada shanta bilooda socday guurtiduna maamulaysay ee Somaliland lagu soo unkay isaga iyo Sheekh Ibraahin iyo rag la mid ahi haddaanay u guntan inaan wax badani ka suurtogaleen. Dib-u-heshiisiintii baa sii socotay, la sii dhammays-tiray halkiibaa laga sii amba-qaaday, hormood buu ka ahaa raggii halkaa hawsha ka waday. Arrin kalena wuu dhacay markii dalka la soo galay, oo beelaha dhexdooda la isku yaacyaacay oo khilaaf yimi, mar walba Xaaji C/Kariin Xuseen wuxuu ka taagnaa dhinaca wanaagsan ee garnaqa ah oo uu dalka iyo dadkaba kala badbaadinayo, oo aanu qolo iyo qabiil midna raacsanayn ee dhex ah.
Xaajigu waa nasiib badan yahayoo cimrigaa wuxuu ku soo gaadhay maanta, hadduu dadka xumaha iyo dulmiga ka taliya uu yahay waxaan u malaynayaa inaanu cimrigaa soo gaadheen, cibaadada iyo samo-talisnimada waxbaan kaga darayaa cimrigaa Ilaahay u dheereeyay. Intaas aan sheegayuun maahee illaa Ingiriiskii, illaa dawladihii hore haddaad isaga oo sheekanayo taariikhahaas wuxuu ku jiray nabadayn iyo dib-u-heshiisiin. Ficillo badan oo ajar badan ayuu soo qabtay.

Halkii yaanan ka tegine waa tii Boorama lagu soo dhisay xukuumaddii, waa tii lagu guuleystay in la dhiso dawlad cusub oo AHN Cigaal madaxweyne ka ahaa, anna aan ku-xigeen ka ahaa, halkii buu Xaaji Cabdi ka sii waday. Markii dambe iska hor-imaad baa dhacay aynu ogayn oo ay duruufii hub-ka-dhigista iyo waxyaabo caynkaas ahi keeneen, khilaafaad baa dhacay, dhexdeenna waa tii la isku yaacyaacay, Xaajiga mar walba doorkiisu wuxuu ahaa mid cad oo uu dhinac walba leeyahay “Waar toloow colka jooja”. Mar walba nabad-gelyada ayuu ku tuntuunsanayay beeshiisu dhinac ay martaba. Taa lafteeda dhammaystirkii la dhammeeyay ee nabad-gelyada laga gaadhay ma dhacdeen haddaanay rag uu ku jiraa u kaceen. Ilaahay baa mahadda leh, laakiin wuxuu ku jiraa ragga fara-ku-tiriska ah ee hawshaas loo tirinayo.

Guurtidii Somaliland waa tii la sameeyay, Xaaji Cabdi golahaasuu joogaa illaa shirkii Boorama markii laga yimi. Mawaaqiiftiisi ismay beddelin, mar walba nabad-gelyada hala ilaaliyo, waar ha la is nabad-geliyo, waar shuruucda dalka iyo dadka ha loo hoggaansanaado ayuu kuu baaqaa. Dawladdana markeeda qaladka wuu u sheegaa wixii uu ku dhaliilayo, laakiin dadka Somaliland inay wadajir iyo walaalnimo ay ku wada dhaqmaan, iyaga iyo xukuumaddooduna ay is-fahmaan oo aanay iska hor iman ayuu jecel yahay. Ilaahay waxaan ka baryayaa intuu nool yahay inuu tuso Somaliland oo la ictiraafay, oo himiladii ummaddeedu gaadhay.

Waxaan ku soo gebagebaynayaa oo aan odhan karaa Xaaji Cabdi waa inta ay Somaliland dheer tahay dadka kale, isagana Ilaahay ha ka jasaa’i siiyo khayrna ha siiyo, intii dhimatayna Alle ha u naxariisto. Waa odayasheenna fara-ku-tiriska ah ee dhaqan-yaqaanka ah ee hadhay imaka ee xeer-yaqaanka ah oo aan badnayn Ilaahay cimrigooda ha dheereeyee.

7.23, Mujaahid C/Raxmaan Aw Cali Faarax, Madaxweyne-ku-xigeenkii Labaad ee Somaliland, 19/09/2012, Hargeysa.

“ Xaaji Cabdi waxa uu la soo shaqeeyay illa 5 ama 4 jiil inta u dhaxaysa. Waxa laga yaabaa in uu hadda la shaqaynayo nin uu la soo shaqeeyay awoowgiisii labaad. Waa nin in muddo la ah soo shaqaynayay. Laakiin annagu muddo waanu is-naqaannay, ee dhacdadii ugu adkayd ee aanu isku qaabilnay waxa ay ahayd tii Golaha Wakiillada. Arrinkaas, waa tii labada Xisbi (UCID iyo KULMIYE) isku soo caleemo-saareen meesha la yidhaahdo Ambassador, oo dabcan ay sharci-darro ahayd in ay isku soo sharraxaan meel hudheel ah. Markii uu arrinkii aad u sii murgay waxa loo dhiibay guurtida.

