Madaxweyne Kee Haysta Marinka Toosan iyo Marinka Qalloocan?

0

Madaxweyne Kee Haysta Marinka Toosan iyo Marinka Qalloocan?
W/Q: Wariye Saciid Cagjar

Rabbi Quraanka kariimka ah wuxuu inoogu sheegay in kuwa wanaagsan ee haysata marinka toosan ay la bahoobaan kuwa wanaagsan ee haysta marinka toosan, kuwa xun ee haysta marinka qalloocan ay la bahoobaan kuwa haysta marinka qalloocan… Allah swtc hadalka ma seego mana marin habaabo, waxaa hubaal ah in Madaxweyne xumi aanu la jaan qaadin karin koox wanaagga ehel u ah Waxaa kaloo hubaal ah in Madaxweyne wanaagsan aanu la jaan qaadi karin koox xumaani ehel u tahay.

Waxaa dhacda in Madaxweyne wanaagsan oo daacad ah uu marin habow ku yimaado, wuxuuse ku garan karaa inuu marinkii loo idmaday ee uu rabay ka weecday markii uu eego kooxda ku hareersan, haddii uu arko in ay ku hareeraysan yihiin koox xumaan ehel u ah oo hoyga ay u hoydaan tahay musuqmaasuq ee aanu waxba ka qaban, aakhirka wuxuu la mid noqdaa kooxdaas oo wuxuu ku sifoobaa hoggaamiye xumaan ehel u ah, Waxaa iyana dhacda in Madaxweyne xun uu qaado waddada toosnaa ee loo igmaday, hoggaamiyahaasi markuu hareerihiisa eego waxaa uga muuqda koox wanaaggu ehel u yahay oo hoyga ay u haydaan tahay caddaalad, aakhirkana wuxuu ku milmaa wanaaggaas oo wuxuu noqdaa horseed wanaagsan, waxaanse shaki ku jirin, inaan Wanaag iyo Xumaan meel wada degi karin oo aanay noqon karin isku hoy, maaddaama mawqifkooda iyo ,marinkoodu kala duwan yahay…

Maahmaah Somaliyeed oo guuna ayaa tidhaahda, “Markaad Ruux Kabo Ka Tolonaysid Kabihiisa eeg”… Odhaahdaas oo laga nuugi karo Madaxweyne markaad wanaag ka rabtid horta eeg dadka ku hareeraysan, haddaanay kooxdaas ag dhoobani ehel wanaag ahayn haka filan Hoggaamiyahaas wanaag iyo inuu kugu hago Tubta Toosan… Haddii kooxdaasi tahay koox wanaag ehel u ah, ku aamin kabahaaga oo hakala bakhaylin wax yaabaha u sahli kara inuu kabahaas kuu qurxiyo oo ay noqdaan kabo aad dadka ugu faanto…

Dhaqanka Haggaha xun uu leeyahay waxaa ka mid ah inuu madaxa cag ka saaro ruux kasta oo daacad ah oo sharaf lahaa islamarkaana bahdil lafa jab ah oo dullaysi qaabdaran uu ku sameeyo, oo dadkii aan daacadda ahayn ee aan eexaysan jirin sharaf iyo wanaag uu sumcad iyo darajo ka simo… Sababtuna ay tahay in kuwa wanaagsani ka hor imanayaan xil gudasha xumada iyo axdi kabaxa faraha badan ee uu ku kacayo… Kuwa xumaha u saaxiibka ah ee aan eexaysanayn sharaf iyo qiimo ay la walaaqanayaan qudhunka lidka ku ah shacabkii xilka u dhiibtay ee aamminay… Waxaad ka dheehan kartaa Hadalkii Balqiisa ay ku lahayd asxaateeda Markii Nabi Sulaymaan NNKH Warqadda uga timi ee Allah qisadeeda uu Quraanka Inoogu Sheegay…

Haddaba Madaxweyne kastoow is xisaabi oo eeg hareerahaaga yaa ku ag dhooban, ma yihiin koox wanaaggu guri u yahay, hadaad aragto in kooxdaasi aanay wanaag shuqul kulahayn xaalkooduna yahay dantooda gaarka ah, ogsoonoow inaadan ahayn Hoggaamiye wanaagsan oo daacad ah, sababtoo ah daacad iyo khiyaamo xeero mawadaagaan… Sacabka beenta ah ee ay kuu tamayaanna ma aha kii shacabka waa mid humaag beena ah oo ay kooxdaasi dhaqaale ku soo abaabushay… Haddiise kuwa garbahaaga taagani yihiin koox wanaaggu hoy u yahay ogsoonoow inaad tahay Madaxweyne wanaagsan…

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.