Annagu (UDUB) waxaanu filaynay in aanu nahay xisbiga ugu aqlabiyadda badan golaha Wakiillada. Subaxii ay Guurtidu go’aanka noo keenayeen waxaanu fadhinay oo aanu ku shiraynay gurigayga, aniga iyo 33-kii Xildhibaan ee UDUB, waxaanu nidhi hadday nimankaasi (guurtidu) meel inagaga dhacaan oo inagu gefaan, waa haddii ay inaga qaadaan guddoomiyaha (chairman). Waxaanu qorshaynay in Xildhibaan C/Qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo UDUB ka tirsani uu noqdo xubinta noo gelaysa Shir Guddoonka Golaha Wakiillada.

Iyada oo aanu go’aankaas gaadhnay, ayaa waxa ila soo hadlay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, oo ay la joogaan Xildhibaanno ka tirsan Guurtida oo uu hoggaaminayo Xaaji Cabdi-Waraabe, oo Madaxweynaha ku qanciyay in ay aqbalaan go’aanka ay mucaaridku ugu codeeyeen shir guddoonka Wakiillada. Markii aan u imi ayuu Madaxweynuhu guurtidii ku yidhi “Waa kan Axmedna inoo yimi, ee go’aankiinna u sheega”.

Xaaji Cabdi oo af-hayeenka guddiga ayaa ayaa yidhi “ Waxaanu go’aaminnay in aan laga daba tegin saddexdaas nin ee la doortay, UDUBna ay sidaas nagu aqbalaan”. Waan diiday hadalkii, waxaan u sheegay in go’aankani yahay mid aan la aqbali karin. Laakiin waanwaan ka dib ayaan aqbalay, oo aan idhi “Haddaad Xaaji Cabdoow sidaas go’aamiseen, waxaan leehayay Ilaahay idinka idinku sallid raggaa aad daaya tidhaahdeen”. Dabcanna waa tii Golihii Wakiillada lagu salliday Golihii Guurtida, ee ay Wakiilladu sharci-darro ku tilmaameen go’aankii ay Golaha Guurtidu muddada afarta sanno ah isugu kordhiyeen sannadkii 2006-da.

Meelaha kale ee aanu Xaaji Cabdi ka wada shaqaynay waxa ka mid ahaa Khilaafka Wershad Hargaha lagufarsamaynayo oo ku taallay Aw Barkhadle, xilligii uu Madaxweyne Cigaal dalka madaxda ka ahaa, oo ay isku hayeen beeshayda iyo beesha Xaaji Cabdi. Weliba xilligaas Xaaji Cabdi beeshayada wuu u maahmaahay. Xaaji Cabdi waa nin guurti ah oo nabadda ka shaqeeya. Waxaad dareemi kartaa markii uu beeshiisa ka soo hadhay sannadkii 1994-kii ee uu dagaalku Hargeysa ka dhacay. Waxan xasuustaa kelmad uu yidhi AHN Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo ah “Somaliland waxay Soomaaliya dheer tahay Xaaji Cabdi”. Waa nin aan dawladaha ku mucaaridin. Xaaji Cabdi waxa aan u aqaannaa “mucjiso”, waxaanan idhaahdaa Xaaji Cabdi dhiman maayo illaa inta Somaliland la aqoonsanayo.

7.1.4 Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland. 09/Julaay/2011, Hargeysa.

Xaaji Cabdi waan maqli jiray illaa intii aan yaraa, oo kollay Reer Hargeysi intan maanta way ka yaraayeen, intan aan weynaadayna waxa iigu horreysay Xaaji Cabdi, markii Hargeysa laga soo baxay 1988-kii, ee dibadda loo baxay weliba markaas may ahayne, muddo ka dib ayaa Xaaji Cabdi iigu horreysay. Markii uu dhacay shirkii Madaweyn ee guurtida uu hadda ka mid yahay loo qabtay dabadeed ayaa iigu horreysay.

Xaaji Cabdi waa nin mashhuura (caan) ah oo dadka badankiisu wada yaqaannaan, waxaanu caan ku yahay odaynimada iyo samo-taliskaas aad sheegayso (magaca buugga). Dadka iyo beelaha dhexdhexaadintooda iyo heshiisiintooda ayuu caan ku yahay. Ilaahay ha u barakeeyo’e hawl muhiima weeye. Hawshan islaaxa ah, ee samo-taliska ahi waa hawl muhiima, oo Diinta Islaamka wax loo dhigaa ma jirto, oo cibaadada marka laga hadlayo samo-talisku waa kaalin qaali ah, oo waa derejo, xaggaasna odayaasha caanka ah ee Somaliland ku caan baxay ayuu ka mid yahay.

Markii uu ka mid noqday guurtidaas oo ahayd guurtidii labaad, guurtidii kowaad waxay ahayd mid la aasaasay ku sinnaan 1982-1983kii oo waxa ka mid ahaa Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo Suldaan Xasan Bulbul, guurtidaasu mudduu shaqeeyay, markii dambe ayuu guurtidaasi yara kala tegay. Markii dambe ee 1988-kii ayaa guurtidan labaad la sameeyay, guurtidaa labaad ee uu Xaaji Cabdi ka mid noqday waxa uu u shaqaynayay ujeeddooyinkii guurtidii kowaad, ujeeddadaasina may ahayn mid samo-talis ah,

waxay ahayd mid dagaal-talis ah, oo halgankii SNM ayaa loogu talo-galay in ay kaalin kowaad ama kaalin muhiim ah ka qaataan, hadday noqoto raashin keenis, ciidan keenis, beelo abaabulis, dadka midayntooda iyo wixii khilaaf yimaadda dhammayntiisa, waxay ahaayeen aalad sidii guurtidaa hore aanu ugu talo-galnay in ay halganka gacan buuxda siiyaan, ee nabad iyo samo-talis may ahayn. Samo-talisku wuu ku dhex jiray halganka gudihiisa, laakiin waxay ahayd halganka riixiddiisa iyo dadka abaabulkiisa, taas ayuu iyana Xaaji Cabdi qayb libaax ka qaatay.

Dabadeedna laba sanno ka dib, markii Shirweynaha SNM lagu qabtay Balligubadle 1990-kii ee aniga iyo C/Raxmaan Axmed Cali naloogu dhiibay hoggaanka SNM ayaanu wada-shaqayn toos ah wada yeelannay, intii aynu u diyaar garoobaynay soo gelista waddanka. Markii aynu waddanka soo galnay ee Alle innagu guuleeyayna si toos ah ayaanu u wada shaqaynaynay, muddadii aanu xilka haynay oo dhan illaa shirkii Boorama.

Markaa kaalinta uu Xaaji Cabdi Somaliland ugu jiraa, waa kaalin aad iyo aad u qiimo badan. Waana nin wax-garad ah, waa nin af-tahan ah, waana nin muddakar ah, oo waayo-arag ah. Waxa la yidhaahdaa waayo-araggu waa Jaamacadda kowaad ee adduunka, dad badan oo waxgarada waa la helayaa, dad badan oo aqoonyahana waa la helayaa, laakiin waxyaabaha la isku dhaafo waxa ka mid ah waayo-aragga, waayo-araggu waa muhiim, waayo xikmad ayuu la fadhiyaa.

Wadashaqayntii aanu yeelannay Xaaji Cabdi intii dalka aynu soo galnay kuwa ugu muhiimsan waxa ka mid ahaa, markii aynu dalka wax yar joognay ayaa la isku yara yaacyaacay, oo uu Burco dagaal koobani ka dhacay, xilligaas C/Raxmaan Axmed Cali dalka wuu ka maqnaa. Xaaji Cabdi waxa uu hoggaaminayay raggii odayaasha ahaa ee aan Hargeysa ka diray, ee Burco tegay, markii ay halkaas gaadheenna arrinkii gacanta ayay ku dhigeen, waanay qaboojiyeen, arrinkaana mahad weyn ayaan ugu hayay. Markaa Allaahuma Salli Calaa Nabiyiinaa Muxamad.

Kaftankana aniga Xaaji Cabdi wuu ii hagaajiyaayoo. Xaaji Cabdi baan beri dhexdaas ah qolooyin soo wada hadal qaadnayoo, markaasaan idhi, aniga Xaaji Cabdi hadda waa ninkii hooyaday markii la guursanayay bixiyay, AHN dhammaan waalidka oo dhan’e. Dabadeed nin meesha fadhiyay ayaa yidhi “Wallaahi haddaa Xasan Ciisoow intayadan reer magaalka ah ee meesha jooga adaa ugu da’ yar, waayo nin kale oo ninkii hooyadii bixiyay uu nool yahay ma jiro” markaasuu weliba ku daray, “keliya ma noola’e wuu dhalayaa weliba”, oo waxay ahayd markii uu inankiisa u dambeeyay u dhashay, ee BBC-da laga sheegay, wakhtigaas ayay dabadeed ahayd, “markaas sidaas ayuu welibana Xasan Ciise u da’ yar yahay” ayuu yidhi.”

7.1.5 Xasan Ciise Jaamac, Madaxweyne ku-xigeenkii kowaad ee Somaliland, Guddoomiyeha Ururka XAQSOOR, 28/07/2011, Hargeysa

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.